Monday 15 February 2010

Shirkii ambasador iyo khudbadii safiirkii masar ee soomaliweyn

Qaranimada Somaliland Iyo Gafafka Ka Soo Gaadhay Shirka Shalay Hargeysa Uga Furmay Hayadaha Caalamiga Ah Iyo Kuwa Dawlada



Waxa Khudbad Soomaaliweyn Ah Somaliland Dhexdeeda Kula Soo Dhiiraday Safiirka Masar U Fadhiya Nairobi.

Hargeysa, Ferbruary 15. 2010 (Haatuf) - Shir Shalay Magaalada Hargeysa uga furmay wakiilo ka kala socda hay’addaha dawlada Somaliland iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland ayaa waxa ka dhashay fadeexado dhawr ah oo taabanaya qaranimada Somaliland, iyada oo uu shirkaa khudbad Soomaaliweyn ah kasoo dhex jeediyey mid ka mid ah Diblomaasiyiinta Safaarada dalka Masar u fadhida Nairobi Kenya. Diblomaasiga Masriga ah ayaa qaranimada Somaliland ku tilmaamay mid aan jirin iyo waliba in deeqbixiyeyaashu ay taageersan yihiin fikrada Soomaaliweyn iyo in Somaliland ay ka mid tahay Somalia.

Diblomaasiga Masriga ah oo sheegay inuu ku hadlayey magaca beesha Caalamka iyo deeqbixiyeyaasha ayaa khubadiisii waxa ka dhashay buuq badan oo kaga yimid dhinaca Somalilanders-ka ka qayb galayey shirkan oo ku talo galku ahaa in dib loogu qiimeeyo mashaariic miisaaniyadoodu gaadhaysay ilaa $216 Milyan oo la sheegay in laga fuliyey dalka Somaliland sanadihii 2008 iyo 2009. Waxa kale oo shirkan loogu talogalay in lagu falanqeeyo wixii ka hirgalay qorshahaas iyo wixii aan ka qabsoomin.

Mashaariicdan oo qayb ka ahayd qorshe mudadiisu tahay Shan Sandood oo ku dhamaanaysa sanadka 2012-ka, waxa ay u jeedadoodu ahay in Somaliland laga hirgaliyo qorsheyaal iskugu jiray toosinta maamulka, adkaynta nabadgalyada, dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulsho muddo shan sano ah, taas oo marka la isu geeyo ay ku baxaysay lacag kor u dhaafaysa $500 Milyan.

Hadaba waxa la sheegay in sanadihii 2008 iyo 2009 lacagtaas laga isticmaalay ilaa $216 Milyan, waxana ajandaha shirka ka mid ah in dib loo eego wixii lagu qabanlahaa lacagta hadhay oo gaadhaysa $335 Miylan.

Hadaba markii uu shirku shalay ka furmay Ambassador Hotel ayaa waxa albaabkii dibada ee hudheelka laga galayay is hor tubay niman ka tirsan hay’adda UNDP oo iyagu bilayskii Somaliland u gacan dhaafay hawlihii sugitaanka amniga iyo aqoosiga dadkii galayey hudheelka, waxaana ka mid ahaa dadka laga horjoogsaday inay soo dhaafaan albaabka hudheelka ee dibada Suxufiyiin u socday inay warbixino ka diyaariyaan nuxurka doodihii shirka iyo u jeedooyinkiisa.

Siday ilo xogogaal ahi ay Haatuf uga warameen, wasiirka qorshaynta Cali Sanyare ayaa markii hore xukuumada Somaliland u sakhiray shirkan oo sheegay inay ka soo qayb gali doonaan safiiro ka socda qaar ka midd ah dawladaha reer galbeedku, balse waxa shalay caddaatay in Diblomaasiga kali ah ee shirka yimid ahaa mid ka socday Masar oo ah dalka ugu cadowtinimada badan Madax-banaanida Somaliland.

--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment