Saturday 13 February 2010

Ma runbaa in Madaxweyne Rayaale guddoomiyaha xisbiga UDUB ku wareejinaayo nin reer awdal oo degan Canada

Haddii guddoomiyaha Xisbiga UDUB labada reer ee culculus (waa habaryoonis ama sacad Muuse) la siiyo ka kale ayaa cadhhonaaya taana xisbiga dan uguma jirto



Warar ku dhaw-dhaw madaxtooyada ayaa sheegaayey maalamahanba in shirar hoosaad lagu gorfeynaayey cidda noqoneysa guddoomiyaha xisbiga UDUB , haddii doorashada xisbigu ku guuleysto ama laga guuleystaba. Arrinkaas oo ah arrin ay soo qaadeen madaxda kala duwan ee UDUB, ee aadka ugu ololeeya hoggaamintan Daahir Rayaale. Madaxweyne Rayaale aad ayuu uga gaabsadey in uu cidna ballanqaad u siiyo arrinkaas, isagoo ka baqanaaya in hadduu cid u balan qaado in ay inta kale ka cadhoondoonto. Waxaa u si gaar-gaar ah madaxweynuhu ugu ballan qaadey labada beelood ee kala ah Sacad Muuse iyo Habaryoonis. Hase yeeshee markii lays xuuraansadey kooxahaas isku sida ugu ololeeya UDUB, kala danahana ah. Waxay noqotey in labadii dhinac iyo madaxweyne Rayaale si mideysan isu horfadhiistaan. Aakhirkii madaxweyne Rayaale labadii qolaba wuu u badheedhay. Waxaanu ku yidhi waxay iila muuqataa in jagadaas aynu u dhiibanno nin wanaagsan oo qiimo badan oo reer awdal ah, haddana degan dalka Canada. Madaxweye Rayaale wuxuu arrinkaas ku sababeeyey laba shay oo muhiim ah: Waa ta kowaad haddii guddoomiyaha Xisbiga UDUB labada reer ee culculus (waa habaryoonis ama sacad Muuse) la siiyo ka kale ayaa cadhhonaaya taana xisbiga dan uguma jirto. Ta labaad madaxweynu wuxuu odayaashaa ku wargeliyay in aaney suuragal ahayn in seddexda xisbiba waa UDUB, Kulmiye, iyo UCID ay ka madax wada noqdaan Isaaq. Oo dadkii dhinacyada ee awalba cabanaayay aanay seddexda xisbi midna ka madax noqon . dee taasuna qarankaabey u xuntahay. Waxaa kale oo labadaba dhinac uu ku qanciyay oo kale in Garxajis ka madax yahay xisbiga UCID. Halka habar-awal na uu xisbiga Udub insha allah uu ka yeelandoono guddoomiye ku-xigeen sida uu haddaba ka yahay. Waxaa la sheegayaa in ay jiraan rag madaxweynaha ay aad isugu dhawaayeen oo aan arrinkaas ku qancin, inkastoo intoodii badneynd ay u arkeen in dooda madaxweynuhu tahay mid macquul ah o danta dalka iyo dadkuba ku jirto

No comments:

Post a Comment