Sunday 14 February 2010

Wasiirka Caafimaadka oo shaqadii ka eryay 11 Dakhtar oo ka mid ah kuwa ugu caansan dalka

Wasiirka Caafimaadka oo shaqadii ka eryay 11 Dakhtar oo ka mid ah kuwa ugu caansan dalka
February 14th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe ayaa shaqadii ka eryay 11 Dhakhtar oo ka mid ah Dhakhaatiirta waawayn ee dalka, kuwaas oo ka hawl-gala Cusbatalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Dhakhaatiirtan oo ka hadlay ayaa arrintan ku tilmaamay sharci-darro, waxaanay sheegeen in tallaabada uu Wasiirku qaaday ay ka hor imanayso danaha umadda ay u adeegayeen.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Dhakhaatiirtan xilka kaga qaaday Warqad Qoraal ah oo uu u gudbiyay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, ayaa amray in shaqada laga fadhiisiyo Dhakhaatiirtan.

Guddoomiyaha Guddida Dhakhaatiirta Dr. Axmed Maxamed Gaas oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi, “Arrintan maanu rumaysan markii aanu maqalnay Ilaa aan u tagay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Cabdiraxmaan Cadami u tegay oo uu yidhi way jirtaa warqaddaasi. Waanu garan waynay sababta, maxaay yeelay Dakhaatiirtan qaarkood ismabay arag Wasiirka, qaar laba sanno ka hor ayaa laga eryay shaqada, qaarna kama dhaqaaqaan Cusbatalka guud ee Hargeysa oo aan lahayn meel gaar ah oo uu ka hawl-galo. Waxa ka mid ah Dr. Aw-koombe oo habeen walba iyo maalin walba dadka qalliin ku sameeya oo baahiyo jira daboola.”

Mar Guddoomiyaha la waydiiyay inay cid kala kulmeen Wasiirka, ayaa wuxuu sheegay in Dakhaatiirta mid ka mid ahi uu la kulmay Wasiirka, isla markaana uu Wasiirku sheegay in uu ka noqonayo arrintan. Waxaanu tallaabadan uu Wasiirku qaaday ku tilmaamay mid aan suurtogal ahayn. “Suurtogal maaha oo wax soconaya maaha arrintani oo dad baa loo adeegayaa, waanay soconaysaa. Hase yeeshee, markaanu maqalnay arrintan ayaa Saleebaan Cabdi Guuleed u tagay Wasiirka, waxaanu ku yidhi waan ka noqonayaa. Waxaanuse ognahay in Wasaaraddii laba qaybood u kala jaban oo is-haysta.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Dakhaatiirta Somaliland Dr. Gaas.

Dakhaatiirta Wasiirku shaqada uu ka joojiyay waxa ka mid ah; Dr. Axmed Maxamed Gaas, Dr. Xuseen Aw-xoog, Dr. Cabdiraxmaan Aw-Koombe, Dr. Ismaaciil Cali, kuwaas oo ka mid ah dhakhaatiirta hawlaha muhiimka ah ee arrimaha Caafimaadka.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment