Sunday 14 February 2010

Dagaalka Afghanistan: Askari British Ah Oo Ku Dhintay Dagaalka Qadhaadh Ee U Dhexeeya NATO Iyo TALIBAN

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Warar Dheeraad Ah Dagaalka Afghanistan: Askari British Ah Oo Ku Dhintay Dagaalka Qadhaadh Ee U Dhexeeya NATO Iyo TALIBAN



Marjah (Golisnews.com)-13/02/2010-- iyadoo dagaal qadhaadh oo aan waxba la iskula hadhin oo ilaa saaka hiirtii ilaa wakhtigani ka soconaya gobolada koonfurta dalka Afghanistan sidaanu akhristayaal hore idiinku soo gudbinaya ayaa war imika soo gaadhay xafiiska wararka Golisnews ee London oo ka soo baxay wasaaradda gaashandhiga Britain wuxuu xaqiijinaya in Askari ka tirsana Unuga 1-aad ee ciidamada Grenadier Guard uu ku dhintay dagaalkani goor dhawayd gabal dhicii wakhtiga afghanistan.

Weli dagaalka ayaa socda waxaana laga maqlaya buuralayda ku geedaaman deegaanka Marjah oo ah goobta ay Talibanku ugu xoog badanyahiin dayanka sawaariikhda lal isweydaarsanaayo, waxaa sidoo kale laga maqlaya guuxa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo la dhacaya buuralaydaasi gantaalaha laga soo tuuro diyaaradaha.

Talibanka ayaa ku jira difaac ba'an oo ay u babac dhigayaan 15000,000 oo ka soo kala jeeda 5 dawladood hawlgal ay ugu tallo galeen Mushtarak.

wasaaradda gaashandhiga ee ingiriiska ayaa goor dhawayd u xaqiijisay warbaahinta in ay ka dileen labaataneeyo ka tirsan Talibanka halka ay sheeganayaan ciidamadda huwanta NATO inay qab qabteen maxaabiis badan.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waxaanu idiinla socodsiinayna daqiiqad daqiiqad la soco Golisnews hormoodka Geeska.


Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Golisnews, London News Centre
info@golisnews.com

No comments:

Post a Comment