Sunday 14 February 2010

Madaxweyne rayaale oo madaxdhaqameedyada awdal iyo waxgarad qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshey xasaasi ah

Madaxweyne rayaale oo madaxdhaqameedyada awdal iyo waxgarad qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshey xasaasi ah



Inkastoo war cad aanu ka soo bixin shirkaas, haddana ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloolay kulankaas ayaa odayaashu waxay ku soo qaadeen dhawr qodob oo beelweyntu samaroon ay kaga cawdeen madaxweynaha.
Waxay duqeytidu madaxweynaha ku wargeliyeen in beelweynta samaroon ay kursigiisa wax badan oo ay kii kaleba kula xisaabtami lahaayeen ku waayeen. Qodobada ay soo hordhigeen madaxweynaha waxaa ka mid ah:
1. Arrimaha ku saabsan iibka gasiirada sacaadadiin iyo ceelab ee gobolka salal
2. Wax ka qabasha la’aanta dilkii ka dhacay jidka gabiley iyo boorama ee aan waxba laga qaban
3. In la beddelo go,aankii guurtida ee ay ugu xukumeen jibril-abokor oo odayaashu u arkayeen mid xaq darro ah
4. In muddadii sideeda sanadood ee uu xukun ka hayay aanu waxaba ka beddelin arrin ay ballantu ahayd in uu wax ka beddelo oo ah saamiga beeshu ku leedahay Somaliland xagga waxqeybsiga golaha wasiirada iyo golaha wakiilada.
5. Iyo in aad ballaqaado in aad guddoomiyaha xisbiga ku wareejin doonto nin reer awdal


Dood dheer ka dib madaxweyne Rayaale wuxuu ku qanciyey odayaashii in uu waqtiganu yahay waqti aad u adag oo xasaasi ah , oo ah xilli doorasho. Go,aankaad qaadataana fulintiisu adagtahay. Dadkii ku dooran lahaana ay qaar badan ka cadheysiineyso, siina fogeyneso. Wuxuunu ballan qaaday in uu dhammaantood inshalla fulin doono markey doorashada laga baxo, isagoo madaxweynuhu u sheegey in uu guuleysanaayo haddeydaan idinku gacmaha na qaban. Wuxuu kula taliyey in maanta waxa qudha ee aynu u jeesanaa ay tahay sidii doorahadaa aynu ugu guuleysan lahaayn, markaa wixii kale aniga ii daaya. Si fiican ayaa leysugu afgartay dhamaan arrimihii

No comments:

Post a Comment