Monday 25 January 2010

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Isku Gadaamay Tuulada Hol-Hol .12 Garaad-Na Ku Qabtay Iyo Garaad Jaamac oo u fakaday Deegaanka Saalax-Dheer

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Isku Gadaamay Tuulada Hol-Hol Ee Lagu Shirinayay Garaadada Dhulbahante, 12 Garaad-Na Ku Qabtay Iyo Garaad Jaamac Oo U Fakaday Deegaanka Saalax-Dheer



“Ciidanku Waxay Goobtaasi U Tageen Inaan Shirkaasi Lagu Qaban Cid La Soo Qabtayna Ma Jirto, Ciidankuna Wali Halkaasi Ayay Ku Sugan Yihiin”

Badhasaabka Sool Faarax Askar Xuseen

Hargeysa, January 25, 2010 (Haatuf) - Ciidamada qaranka Somaliland ayaa shalay ku ruqaansaday islamrkaana isku gadaamay tuulada Hol-Hol ee garaadada beesha Dhulbahante ay ka abaabulayeen sidii shir lagaga soo horjeedo qaranimada Somaliland ay ugu qaban lahaayeen, taas oo markii ciidamada qaranku ay gaadheen goobtaasi ay gabi ahaanba joojiyeen shirkaasi uguna tageen laba iyo toban garaad halka la sheegay in Garaad Jaamac garaad Cali oo kali ahi u fakaday tuulada Saalax dheer ee degmada Buuhoodle.

Ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Laascaanood oo uu wehelinayo badhasaabka gobolka Sool Faarax Askar Xuseen ayaa la sheegay markii ay tuulada Hol-Hol ee shirkaasi laga qabanqaabinayay gaadheen ay ugu tageen laba iyo toban garaad oo ay ka mid ahaayeen garaad Abshir Xasan Saalax, garaad Jaamac Ismaaciil Ducaale islamarkaana ay digniin ugu jeediyeen in shirkaasi ay gabi ahaanba joojiyaan, balse sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay deegaankaasi ay sheegeen in garaadada Dhulbahante ay iyaguna ku adkaysteen in shirkooda ay qabsanayaan oo aanay joojinayn, islamarkaana ay ciidamada qaranka Somaliland ay isku gadaameen goobta ay ugu talo galeen shirka oo ay ku sugan yihiin laba iyo toban garaad oo la sheegay in garaad Jaamac garaad Cali oo isaguna ka mid ahaa garaadada ku sugnaa Hol-Hol markii ciidamada qaranku soo galeen ka hor uu u baxsaday tuulada Saalax Dheer ee deegaanka Buuhoodle.

Badhasaabka gobolka Sool Faarax Askar Xuseen, oo isagu ciidamada qaranka horkacayay markii ay gaadheen tuulada Hol-Hol oo 60-Km dhinaca galbeed kaga beegan Laascaanood kana tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool, oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan Laascaanood, kana soo laabtay tuuladaasi ayaa isagu wargeyska Haatuf u xaqiijiyey, in ciidamada qaranku ay deegaankaasi u tageen sidii ay shirkaasi u joojin lahaayeen, isagoo intaa ku daray in xubno garaado ah oo aan badnayn ay goobtaasi ugu tageen ciidamadu, islamarkaana ay gebi ahaanba ay joojiyeen shirkii laga abaabulayay Hol-Hol.

Badhasaabka Sool oo ka warwareegay inuu si faahfaahsan uga hadlo dhacdadii ay kala kulmeen Jiidaasi ayaa si kooban isagoo uga hadlaya arrintaasi waxa uu yidhi “qaar ka mid ah deegaanka oo waday in ay shirkaasi ku qabsadaan deegaanka Hol-Hol ayaa ciidamada qaranka iyo anigu aanu u gaadhnay sidii aan tuuladaasi wax shir ah loogu qaban, qaar ka mid ah garaadadaasi ayaa goobtaas joogay, shirkiina gebi ahaanba waa la joojiyey ciidamada qarankuna deegaankaasi ayay ku sugan yihiin, waana deegaan Somaliland ah oo maamulka Somaliland uu gacanta ku hayo”

Badhasaabka Sool oo aanu weydiinay in garaadadii ciidamada qaranku ay goobtaa ku qabteen, in qaar ka mid ah loo soo qaaday magaalada Laascaanood waxa ka jira wararkaasi sheegaya in xabsiga loo soo taxaabay, waxa uu sheegay inaanay haba yaraatee jirin xubno xabsiga loo taxaabay, islamarkaana lasoo qaaday, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “wax garaado ah oo la-soo qaaday iyo cid xabsiga loo taxaabay toona ma jirto waana been abuur aan sal iyo raad lahayn”

Mar aanu weydiinay badhasaabka Sool tirada garaadada goobtaasi ay ugu tageen ciidamadu marka laga reebo garaad Jaamac Cali oo isagu u fakaday tuulada Saalax-dheer waxa uu yidhi “Runtii marka hore umay dhamayn garaadadu oo qaar ka mid ah oo aan badnayn ayaa goobtaas ku sugnaa, aniguna barito (maanta) ayaan ku laabanaya Hol-Hol ”

Dhinaca kale wafti ka tirsan xubnaha golaha wasiirada oo ay weheliyaan gudoomiye ku xigeenka labaad ee wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa xalay safar guuro gala ugu baxay tuulada Hol-Hol ee ciidamada qaranku isku xeereen, kuna sugan yihiin laba iyo toban ka mid ah garaadada beesha Dhulbahante, taas oo la doonayo in lagu shiriyo.

Dhinaca kale ilo-wareedyo aanu ka helay xalay dad goob joog ku ah tuulada Hol-Hol ayaa sheegay, in ciidamada qaranku ay ku gadaaman yihiin goobta loogu talo galay in shirka lagu qabto iyo guud ahaanba deegaanada ka ag-dhow degmada Xudun.

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete