Thursday 21 January 2010

Banaan Baxa Burco: 19 Cisho Ayey Sharci Daro Ku Fadhidaa Xukumada Daahir Riyaale Kursigii Somaliland


Banaan Baxa Burco: 19 Cisho Ayey Sharci Daro Ku Fadhidaa Xukumada Daahir Riyaale Kursigii Somaliland
20 Apr, 2009 -

Dadweyne tiro badan oo u badan Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa saaka isugu soo baxay barxada weyn ee ku taal Xarunta Xisbiga ee Magaaladan Burco. Isku soo baxan oo ay kasoo qayb galeen Madaxda Kulmiye ee Gobolka Togdheer, Siyaasiyiin, Mujaahidiin, Qurbajoog waayeel iyo dhaliyaroba, Odayaal, Suugaan-yahano iyo dhamaan Taageerayaasha kala duwan ee Xisbiga.

Intii aanay bilaabin qudbadaha masuuliyiinta xibiga kulmiye ee Gobolka Togdheer waxaa goobta la keenay ciidamda booliska oo wata buurta ciidanka, balse ma jiran wax fad qalalo ah oo ka dhalatay joogitaanka booliska.

Waxaa fagaaraha u baxay intii aanay bilaabin hadaladu oday Faarax Xadhigle isla markaana ku war geliyey shacabka in ay boolisku u joogaan goobta arimaha nabad galyada isla markaana ay ka wara hayanaan.

Bananbaxan waxa ugu horeynba ka hadlay Dr.Cabdi Aw.Daahir oo ah Gox-hayaha Guud ee Caafimaadka Xisbiga Kulmiye, waxaana ka mid ahaa hadaladiisi:-

"Maanta waxaynu isugu-soo baxnay halkan Banaan-bax ka jira Dhamaan dalka somaliland Degmo iyo Gobolba, oo Xisbiga Kulmiye Taageerayaashiisa iyo shacab weynaha reer soomaalilandba ay dhagaysanayaan maanta khudbadaha Madaxdooda iyo Hogaankooda.

Hal-haysta Kulmiyena waa labada kelmadood ee Nabad iyo Isbedel.

Nabadgelyadana inagaa aasaas u ah, oo dhisnay, Tiirinayna, doonaynana inay sal dhigto, waxaanaynu ku garanaynaa 4 goor ayaa halkan laynagu fara-fareeyey, oo ninka Cirro la yiraahdaa uu inoo soo diray ciidamo oo waliba damcay in uu khal-khal iyo fid-mana abuuro, kumanuu guulaysan.

intaasoo jeerba inaga iyo dadweynaha reer Burco oo nabada jecel inagoo aan qori, xabad iyo dhengadtoona sidan, ee mid qudha sitta oo ah Afkeena iyo dadka oo aan wax u sheegno.

Dr. Cabdi Daahir oo kusii dheeraaday Khudbadiisa ayaa xusay in mawqifkoodu yahay kii uu xisbigu hore u qaatay 6-dii April, waxaana ka mid ahaa hadaladiisi:-

'Inaga Kulmiye ahaan mawqifkeenu waa wakhtigii Daahir Riyaale loo qabtay oo 6/Abri ahayd wqaa dhamaaday mana aqoonsanin.

Waxaynuse diyaar u nahay inaynu wada hadalno oo wixii xal ah ee lagu samaynaayo Maamul dhexe oo dalka doorasho gaadhsiiya oo Hantida , Tilifishanka iyo Askarta Qaranka aanu xisbina ku adeegan.

Halkan waxa inoogu yimid Taliyiihii ciidanka oo aan darajo lahayn, lamana kala garanayo kii laba xidig laha ahaa iyo kii kale,

IInsha Allana maantaynu talada qabsano waxay wada yeelanayaan Darajooyin".

Geesta kale waxaa isna halkaasi ka soo jeediyey hadalo aad u cad cad Xil: Cali Siciid Raygal, qudbadiisa aad ayuu ugu dheeraday waxaanu sheegay in xukumada Maddaxweyne Riyaale ay kursiga ku fadhido mudo 19 cisho ah sifo aan sharci ahayn, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:-

" Waad ogtihiin oo 19 cisho ayey sharci daro ku fadhidaa xukumada Daahir Riyaale kursigii somaliland, waana arin aad iyo aad u nasiib daro ah dal dhan oo maddaxbanaan oo doorasho u diyaar ah in xukun kiisa sii hayaa dad ay ka dhamaatay mudadii xilkoodu, waana waxa aan aduun yada hore uga dhicin"

ugu danbayntii Xil Cali Siciid Raygal waxa uu faray taageerayaasha xisbiga in ay balan toodu tahay in aanay wax kale u adeegsan sidii ay u ridi lahayeen xukumada balse ay u isticmaalaan hadal, waxaana uu yidhi

" Waxaa inoo balan ah hadii aynu nahay taageerayaasha xisbiga Kulmiye, nabad galyo, xasilooni, banaan-baxyo, iyio afkaarteen iyo shucuurteena oo aynu cabirno oo kaliya in aynu kaga ridno rajiimkaas iskaga fadhiya ee iska malaf-sanaya, ee xoolaha xaarnta bartay"

Waxaanu isku soo baxani ku dhamaad si ay ku dheehantahay nabad galyo iyo xasilooni, shacabku waxay goobta ka dareereen iyaga oo ku niyadsan qudbadihii masuuliyiinta.







Source: Hadhwanaagnews

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete