Wednesday 20 January 2010

Dr. Cabdi Aw Daahir oo Daboolka ka Qaaday Sababta uu uga Maqnaaday Xafladdii KULMIYE u Sameeyey Xubno Beeshiisa ah20071205


Dr. Cabdi Aw Daahir oo Daboolka ka Qaaday Sababta uu uga Maqnaaday Xafladdii KULMIYE u Sameeyey Xubno Beeshiisa ah
Burco (Jam)- Dr Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan guddiga fulinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo aan isagu ka dhex muuqan xafladdii KULMIYE u sameeyay xubno miisan leh oo ka mid ah Beelaha Garaxajis oo maalintii Axaddii ku biiray xisbigaas, ayaa wariye Kayse Axmed Digaale wax ka waydiiyay sababaha uu uga maqnaa kulankaas iyo siduu u arko xaaladda siyasadeed ee xisbigiisa iyo arrimo kale oo xiiso badan, waxaannu waraysigaasi u dhacay sidan:
Su’aal: Maxay tahay sababta aad uga qaybgeliweyday munaasibaddii xisbigiinu u samaynaayay xubnihii miisaanka lahaa ee ku biiray?
Jawaab: Wxaa ii qorshaysneyd inaan soo baxo 5:00 subaxnimo ee malintaa, gaadhiguna waa ii shidaalaysnaa. Waxaa dhacday arrin degdeg oo cafimaad una baahnaa qalliin deg-deg ah oo isla dhaqaaqaygii la kulmay, dabcan, waxaan go’aansaday inaan qofkaa badbadiyo, sidaas ayaanan ku baaqday.
S: waxa la sheegayaa inaad adiga iyo xubno kale oo aan ka qaybgelin munaasibaddaa aad doonayseen in shuruudo lawado galo inta aan laysku biirin taas maxa ka jira?
J: Horta shuruud aan ku xidhaayo soo biiritaanku maba jiri karto, waayo waxaan ahay kuwa lagu soo biiraayo, ee ah hoggaankii xisbiga. Xubnaha kale ee muhiimka ah ee aan maalintaa aan ka soo qayb gelin kulankaas intaan hubo waxaan ogahay in ay ka go’an tahay ka mid noqoshada xisbiga kulmiye, yihiinana hormoodkii fikirka ku biiridda kulmiye waxaanay ka mid yihiin ergada shirweynaha. Ujeeddadooda ugu weynina tahay kulmiye oo la xoojiyo laysugu tago si isbeddel loogu sameeyo maamulkan ragaadiyay dalka. Wixii arrin ah ee dan la moodo xisbiga gudihiisa ayaa lagaga arrinsanayaa,ee horumarka dalkanu ku jiro
S: Dr. Cabdi, waxaa kale oo la sheegayaa in aad meesha ka arki weyday damacaagii siyaasadeed, ka dibna aad ka hadhay ergadii Burco ka baxaysay sidaa miyaa?
J: Horta haddii nasiib siyaasadeed jiro maalin aan ka nasiib wanaagasanahay ma jirto, iyo maalin aan ka faan badanahay. Waayo wax aan shan sannadood hortood aan ku baaqaayay, kelina aan in kooban ku ahayn, haddii beelweyntii Garxajis xooggeedii nala gartay, inta hadhayna nala garantoonto insha Allah, wax iga dhiman aniga maanta ma jirto, al xamdulilaah. Taasu waa Guushii kowaad oo aan helay, ta labaadna waa kulmiyoo Guulaysta, taladana gacanta ku dhiga, taasoo ahna guusha caam ahaanba ummadda. Damacaygu waa waxa ugu dambeeya. Xataa haddaan mihnadayda dhakhtarnimo ka shaqeeyo oo Kulmiye guulaysto waa igu filantahay.
S: Adigu sidaad u aragtaa ku biiritaanka xubno culus oo beeshaada ah ee kulmiye ku biireen?
J: Horaan taa kuugu sheegay, oo waa guusha ummadda Somaaliland, Waa guusha Xisbiga Kulmiye, Waa guusha beelweynta Garxajis, Waana guusha iyo faanka aniga iyo xubno kale oo kooban noo gaarka ah.
S: Miyaad qawaday siyaasadda xisbiga Kulmiye ee xilligan?
J: Maalin la qawadaba ma joogo Kulmiye. Xooggii hore u joogay iyo xoogga ku soo biiray mid la qawado maaha. Dimoqradiyadda ka aloosan dhaxdiisuna mid la qawado maaha. Barnaamijkiisa siyaasadeedna mid la qawado maaha, anna qawad maanta waa iga dheeryahay .
S: Waxaa la hadalhayay muddooyinkan dambe inaad isku soo sharixidoonto M/ku xigeenka kulmiye ee isu soo taagaya doorashada soo socota arintaa maxa ka jira?
J: Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan jago kasta oo xisbigu leeyahay isu soo sharaxi karo, haddana weli fagaarana kamaan sheegin, in gaar ahna kulama fiqin, xataa naftayda si gaar ah ugulama fiqin. Sidaan hore kuugu soo sheegay damacayga gaar ahaaneed wuxuu noqonayaa shayga ugu dambeeya. Balse arrimaahaas iyo arrimaha kale ee Istraatiijiga ah ee guusha xisbigu ku jirto taladeeda si xoog leh ayaan uga qaybqaatay, ugana qaybqaadan doona insha Allah.
S: Dad badan ayaa dhaliila siyaasadda xisbigiina, kuna sheega in qorshihiina siyaasadeed ee ugu weyni uu yahay ku fadhiisiga kursiga oo kaliya oo aan waxba idiinka danbaynin, sidaa adigu ma qabta?
J: Horta dad sidaa leh oo wax garad ah maan maqal, hadaanay ahayn xubnaha UDUB ee aadka u xagjira. Inaanan kuwaa ahayn wax ugu yar ee kuu caddayn karaa waxaa ka mid ah sida xooga iyo miisaanka leh ee beelihii ugu waaweynaa Somaliland iyo xubnihii siyaasiyiinta ugu firfircoonaa ugu soo biirayaan, taas ayaa markhaati cad ah. Waxaa kale oo Kulmiye axsaabta kale kaga duwan yahay Dimuqraadiyadda, xiwaarka, furfurnaanta ka jirta gudihiisa oo aan maanta xisbiyada kale cid hadal-haysaaba aanay jirin. Dabcan baratankayaga iyo qorshahayaga waa ku jirtaa in aanu talada dalka aan si dimoqraadi ah oo ah doorasho xor ah gacanta ugu dhigno, balse waxaa nooga dambeeya barnaamij cad oo siyaasadeed oo aanu dalkan insha Allah ku horumarin doono. Waxaan talo u soo jeedinayaa inta horumarka dalkan jecel ee hadhay, inay Kulmiye ku soo biiraan.
S: Sidaad u aragtaa arrinta gobolka sool ka jitrta?
J: Waa guul uu gaadhay shacabka reer Sool iyo ciidankeena qaranku. Waana guul u soo hoyatay dhammaan shacabweynaha iyo qaranka reer Somaliland. Maalintaas oo kalena waajibaad ayaa la kala leeyahay. Shacabka iyo axsaabta waxaa ku waajib in arrinkaas si midaysan loo wajaho. Madaxweynahana waxa ku waajib ah in uu arrinkaas ku mideeyo ummadda, taladana uu ballaadhsado. Waxa qudha ee muhiimka ahi marka la soo koobo waa in guushaa ciidanka ay raacdo siyaasad hufan oo garab socota, lana jaanqaada.


Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment