Thursday 21 January 2010

Waxaanu Go’aansanay In aanu Taageeradayada Siino Xisbiga KULMIYE


Waxaanu Go’aansanay In aanu Taageeradayada Siino Xisbiga KULMIYE, Markaanu Egnay Danta Dalka”Mid ka Mid ah Beelaha Waaweyn ee G/Burco
May 6th, 2009 Comments Off

“Waxaanu Go’aansanay In aanu Taageeradayada Siino Xisbiga KULMIYE, Markaanu Egnay Danta Dalka”Mid ka Mid ah Beelaha Waaweyn ee G/Burco


“Dhabtii Libaaxu Maanta KULMIYE ayay ku soo Biirtay ee Tolo Maxay Odhan UDUB, beeshan aan arkona ma ogi meel ay dhogortii libaaxu kaga maqan tahay” Cabdi Xuseen Dheere

Burco (Somaliland.org)-”Xirsi Cismaan Xoogiisii Xuduuda ka Sokeeyay ee Somaliland Degenaa Caawu (Xalay) Xisbiga KULMIYE ku soo Biiray, waayo? Dee Beelaha Gaashaanbuurta Siciid Waqooyi waa reeraha ugu Badan ee Beesha Galbeedka Burco”

Sidaasi waxa yidhi Dr Cabdi Aw-Daahir Cali oo hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay Xaflad uu Xisbiga KULMIYE ugu Qabtay Hoteelka Barwaaqo ee Magaalada Burco Taageerayaal Beeleed cusub oo ku soo biiray

Dr Cabdi Aw-Daahir waxa uu xusay in ay Xisbiga KULMIYE guul ku dhaweynayaan taageerayaashan Cusub ee ku Soo biiray,” ku Soo biiritaankiinu waxa uu KULMIYE ku dhawaynayaa in uu guul ka gaadho Doorashada Soo socota waxaanaanu idinku soo dhaweynaynaa Xisbigiina anigoo ku hadlaaya magaca Hogaanka Xisbiga KULMIYE iyo kan Fulintaba” Ayuu Yidhi Dr Cabdi Aw-Daahir

Xafladani oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka hadlay Caaqil C/Laahi Muxumed oo ku hadlaayay Magaca Beelaha Gaashaanbuurta Siciid Waqooyi (Xirsi Cismaan H/Yoonis) kaasi oo sheegay in ay beeshiisu si rasmi ah ugu soo biirtay Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE

“Hadii aanu nahay Beelaha Gaashaanbuurta Siciid Waqooyi Iyo Reer Muumin Waxaanu awal hore taageeri jirnay Xisbiga UDUB, waxaanu cadaynaynaa in aanu uga diga-roganay Xisbiga KULMIYE oo aanu maanta wixii ka danbeeya la bar-bar istaagi doono taageero hiil iyo Hooba leh” Ayuu Yidhi Caaqil C/Laahi Muxumed

Sidoo Kale waxa Munaasibadaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer ka hadlay Axmed Xasan Reeme oo ka mid ah cuqaasha beelahaasi ” Waxaanu taageernay Doorashadii Madaxtooyada Xisbiga UDUB, Riyaalena Iskadaa waxa uu noo qabtee Maalin qudha muu iman Magaalada Burco malaa wuu ka baqayaaye, markaa waxaanu is nidhi KULMIYE ayaan Burco ka Baqayn oo xaaladeeda ka warhayn karee taageera” Ayaa ka mid ahaa Ereyadii Axmed Reeme


Mujaahid Ibraahin Cali Daray oo ka mid ahaa Taageerayaasha Cusub ee ku biiray Xisbiga KULMIYE ayaa isaguna Munaasibadaasi ka sheegay, in ku biiritaankoodu ku salaysan yahay Qadiyada dhab ah balse aanu ahayn wax iska Khiyaali ah

“Beeshayadu maaha dadka ku caan baxay kolba Xisbi u guurka ee waxaanu ku go’aansanay talo midaysan, markaa Kulmiyena waxaan ka rajaynaynaa in aanu samayn cadaalad daradii aanu UDUB kaga nimid ee uu Abaalka beesha ogaado” Ayuu Yidhi Mujaahid Ibraahin Cali Daray

Odayaasha iyaguna Munaasibadaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Maxamuud Aadan Dheri oo Bulshada reer Togdheer ugu baaqay in ay si midaysan Codkooda u siiyaan Xisbiga KULMIYE” Reer Togdheer waxaan leeyahay waad aragtaan Xaalada wadanku ku jiro, e maanta Codkiina siiya KULMIYE ayaa Gurmad idiinku dhow, e Bari Iyo Galbeed ba waayo? Wadanku badbaado ayuu u baahan yahay” Ayaa ka mid ahaa Ereyadiisii

Munaasibadani oo ay ka qayb galeen dad ku dhow 200 oo Xubnood oo isugu jira Cuqaal, Ganacsato, Iyo Dhalinyaro ayaa sidoo kale waxa hadal koban ka jeediyay Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere

“Dhabtii Libaaxu Maanta KULMIYE ayay ku soo Biirtay ee Tolo Maxay Odhan UDUB, beeshan aan arkona ma ogi meel ay dhogortii libaaxu kaga maqan tahay, markaa waxaan ka baqayaa markay UDUB aragto awooda ka wareegtay in ay Doorashaba qaban waydo oo ay Mudo-kordhin uun dabada inoo qabatee Malaha waxa wacnayn in aynu shirarka noocan ah Qorsoodi ka dhigano” Ayuu Yidhi Cabdi Xuseen Dheere

Waxa kale oo madashaasi ka hadlay Eng Cali Siciid Raygal iyo Maxamuud Salaan Maxamuud oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee KULMIYE ka Soo baxay

Sidoo kale munaasibadani ayaa ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay, waxana ka qayb galay dad tiradoodu ku dhawday 200 oo Xubnood

Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Somaliland.org Burco

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete