Saturday 23 January 2010

Ururka Mujaahidiinta SNM oo xukuumadda Uga Digay Xadhiga Biri-ma-gaydadii Dalka u soo Halgamay


Ururka Mujaahidiinta SNM oo xukuumadda Uga Digay Xadhiga Biri-ma-gaydadii Dalka u soo Halgamay

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka ururka midnimada mujaahidiinta SNM Mujaahid

Hargeysa (GNS)- Ururka Midnimada Mujaahidiinta SNM, ayaa xukuumadda Rayaale uga digay xadhigga iyo cago-jugleynta ah mujaahidiinta biri’magaydada ah ee u soo halgamay xorreyntii dalka, iyaga oo sheegay in aanay u dulqaadan doonin xadhig iyo hanjabaado lagula kaco mujaahidiinta.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka ururka midnimada mujaahidiinta SNM Mujaahid Kayse Ismaaciil Cali (Hirka) oo uu xalay soo gaadhsiiyey wargeyska Jamhuuriya, kaas oo u qornaa sidan;

“Waxaannu u sheegaynaa, ugana digaynaa xukuumadda haddii ay hore isaga xidhxidhay rag ka mid ah mujaahdiinta dalka u soo halgantay iyo birimagaydii dalku lahaa, isla markaana cid kasta oo karaamo iyo maamuus dalkan ku lahayd ay ka ergaysay xadhiggaa dulmiga ahaa. Balse Rayaale aanu cisayn dadka kala duwan ee ergada ugu taga mujaahidiinta uu xidhxidho, iyada taariikhdu ay xusi doonto Yawn Minalayam.

Haddaba sidaa daraadeed, maanta ka oggolaanmayno dulmi iyo sharci-darro iyo handado loo gaysto birimagaydii halkankii SNM iyo cid kasta oo muwaadin ah oo sifo sharci-darro ah lagu dulmiyo. Shacbiga Somaliland waxaanu u sheegaynaa inay ka digtoonaadaan xaalad-abuurka iyo iska horkeenka ay kula dhex jirto xukuumaddu.”




Jamhuuriya

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete