Monday 15 February 2010

Shirguddoonka Wakiilada oo M/weyne Rayaale u gudbiyay Qoraal ka dhan ah Wasiirka Xannaanada Xoolaha




Shirguddoonka Wakiilada oo M/weyne Rayaale u gudbiyay Qoraal ka dhan ah Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa qoraal ka dhan ah Wasiir ka tirsan Golaha Wasiirada u diray Madaxweyne Rayaale.

Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa hore u sheegay in Wasiirka Xannaanada Xooluhu iska dhego-tiray qoraallo 8 Warqadood ah oo ay kaga dalbadeen in uu Guddidaas ku hor yimaaddo.

Inkasta oo aanu Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Idiris Cabdi Ibraahim ka hor xaadirin Golahaas, isla markaana dhawaanahan booasho ku joogo Gobolka Saaxil, haddana Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waqtigan, ahna guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax, ayaa qoraal u diray Madaxweyne Rayaale, kaas oo uu kaga dalbanayo in uu Wasiirkiisa ku amro in uu hor yimaaddo Golahaas.

Qoraalka uu Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladu u diray Madaxweyne oo ku taariikhaysan 13/2/2010, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Mudane Madaxweyne, Anigoo tixraacaya dhammaan Qoraallo rasmi ah oo tiradoodu dhamayd siddeed Warqadood oo ka bilaabmaya 31/01/2010 ilaa 10/02/2010 iyo Warqadda Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee tirsigeedu yahay GW/G/19/237/2009.

Anigoo ka duulaya sida ku cad Qodobka Distoorka ee 53aad xubinta 6aad iyo 7aad ee qeexaya awoodda Guddiyada Golahu u leeyihiin u-yeedhista Masuuliyiinta Qaran, iyagoo wax ka waydiinaya gudashada xilkooda iyo qodobka 45aad ee Distoorka xubintiisa 5aad ee si cad u qeexaya Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada haddii qoraal guddi ama Gole lagaga codsado kulan shaqo in ay waajib ku tahay ka soo qayb-galka kulanka laga codsaday.

Haddaba, waxa muuqata in uu ka dhego adaygay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Idiris Ibraahim Cabdi, dhammaan u-yeedhista guddida Dhaaalaha Golaha Wakilada iyo yeedhmadii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ugu yeedhay Wasiirka, taas oo qaadatay muddo ku dhaw saddex bilood.

Sidaa darteed, Mudane Madaxweyne waxaanu kaa dalbanaynaa mar labaad in Wasiirku hor yimaaddo Guddida Dhaqaalaha, si wax looga waydiiyo arrimo la xidhiidha Ganacsiga Xoolaha iyo Takaaliifta Lacageed ee laga qaado Xoolaha.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

No comments:

Post a Comment