Monday 25 January 2010

ciyaaryahankii soomaaliyeed ee u horreeyay ee ka ciyaara kooxaha kowaad ee Ingiriiska

Ciyaar aad u wanaagsan oo galabta si toos ah looga daawanayay Televisionada caalamka oo dhan iyo dalka Ingiriiska oo ay dhaxmareysay kooxaha kale ah Manchester City iyo Scunthorpe koobka FA ee dalkaan ayaa waxaa markii ugu horeysay galabta lagu dhax arkay Wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Abdi Salaan Ibraahim Cadaay, kasoo watey funaa
nada lambarkeedu yahay 48 islamarkaana ka mid ahaa ciyaartooyda kooxda Man. City.

Kooxda Man City oo ah koox weyn islamarkaana ay u dheelaan laacibiin heer Qaran ah ayaa waxaa leh hantiile Carab, ka mid noqoshada kooxdatan iyo inaa hadane noqoto 11 ciyaaryahan ee lagu bilaabayo ciyaarta ayaa ah wax aan sahlanayn, marka aad milicsato heerka kooxda ka joogto horyaalka dalka Ingiriiska oo aan oran kara mid ka mid ah horyaalada caalamka ugu xiisaha badan.

Cabdi Salaan Ibraahim Caddaay ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee ka ciyaara dalkan iyo koobka FA oo ah koobabka caalamka ugu faacaweyn islamarkaana ugu caansan.

Run ahaantii magaalada London bahda isboortiga oo meelo kale duwan ka joogay magaalada ayaa dhamaantood ila soo xariirey islamarkaana aad ugu faraxsan inay arkaan wiil Soomaaliyeed oo garoonka ka dhaxmuuqda, iyadoo wariyaha ciyaarta sheegayay uu xusay inuu yahay Ciyaaryahan ku dhashay dalka Soomaaliya ciyaaryahan C/salaam Yare.

C/salaam oo numberka 48 xirta ee kooxda MAN CITY iyo Ayub Da’ud oo xirta isna number 47 ee kooxda Juventus ayaa waxaa oran karaa kuwo u noqon kara tusaale ay kaga daydaan (Rol Model ) dhalinyrada Soomaaliyeed.







Kooxda Man City iyo kooxda Scunthorpe ayaa waxay ciyaartii ku soo dhamaatey in kooxda Ibrahim ay ku badiso 4 goal, halka kooxda kalane ay keensatay 2 goal.

Markii ciyaarta dhamaatey ayaa waxaa wareysi bixiyay macalinka kooxda Man City Roberto Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay guusha maanta iyo ciyaartoydiisa.

Waxaa la sadaalinayaa mustaqbalka dhaw in Soomaali badan lagu arki doono garoomada waawayn iyo kooxaha ka dheela madaama ay u soo gudbeen ciyaartooy da’yar Soomaaliyeed heerka kowaad ee kooxaha wiilashan halka waalidiinta Soomaaliyeedna looga fadhiyo inay caruurtooda gacan ku siiyaan sidii ay ku gaari lahaayeen heerar sar sare.

W/D:YUSUF YUSUF
Sports editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete