Wednesday 20 January 2010

Xalkii Dalku Wuxuu Ku Xidhmay Maskax Qufulan Oo Aan Wanaag Doonayn,'' Dr. Cabdi Aw Daahir20070802



Xalkii Dalku Wuxuu Ku Xidhmay Maskax Qufulan Oo Aan Wanaag Doonayn,'' Dr. Cabdi Aw Daahir
Posted on Thursday, August 02 @ 14:55:42 EDT by admin


Burco,August 02, 2007 (Somalilandtoday)- Dr. Cabdi Aw-Daahir Cali oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, isla markaana ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, ayaa muranada siyaasadeed ee dalka ka jira ku eedeeyay Xukuumadda M/weyne Rayaale, waxaanu xadhigga Masuuliyiinta Ururka Qaran ku tilmaamay mid aad u fool xun. Isla markaana wuxuu sheegay in Xukuumadda uu waajibkeedu ahaa in ay wax ka qabato arrinta muranada ee Gobollada Sool iyo Sanaag bari iyo sidoo kale lacagta Giimbaarta ah ee Burco. Balse aanay ahayn inay Siyaasiyiinta qaar ka mid ah xidho.

Waxaanu sidaa ku sheegay Dr. Cabdi Aw-Daahir Waraysi uu siiyay wargeyska madaxa banaan ee Ogaal, waraysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan: S: Ugu horeyn Dr Cabdi Aw Daahir sideebad u aragta Xaaladaha Siyaasadeed ee Maanta Somaliland ka taagan?
J: Runtii aad bay u adagtahay waxaana dhacay falal badan oo is daba jooga oo kasii daraaya maalinba maalinta ka danbeysa waxad arkaysa Miisaniyadii la ansixiyay oo aanay xukuumaddi ku dhaqmaynin, komishankii xubnihii la ansixiyay oo la dhaarin la'yahay, xadhiga siyaasiyinta Qaran oo sharci daro ah. Iyadoo markii horaba ay taagnaayeen arrimo adag oo waxqabad la'aan ah, oo ay kamid yihiin arimaha Sool bari iyo Sanaag bari. Waxaanad mooddaa in maalinba maalinta ka danbeysa xukuumadu ka sii darayso.
S: Wasaaradda Daakhiligu waxay ku eedaysay in Ururka Qaran bilaabay ololayaal siyaasadeed xilli xataa aanay Asxaabtiiba bilaabin, markaa inay ololahaas bilaabaan miyaanay danbi noqon Karin?
J: Ololaha Siyaasadda kolba iyaga si u turjunta Xukuumadu'e cid walba waa loo ogol yahay xataa yaanay Ururba ahaanine, waxa la ogol yahay in dadku is-abaabuli karo banaanbaxyo sameyn karo, mafxalo sameeyo, kulamo iyo fadhiyo gaar ah sameyn karaan. Kaanbaynkuna waa ka bilaha doorashada dhaca, ee inaad xafiiskaga hortiisa dadka kala hadashid inaad ka hadasho arimaha Siyaasada, Waxbarashada, Caafimaadka iyo ganacsiga wax xaarantimaynaya ma jiraan ee waa lagu marmarsiyoonayaa.
S: Sidee ayay kula tahay in lagu xallin karo arrimaha Murugga Siyaasadeed?
J: Wixii xalka ah waa la yidhi, oo la yidhi, lakiin waxa dhibaato ah nin aan dhagaha waxba uga daloolin oo wixii la yidhaahdo dhib u arkaaya Todoba xubnood oo Komishan ah ayuu baarlamaanku diiday, maxkamadda ayay u dacwoodeen, maxkamaddiina go'aanbay gaadhay oo waxay tidhi, mid-mid u ansixiya, ka dibna baarlamaankaa lagu soo celiyay. Way aqbaleen oo xubin-xubintii bay u ansixiyeen, shan bay ogolaadeen, oo labadii Xubnood ee guurtida ayay diideen. Bal maxaa Madaxweynaha Sudhay labada xubnood ee Guurtida? Waana muuqdaa xalkii, laakiin waa maskax quful ku xidhan yahay oo aan wanaag doonayn, xalkuna waa Guurtida oo soo badasha labadii xubnood, Miisaniyada la ansixiyay oo sideedi loogu dhaqamo iyo Siyaasiyiinta xidhan oo la siidayo, Maxkamada Dastuuriga ahina go'aan ka gaadho
Waxana loo baahna in xal loo raadiyo arimaha Sool, Sanaag bari arinta Lacagta Burco iyo Arimaha doorashooyinka ee maaha in la yidhaahado "Labada nin ee Yurub looga yeedhay oo komishan noqda mooyaane wax suuro galaya ma jiraan" Xalkuna Daahir Rayaale ayuu agyaal ee ha keeno. Waxanoo dhamina waa carqalad dalkoo dhan haysata, arintan Rayaale xukumadiisu waddo waxaanad mooda in Siyaasad ahaan carqalada iyo dhibatooyinka oo dhami ku soo jahaysan yihiin beesha aan ka soo jeedo, iyadoo Somaliland oo dhan la qabto arimaha burburka, hadana waxaad mooda siyaasad ahaan si gaar ah loo soo eegayo oo la doonaya in aanay dhanba u dhaqaaqin oo ay UDUB u dabranaadaan. Xaaladan ku dhacday Dr Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal, gaar ahaan Dr Gaboose waxa weeye siyaasadda Beesha aan ka soo jeedaa meel aan UDUB ahayn yay marin. Taasina ma suuro galayso oo way maraysaa, waanay kaceen dadkii.
S: Waxa la sheegay in shirweyne Beesha aad ka soo jeeddo ah la qabanayo, arrintaas maxaad kala socotaa?
J: Kollay anigu waxaan ogahay in la hadal hayo in shir Burco lagu qabto, waana dareenno soo baxaya. Waxa kale oo aan ogahay in Suldaan Cismaan Suldaan Cali uu Yurub ka imanayo waana Suldaanka Guud ee beesha. Waxaanan maqlayay in Shirkaas Burco lagu qabanayo. Markaas shirkaas ayaana jira. Hadda waxaan maqlay qaar leh mid baa Odweyne lagu qabanaya. Waana waxyaabaha Reerka kharbudaadda ku keenaya ee ay waddo xukuumaddu. Waxaanan qabaa hadday arintaasi jirto, in laga midoobo oo layskaga yimaado
S: Xisbiyada qaarkood waxay sheegeen in haddaan tiro-koob la sameyn aanay doorashada ka qayb galaynin, markaa sidee tiro koob u dhici karaa, ayay kula tahay?
J: In Tiro koob la qabtaa waa sidaanu jeclnahay, xilkuna xukuumadduu saaran yahay, laakiin saddexdii doorasho ee hore midna tiro-koob ma jirin. Hase ahaatee, haddii la qaban waayo tirakoob, waa inaanay doorashada u baaqan, ee waa in la qabta Doorashada Deeganka xiligeedii. Ta Madaxweynahana Xiligeedii bilaa shuruud, Xukuumadduna iyadaa ka seexatay waajibaadkeedii?
S: Xisbiga KULMIYE waxa soo baxaya in rag badan Musharixiin yihiin, marka adigu ma kamid tahay siyaasiyiinta doonaya inaay Doorashooyinka 2008 isku taagan xilalka madaxtinamada?
J: Horta jaraa'idka ayaa aad u faalleeya, Xisbiga KULMIYE waa mala-awaal uun, Xisbiga Udub oo kale waxaad mooda inuu yahay xisbi xidh-xidhan oo labada nin ee Madaxweynaha ah iyo ku xigeenka mooyaane aanay cid kale iska soo sharixi karin. KULMIYE waxa uu kaga duwan yahay ilaa hadda ma jiro cid musharixiin si rasmi ah loo magacabay. Laakiin, dhaqdhaqaaqa xisbiga oo ah mid furan oo ballaadhan awgeed ayaa qof walba la yidhi, hebel waa musharax, waana faallooyinka joornalka oo kaliya. Aniguna Doorashada 2008 waan is qiimayn doona inaan ka mid noqdo musharixiinta iyo in kale. Waxaanan ka mid ahay siyaasiyiinta xisbiga. Arrintan falooyinkuna waxay ku tusaysa sida xisbiga cidwaliba uga qayb qaadan karto jagada madaxweynaha iyo ku xigeenka cid walbana waa u furan yahay.
Liibaan Maaweel Shire
Somaliland Today
Hargeysa.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete