Thursday 21 January 2010

Abti Cawiloow Halka Aad Iigu Yeedhaysaa Waa Meeshii Aan Shalay Iskaga Tagay, Iminkana Waxay Ku Darsatay Inay ” Darawal 20090212


Abti Cawiloow Halka Aad Iigu Yeedhaysaa Waa Meeshii Aan Shalay Iskaga Tagay, Iminkana Waxay Ku Darsatay Inay ” Darawal
February 12th, 2009

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Cabdillaahi-Darwal) oo ka mind ahaa Garabka is bedal doonka Xisbil-xaakimka UDUB, isla markaana ka tirsan Musharixiinntii qaadacay natiijada Shirweynihii labaad ee UDUB ku soo doortay mar labaad hogaankiisii hore, ayaa deedifeeyay hadal todobaadkan ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), kaasoo uu ku sheegaay in Cabdillaahi Darawal yahay Mujaahid soo dagaalamay oo Miisaan culus ku leh Xisbiga UDUB dhexdiisa oo aan laga maarmayn. Isaga oo sheegay in aanay ka maarmayn, isla markaana ay ka shaqayn doonaan sidii khilaafka jira loo dhamayn lahaaa.
Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo xalay Wargeyska Saxansaxo kula soo xidhiidhay khadka Teleefanka isaga oo jooga Magaaladda Hargeysa, ayaa gaashaanka ku dhuftay hadaladaa ka soo yeedhay Wasiir Cawil, waxaanu sheegay in Cawil ka mid ahaa Raggii markii ka qaybgalka Xisbiga laga horjoogsaday aan ka hadal, waxaanu ku tilmaamay amaanta uu Cawil u soo jeediyay mid sasabasho ah oo uu uga dan leeyahay inuu ku kala fogeeyo isaga iyo taageerayaasha ka midaysan qaadacaadda Shirweynihii UDUB.
Darawal waxa uu u soo jeediyay Cawil in aanu wakhti iskaga lumin amaantiisa, isaga oo intaa ku daray in uu mar kastaba ku soconayo go’aankii is bedal doonka ahaa ee UDUB.
“Ammaantan iyo hadalkan wanaagsan ee Cawil uu ii soo dirayo, nin dhab uga qaadanaya oo ay aqoon daro ka hayso ma ihi, C/laahi Xuseen Iimaan Darawal oo ka mid ah garabka xisbiga UDUB ee ay ku bahoobeen Murashaxiintii, Xildhibaanadii iyo xunbo kale oo dhawaan ku dhawaaqay inay qabanayaan shir ay ugu yeedheen inuu noqon doono ka sharciga ah isla markaana eedefeeyay shirweynihii labaad ee xisbiga UDUB ee murashaxiinta loogu doortay Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaga oo daba socda hadal uu isaga warbaahinta u soo mariyay Wasiirka Maaliyadu Cawil Cali Ducaale sheegay in aanu mawqifkiisa waxba ka badeli doonin isla markaana jawaab ka bixiyay dhawr qodob oo uu xanbaarsanaa hadalkaa hore ee Wasiirku.”
C/laahi Xuseen Darawal waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aan doonayaa in aan wax ka idhaahdo arrinta aniga igu saabsan ee uu Cawil sheegay ama ka hadlay, Horta Abtigay (Cawil), nimankii shirka afduubka iyo guul wadaynta waday ayuu ugu geesisanaa waxaanu noqday ka ee ugu indhaha adag.
Mar haddii uu noqday kii ugu horeeyay ee ka hadlay arrinkaa ee ammaana sidii ay wax u dhaceen, sababta uu u ujeedana cid waliba way iska garanaysaa oo waxa uu doonayaa in aniga (C/laahi Darawal) iyo saaxiibaday nala kala shakisiiyo.
Ammaantan iyo hadalkan wanaagsan ee uu ii soo dirayna, nin dhab uga qaadanaya oo ay aqoon daro ka hayso ma ihi, waxaanan leeyahay haddii ay dhab kaa tahay waxaas oo ammaan ah ee aad ii sheegaysaa ee aad waliba ii qirtay in aan ahaa UDUB oo waliba aan wax badan ka soo qabtay, ma waxa aad ilawsan tahay in aad shalayna ii lahayd markaad
doonaysay inaad shirka iga xanibto, xisbiga UDUB-ba maaha, isla markaana Odayaal muddo kar ah oo kuu yimid aad ku tidhi Kaadhadh baanu u geynay oo wuu diiday.
Arrinkaas oo ahaa mid aanay waxba ka jirin oo ahayd uun waanu u badheedhnay in aanu ka joojino. Ta kale meeshan aad leedahay waanu doonaynaa oo waanu u yeedhaynaa,
horta meeshu waa meeshii aan anigu shalay iskaga tagay, wixii aan kaga tagayna waxaabay ku sii dersatay in ay qadiyadii, qaranimadii iyo gooni isu taagii Somaliland ay mugdi geliso, Xisbigaan awal rajo ka qabayoo xisbigiina wuu iga dhintay, Markaa waxa aan leeyahay abti idinka oo mahadsan wakhtiga ha iska kay khasaarinina.
Mujaahid C/laahi Xuseen Iimaan Darawal oo daba socda hadal uu Wasiirka Maaliyadu ka jeediyay qado sharaf uu dhawaan hotel Crown ee magaalada Hargeysa ugu sameeyay qaar ka mid ah xubnaha qurba jooga ah ee ka qayb galay shirweynihii xisbiga UDUB, waxa uu yidhi “Arrimaha aad ka sheegaysay (Wasiirka Maaliyada) ee ahaa isaga iyo Cabdi Aw Daahir baan isu geeyay, oo horta shirtiii shirkii aasaaska ee xisbiga UDUB,
way jirtayoo aniga, Cali Maxamed Waran Cade iyo nin kale oo Wasiir ahaa oo Oomane la odhan jiray waanu ka cadhoonay, sababtuna waxa ay ahayd uun Dimuqraadiyad la’aan, laakiin Nin oday ah ayaa joogay Ilaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, markiiba waanu heshiinay arrintiina waanu dhamaysanay.
Adiga iyo Cabdi Aw Daahir baan idin heshiisiiyayna waxa aan ka leeyahay , aniga (Darawal) iyo Cabdi Aw Daahir laba nin oo Ilmaadeer ah ayaanu nahay, xilligaasna waxa aanu ahayn wasiiro, wixii naga dhaxeeyay iyo khilaafkii xisbigana waxa dhameeyay Allaha u naxiistee Cigaal”
C/laahi Xuuseen Iimaan Darawal isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Shirkaas horeba yeedhis baan kaga tagay, laakiin Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu igu qanciyay in wuxu uu yahay bilaw, waanu naga raali geliyay in ay khalad ahayd, saddexdayada Wasiirba sidaas ayaanu ku aqbalnay, laakiin tani mid badheedh ah oo la isu awood sheegtay oo intaas in leeg oo awood ah la isula hadhin
weeyaan, mana dhici karto waxa aan doono ayaan kugu samaynayaa hadana waan kuu yeedhayaa, markaa taasi waa mid dhamaatay mana dhici karto haddii ay wakhti iska kay khasaariyaana iyaga ayaa khaldan. Hawshayadiina hadii ilaahay yidhaahdo sida ugu dhakhsaha badan ayay u dhamaanaysaa.”
Jawaabta Cabdilaahi darawal ayaa waxa ay daba socotaa hadal uu wasiirka maaliyadu Cail Cali Xuseen maalin ka hor saxaafada u mariyay isaga , hadalka wasiirka waxa ka mid ah oo uu yidhi: “Waxaan anigu xasuustaa anigoo aan weli UDUB gelin markii isbiga la aasaasay bil iyo badh kadib ayaan dalka imi, laba nin oo aan aad u jecelahay ayaa la ii sheegay in xisbigii ka cadhoodeen markii doorashadii xoghayaha guud uu ku guulaystay ninka la yidhaahdo Dr.Cabdi Aw Daahir, laba nin oo aan aad u qiimeeyo mid abtigay buu ahaa Cabdillaahi Darawal, gaar ayaanan ula hadlay oo waxaan ku idhi, abti xisbiga dhexdiisa ayaad wax ku noqon kartaa nin xisbigii ka falaagoobay wuxuu noqdaa nin xisbigii ka fogaaday.”
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Wuu iga aqbalay isaga iyo Cabdi Aw Daahir-na gacanta ayaan isku saaray oo aan heshiisiyay, waxaan ku idhi laba qof oo culus baad tihiine xisbigiina ahaada, Cali wuu iga aqbalay, ninka innaga fogaada waa in aynu soo celino, Cabdillaahi-na waa ninkaas soo halgamay ee taariikhda ku leh dalka, xisbigana markuu ku jiro waxtar buu u yahay. Markaa Darawal waa nin culus oo soo halgamay ee waa in ninka cadhooda aan soo celinaa xisbi ahaan, Cali-na waa kaas maanta madaarkii Hargeysa inoo hagaajiyey, ciddii innaga cadhoota waanu soo ceshanaynaa,”
Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete