Saturday 13 February 2010

Madaxweyne Rayaale oo wata hindise doorashada baarlamaanka lagu soo hormarinaayo


Madaxweyne Rayaale oo wata hindise doorashada baarlamaanka lagu soo hormarinaayo
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegayaa in madaxweyne rayaale oo habeen dhaweyd shir gaar ah la qaatey xubno aad ay isugu dhawdhawyihiin oo ka kala tirsan seddexda gole ,iyo xubno hogaanka sare ee xisbiga ah. Waxay isla qaateen bal inay qiimo dhab ah ku sameeyaan taageeradooda. Wax kale oo laysla arkay in ay doorashada soo socota ee madaxwynunuhu ay u muuqato mid rajadeenu intii tii hore ka hooseysyu. Waxaa aad loo lafaguray qiimeyn weyna lagu sameeyey sidey beeluhu udub u kala taageerayaan. Waxaa walaac weyn laga muujiyey in beesha habaryoonis oo doorashashadii hore xisbiga aad u taageertey in ay maanta awoodooda saarayaan xisbiga UCID. Kulmiyana uu taageero inti hore ka badan ka helaayo. Markii la qiimaeeyey sacad muuse waxay sheegeen in awoodii hore ee aan ku lahayn dhinaca jibriil abokor in ay ka dhinmeyso. Habar-jeclo oo xoog u taageerta kulmiye, waxaa inaga dhacey taageeradii berigii hore aynu ka helne solol-madaw iyo muuse abokor. Samaroon oo xisbigeenu awood ku leeyahay. Maxamed case xoog badan ayaa kulmiye taageeraaya.
Waxaa kale oo la qiimeeyay in aaney suuragal aheyn in dib loo dhigo. Sidaa darted waxa leyla qaatey in lagu shaqeeyo arrimahan soo socda oo xataa hadii loo baahdo axsaabta lagu qanciyo. Haddii kalena awood cod oo guurtida ah lagu muquuniyo
1. In doorashado Somaliland ka dhacdo bisha September ee 2010
2. In doorashadaasu noqoto tii golaha wakiilada.
3. In madaxweynaha laga soo doorto golaha wakiilada oo ay soo magacaabaan xisbiga ugu haldheere badan
4. In dastuurka la beddelo oo doorasha baarlamaanku ay noqoto tii madaxweynaha iyo baarlamaankaba si kharajka doorashada loo yareeyo
5. In labada gole leysku daro oo ay noqdaan hal gole oo keliya ah tiradiisu tahay 246 oo mar keliya la doorto iyaguna madaxweynaha doorto

No comments:

Post a Comment