Thursday 21 January 2010

Mas'uuliyiinta Sare ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxgaradka Togdheer kulan kula yeeshay Huteelka City Plaza ee Burco 20080501


Mas'uuliyiinta Sare ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxgaradka iyo aqoonayhanada Gobolka Togdheer shalay kulan ballaadhan kula yeeshay Huteelka City Plaza ee Magaalada Burco.

Kulankan oo ujeedadiisu la xidhiidhay sidii la iskaga xogwarraysan lahaa xaaladda guud ee waddanku marayo, ayaa intii u socday lagaga hadlay arrimo dhinacyo badan, isla markaana si weyna loogu naqdiyay siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Md. Cabdicasiis Samaale oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinka iyo abaarahu ka dhashaan marka danuubtu ummadu badato ee laga leexdo jidkii eebeheen inoo tilmaamay.

Md.Cabdicasiis waxa kale oo uu tilmaamay in xilligan ay taagan tahay xaaladdii waqtigii siddeetaneeyadii laga cabbanayey, isla markaana habayaraatee aan la isweydiin sababta ay u soo laba noqonayso, isaga oo yidhi; “Waxa wali laga cabanayaa
wixii sideetankii laga cabanayay, sababtuna waxay tahay waxa isbedelay qofkii uun ee wax kale isma badelin.”

Md. Cabdicasiis Samaale waxa uu xusay in nin kasta oo dulmi wada ay jiraan dad ku xeeran oo mar walba taageero la garab jooga, sidoo kalena ay ka soo horjeedaan qaar xaqa arkaya, sidaasi daraadeed waxa uu ku taliyey inay lama huraan tahay in dadweynuhu taageero kuwa xaqa ku taagan.

“Fircoon wakhtigiisii waxa uu lahaa wasiiro, waxaanna ku dhowaa nin la odhan jiray Haamaan, kaasoo uu odhan jiray salaan dheer ii samee aan ilaahay sheegayaan ku soo dilo samade, dadkana u sheeg inaan anigu ilaahoodii ahay,” ayuu yidhi Samaale.

Guddoomiye-ku-xigeenka isaga oo ka hadlaya sababta uu u muuqan la’ dahay waxqabadkii Golaha Wakiilladu iyo su’aasha ka taagan ee dadweynuhu isweydiinayaan waxa uu yidhi; “Waxaad isweydinaysaa maxay wakiiladaii aad doorateen wax u qaban waayeen, waxaan leeyahay way qabteene awood ayaa lala hortaagan yahay,” waxaannu intaa raaciyey; “Cidda awoodda leh ee wax kala saaraysaa waa shacbiga ee hurdada ka toosa, waxan socdaana waa taariikh oo iyadaa isa soo celinaysa.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna kulankaa hadlay kooban ka jeediyey ayaa sheegay in safarkooda magaalada Burco la xidhiidhay ka qaybgalka aaskii Alleha u naxariistee Maxamed Xaaji Ducaale (Dhoolayare).

Md. Axmed-siilaanyo isaga oo ka qaybgalaayaasha kulkanka uga xogwarramaya xaaladda guud ee hadda dalku ku jiro, waxa uu yidhi; “Haddaan idiinka ka warramo xaalada dalku marayo dawladdii xilku saarnaa ee ahayd inay gurmad gasho, maadaama lagu jiro xilli gaadhi-gaadhi saara, ayaa iska daa gurmadee waxay kordhisay qiimihii shiidaalka. Marka lagu dhaqmayo siyaasadda dhaqaalaha ee shiidaalku suuqa ka kaco cashuurta ayaa la dhimaa. Waynu ka warqabnaa in dalkan aynu ku nool nahay malaha Miisaaniyad la raaco, hadallada madaxweynaha ka soo yeedhayaana waxay yihiin lacagtii aan qaadan jiray ayaa layga jaray bal ogow lacagtaa waxa loo jaray oo lagu kordhiyay dhinacyada caafimaadka, waxbarshada, aafadii Burco wax looga qabanwaayay waxa lagu soo kordhiyay Aafadii Laascaanood.”

Guddoomiyaha KULMIYE ayaa isaga oo sharraxaad ka bixinayey murannada siyaasadeed ee ka dhex oogan xisbiyada muraacadka ah iyo xukuumadda waxa uu yidhi; “Laba arrimood ayaa lagu muran san yahay, kuwaas oo ah waqtiga doorashadu dhacayso, oo leenahay ha la raaco kii ay mudeeyeen sadexda xisbi qaran iyo Komishanku, ta labaadna waxa weeye Marka la gaadho 15 Mey muddadii Rayaale way dhammaatay, awoodduna waxay ku noqonaysaa shacbiga, kaasoo ay ka masuulyihiin Golaha Wakiillada oo ay soo doorteen.”

Axmed-siilaanyo isaga oo ka hadlaya dhinaca xildhibaannada Golaha Guurtida waxa uu ku tilmaamay inay yihiin odayaal aan waxna akhriyin waxna qorin oo golaha ku suga fariimaha uu soo farayo Madaxweyne Rayaale, “Gole aan la soo dooranin ma beddeli karo sharciga,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Maxamed Xasan Jidhif oo isaguna kulankaa ka hadlay ayaa yidhi; “Haddii Rayaale kula yaraatay muddadii aad fadhiday, oo waqtigii dhammaaday haysku adkaynee jaaniska banee, haddaad qasriga aad ku jirto mid kalena aad halkan ka dhisatay iska gal kaa aad dhisatay awalba waxba maad la imane.”

Waxa iyaguna kulankaa ka hadlay Dr. Dixood, Ismaaciil Maxamuud Aar, Suldaan Cabdiraxmaan Qodax iyo xubno kale, kaas oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan, ayaa masuuliyiinta KULMIYE ee kulankaa ka qaybgalaya ayaa waxa ka mid ahaa Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Saylici, Abiib timacade, Xildhibaan C/raxman Yuusuf Cartan. Cabdi Aw Daahir iyo Xubno kale.


Kayse Axmed Digaale
Kdigale@yahoo.com
Burco/Somaliland

No comments:

Post a Comment