Saturday 13 February 2010

W/Maaliyadda somaliland Mudane Xuseen cali ducaale Cawil ayaa la beddelayaa ma dha baa?


Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaaya in ay baryahanba ay soo kordheyso xurguf ka dhexeysa oo ku saabsan dhinaca dhaqaalaha madaxweyne Rayaale iyo wasiirku aadka ugu kalsoonaa ee xuseen cali ducaale. warar isa soo taraaya oo naga soo gaadhaaya Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne rayaale uu ogaadey mashruuc ballaadhan oo maalgeshi ah oo mudane cawil cali ducaale iyo rag kale ka sameeyeen beriga afrika.Markii arrinkaa laysu gareysanwaayey ayuu madaxweyne rayaale go'aansadey in lacagta adag ee dalka soo gasha si ku meelgaadh ah looga joojiyo wasaaradda maaliyadda, oo madaxwynuhu si toos ah baanka ugala macaamilo. waxaase hadda uu go,aan ku qaatay in ama mudane Cawil laga beddelo wasaaraadda ama ay ku dambeyso wasiir cawil cali ducaale oo xilkii wasiirnimo laga qaaday . Waxay ilahaasu tibaaxayaan in uu wasiirka xannaanada xoolaha ee jamhuuriyadda somaliland Dr. Idriis uu maanta yahay key aadka isugu dhawyihiin rayaale marka la eego xagga dhaqaalaha. wixii arrimahaa ka soo kordha waan idinla socodsiindoonaa.

No comments:

Post a Comment