Monday 25 January 2010

“Warsaxaafadeed,Warsafeexadeed iyo Warfadeexadeed iyama?”By A. Geeljire

“Warsaxaafadeed,Warsafeexadeed iyo Warfadeexadeed iyama?”


“Warsaxaafadeed,Warsafeexadeed iyo Warfadeexadeed iyama?”

By A. Geeljire



Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Iyada Arrintii Wasiir ku xigeenka Arrimahu ka hadlay waxba ku noqon mayno oo waxa masaxay hadalkii Wasiirka arrimaha Dibaddu uu ka yidhi hadalkaase waxaan idiin sheegayaa inta nooc ee ay u qaybsan yihiin warsaxaafadeedadu.

Doolaal:Maxay u qaybsan yihiin

Dubbe:Waar horta nimanyow aad idiin sheegee waxa kala jira warsaxaafadeed, warsafeexadeed iyo warfadeexadeed.

Doolaal:maxay kala yihiin waxaad shubaysaa?

Dubbe:ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Warsaxaafadeedku waa kii aynu naqaanay ee milgaha iyo shaafta iyo xigmadda xambaarsanaa ee farriinta siday. Warsafeexadeed kuna waa ka Ina Rayaale jeediyo oo sidii ciyaalkii dibjjirka ahaa ee safeexadda yar hoosta soo gashan jiray ee ku shiriqaadi jiray carruurta aanay sida kale ugu babac dhigi karayn weeye; oo wydinka arkay markuu saxaafadda la hadlayo inta bdhaasuq ee iska dhex tuuro. Warbaahinta cay, xisbiyada cay, madaxdhaqameedyada cay. Xikmad yare.

Doolaal:Ta kalena waa maxay?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Ta kalena waa warfadeexadeed oo waa ta UDUB ta hoose Sida Jug-soo-Dhacay, Cismaan Hindi , Ina Xaaji Daahir,Cunaqabad Caddaani Mooge(ccm) iyo qaar kaloo badan oo aanu Cali Guray ku jirin.

Doolaal:idinku maxaa sheegtaan?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Markaa horta caddaaladda darradana inaga ilaaliya oo bodhaaqii Ina Rayaale qodob wanaagsan baa ku jiray ee aan kaa isna tilmaano.

Doolaal:Muxuu ahaa.

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye.

Doolaal:waar muxuu u jeedaa maanta?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Maya. Maya. Hay garan waayina. Dee horta adeerrayaal lama boodo ee ha fudaanina. Anigu Ina Rayaale amaani maayo ee waxba ha ka xanaaqina. Caddaaladda ayuumbaan ku dadaalayaa midhka xaqa ah waa la sheega.

Doolaal:waa maxay xaqaad sheegaysaa?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Adeerayaal, inkasta oo aanan jeclayn waxii laga heshiiyay in dib loogu noqdo mar hadduu Ina Rayaalahii dhuuman lahaa isagii banaanka is keenayo,waan idinku raacsanahay in markii uu Axmed Siilaanyo halgamaayay inuu Ina Rayaale ahaa kuwa dumarka garayska ka gooya ee kelbadda naasaha kaga qabta raggana xiniinyaha (NSS). Waa runtiine been buu sheegayay markuu lahaa khilaafka Guurtida kama dambeeyo. Waa runtiine. Waa runtiine xaq umuu lahayn inuu saxaafadda caayo marna yidhaahdo ma akhristo marna ii soo urura aan war idin faree, su’aalana hay waydiinina.

Doolaal:saxaafaddu iyagaa qaldane.

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Waa runtiine madaxdhaqameedyada may ahayn inuu aflagaadeeyo. Waa runtiine may ahayn inuu aaska madaxda qaranka tegi waayo, waa runtiine may ahayn inuu wasiirkii India ku dhintay ee Kalluumaysiga ee Garaad la odhan jiray(ahn) meydkiisa diido inuu soo celiyo sidii uu u soo celiyay inantii u shaqayn jirtay oo sax uu ku ahaa. Waa runtiine …

Doolaal:maxaa runtood ah?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Waa runtiine inuu qurbajoogga oo dalka iyo dadkuba ku nool yihiin caayo may ahayn. Waa runtiine inuu wakiilka Somaliland ee Maraykan fadhiya, Sacad Sheekh Nuur may ahayn inuu u diro khaarajiyadda dalkaa oo uu yidhaahdo Axmed Siilaanyo inaan cidi qaabilin ka codso(way diideene. iyagaana sheegaye. Xiiqo weeye) Laakiinse qofka xumi hadduu hadal wanaagsan sheego isla waa la qiimeeyaa. Ninkaasi markuu yidhi waar Golayaashii waqtigii baa ka wada dhacaya ee aan ka tashano. Ilaahay magane waa mid meesha ku jira.

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebe idmo.

A. Geeljire

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete