Friday 12 February 2010

Nin lagu gawracay hargeysa

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.

Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Nin Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Dalka Soomaaliya Oo Isagoo Gawracan Maydkiisii Laga Helay Xaafadda Goljano Ee Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Golisnews.com)-12/02/2010- waxaa saaka abaaro 7:30 caawa fiidkii laga helay maydka nin dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Soomaaliya goob biyo mareen ah oo ku taalla xaafadda goljano ee caasimadda Hargeysa.

Sida uu noo xaqiijiyey nin dukaan ku haystay agagaarka goobta ninkani maydka ah laga helay oo la yidhaahdo Axmed Raan waxaa ninkani aragtay gabadh ka mid ah dadka dukaanka wax ka iibsada "caawa fiidkii ayaa waxaa iyadoo ordaysa isoo gashay gabadh aan aqaano oo dukaanka macaamiishiisa ka mid ah waxaanay ii sheegtay in nin mayd ah uu yaallo goobtani miyo mareenka ah, aniguna waxaan la hadlay booliiska oo goobta soo gaadhay" ayuu yidhi Axmed Raan.

Sida dad goob joog ah oo markaasi arkay maydkani ay u sheegeen Golisnews ninkaasi ayaa laga gawracay dhuunta iyadoo dhiig badanina uu wadhna agtiisa, waxaana dhinaciisa laga hellay mindi, taliyaha ciidanka booliiska ee xaafadda 26 June Cismaan Nuur Matan ayaa noo sheegay in ay wakhtigani baadhitaanka arrintani lagu jiro wuxuuna sheegay in haayadda danbi baadhista qarranku ay ku hawlantahay "haa arrintaasi way jirta waanu soo qaadnay maydka haddana waxaa kiiskaasi ku jira saraakiil ka tirsan haayadda baadhitaanada danbiyada oo maydkii ku badhaya cisbitaalka guud ee Hargeysa" ayuu yidhi Taliyahu.

Gabadh magaceeda noogu sheegtay Khadra ayaa noo sheegtay inay ninkani taqaanay "wuxuu ahaa dadka ka shaqaysta qodista suuliyada iyo hagaajinta waddooyinka xaafadaha dhex mara, wuxuu sidoo kale mararka qaarkood ka shaqayn jiray waraabinta beeraha xaafadaha isagoo ilaalin jiray guryaha, wuxuu maalmahii ugu danbeeyey u eka qof xuskiisu sii kululaanaya, wuuna isla hadli jiray isagoo odhan jiray waa la i dilaya" ayey u sheegtay gabadhaasi khadra shabakadda Golisnews.

No comments:

Post a Comment