Monday 25 January 2010

weligay intaan noola maan arag xukuumad tani ka liidata waa cun, seexo oo soo toos"| Daawo Sawirada 'Feysal Cali Waraabe'-birmingham

Madal Mucaarid Iyo Muxaafid Ah Oo Reer Birmingham Ku Soo Dhaweeyeen Gudd. UCID Faysal Cali Waraabe "weligay intaan noola maan arag xukuumad tani ka liidata waa cun, seexo oo soo toos" Daawo Sawirada

Birmingham (Golisnews.com)-24/01/2010- Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham ee xarunta labaad ee dalka ingiriiska ayaa si weyn oo aan loo kala hadhin markii ugu horaysay taariikhda magaaladaasi waxay usoo dhaweeyeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan iyo saraakiil sar sare oo xisbiga UCID ka tirsan.

Kulankani balaadhan oo ay jaaliyadda Somaliland ee reer Birmingham ku soo dhaweeyeen madaxda xisbiga UCID ayaa wuxuu ka dhacay hotelka Hilltop, waxaana madasha hadalo aad u dhaadheer ka jeediyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Rashiid Sh. Xasan

ugu horayn Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo hadal ka jeediyey madasha ayaa wuxuu u mahad celiyey jaaliyadda reer Birmingham, wuxuuna uga tacsiyadeeyey hadalkii dhawaan madaxweyne Rayaale ku durray jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka dibadiisa isagoo taasi ka hadlaya wuxuu Eng. Faysal Cali waraabe yidhi "walaalayaal waxaan idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen ilaahay ha idin sharfo waad na sharafteene, walaalayaal waxaan doonaya inaan idiinka tacsiyadeeyo hadal uu madaxweynaha Somaliland idinku yidhi oo ahaa inaad lacagaha aad nagu taageertaan aad ku burburinaysaan Somaliland, waa hadal meel waayey, waa hadal aan u qalmin nin masuul ah oo ummad dhan iyo qarran dhan madaxweyne u ah inuu afkiisa ka soo baxo, jaaliyadaha reer Somaliland walaalayaal waa kuwii dalkaasi dhisay, maanta dalka dhan ee Somaliland wuxuu dhaqaale ahaan %80 ku tiirsanyahay waa gacantiina waa taageeradiina, idinka waddanka dhisay, xaasha eh hadalkaasi idinkama gayo waanan idinka tacsiyadaynayaaye ka raali ahaada" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Somaliland wuxuu si ba'an u weeraray xukuumadda Madaxweyne Rayaale isagoo ku tilmaamay mid keliya iskugu uruurtay cun, seexo oo soo toos isagoo taasi faah faahinayana wuxuu yidhi Eng. Faysal Cali waraabe "weligay intaan noola ee aan jiray ee aan arkaayey xukuumado xita tii ina siyaad barre-na ku dhaho ma arag xukuumad tani rayaale ka liidata, waxay hawshoodii iskugu soo uruurtay cun, seexo oo soo toos, wax kale oo la qabto ma laha, xafiiskii madaxweynahu wuxuu noqday meel loo sheeko tago, afar afmiishaar oo uu wasiiro ka dhagtay ayuunba dhegta wax ugu sheega" ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu sheegay in xukuumadda Rayaale ay marmarsiiyo ka dhiganayso inay abuurto khilaaf dalka ka dhaca si looga durko doorasho dhacda "maalin kasta waxaanu u taaganahay inaanu khilaaf xalino, haddana mid kale ayaa la hurinaya, tii koomishanka ayaad ogaydeen, tii wakiiladda ayaad ogaydeen, imikana waa guurtidii, wax kale oo noo hadhi ma jiro eh ilaahay ha na dhaafiyo ina rayaale" ayuu yidhi Faysal

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo sharaxaad ka bixinaya qaabkii keenay muranka diiwan gelintii cod bixinta wuxuu sheegay in ay jirtay afar waxyaabood oo is dhinac ordaya isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi "horta dhibtu waxay ka timid inaga dhexdeena, mid ay sababayeen goboladu oo gobol kastaaba ka kale yaanu ka cod badan lahaa, iyo mid ay reeraha iyo qabaa'ilku ay sababayeen oo ahayd yaan reerna reerka kale ka badan, iyo mid ay sababayeen ashkhaas tuugo ah oo doonaayey inaan dalkani degin" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu eedda khaladkii ku dhacay codbixintii diiwangelinta dusha uga saaray xubin ka mid ahayd koomiishankii dhawaan xilka wareejiyey oo aanu magaciisa sheegin "mida ugu weynayd ee dhibta keentay waxay ahayd nin koomiishankii xilkasnimada darra ka mid ahaa ayaa farta ku walaaqay, oo haddii cadaalad timaado aan anigu maxkamad keeni doono" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu sheegay in Somaliland ay weli ka kaban laadahay wuxuu ku tilmaamay kala qaybsanaan bulsho iyo siyaasadeed oo midnimadii ay Soomaaliya la gashay ku keentay "walaalayaal weli waxaynu ka kaban laanahay oo ka soo bogsan laanahay nimankii aynu la midawnay ee inagoo aan dawlad ahayn intaynu u tagnay sida birta ina calaashaday kala qaybsanaantii iyo kala qoqobnidii ay inagu beereen, waxay inagaga tageen kooxo is wada haysta oo midba ka kale eegaayo" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal wuxuu ka hadlay qaabka uu xisbigiisu dalka u maamuli doono haddii la doorto wuxuuna sheegay inuu dhisi doono dawlad aad u tiro yar oo ka kooban ayuu yidhi 18 wasiir wuxuuna markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in haweenku ay golahaasi wasiiradda ku yeelan doonaan 5 wasiir.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay musharaxa madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo sheegay in xisbigooda dhexdoodu ay isku dhaarsadeen in ay barnaamijka siyaasadeed ee ay dalka ku xukumi doonaan haddii la doorto ay sidiisa u fulinayaan, dhinaca kalana wuxuu ka hadlay Dr. Maxamed Rashiid qaabkii islaamku usoo gaadhay Somaliland isagoo ku tilmaamay in islaamku soo gaadhay Somaliland intaanu madiina soo gaadhin "markii nebi muxumed C.S.W oo u diray asxaabtii oo uu ku yidhi taga ardul xabash waxaa idin nabad gelin doona boqor caadil ah oo halkaasi jooga eh, waxay ka soo degeen saylac, wakhtigaasi diintu may gaadhin Madiina, markaa in maanta la yidhaahdo Somaliland ayaa diin loo keenaya waa waxaan caqliga iyo garaadku qaadan karin" ayuu yidhi Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan

Waxaa iyaguna madashaasi ka hadlay guddoomiyayaasha xisbiyada Kulmiye iyo UDUB ee gobolka Midland ee dalka ingiriiska, gebi ahaanba madasha ayaa ahayd mid aan hore usoo marin magaalada Birmingham oo ay dadweynaha ku kala aragti duwan hanaanka siyaasadda Somaliland ay u dhamaystirnaayeen.

ugu danbayntiina waxaa jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Birmingham iyo nawaaxigeedu ay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Rashiid Sh. Xasan ay guddoonsiiyeen shaahado sharaf reer birmingham ay u dhamaystiran yahiin

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Golisnews, Birmingham

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete