Tuesday 26 January 2010

Khudbadii Axmed Siilaanyo ee Columbus Ohio Oo Ay Daawadayeen Barta Internetka in ka badan 20 Kun Oo Qof 20100126

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo,faysal,rayaale )mid uun)


Khudbadii Axmed Siilaanyo ee Columbus Ohio Oo Ay Daawadayeen Barta Internetka in ka badan 20 Kun Oo Qof
January 26th, 2010 Comments Off Guddomiye Axmed Siilaanyo oo la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Columbus, Ohio

Shir si aad u qiimo badan loo soo agaasimay aya Guddomiyaha Xisbiga Qaran ee Kulmiye Mudane Axmed M. Maxamud Siilaanyo fiidkii Sabtida la soo dhaafay ee bishan January 23, 2010 kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee deggan Gobolka Ohio iyo gobolada ku hareeraysan ee dalka Maraykanka.

Bulshada kulanka ka soo qaygashay oo boqolaal gaadhaysa ayaa waxa ka muuqday xamaasad diirran oo ay ku soo dhaweeyaan waftiga uu Mujaahid Siilaanyo hoggaaminayay.

Gud. Siilaanyo ahna Musharaxa jagada Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wuxuu dadka uga warramay xaaladda uu dalku marayo isagoo ku dhiirri geliyay inay u arkaan in dal u dhisani uu jiro oo tacabkii iyo dagaaladii loo soo maray ay yihiin kuwo midho dhal ah. Hase yeeshee maamulka maanta dalka ka jiraa yahay mid fadhiid ah oo aan horumar u samayn dalka.

Mudane Siilaanyo ayaa wuxuu sidoo kale qeexay mabda’a Xisbiga Kulmiye iyo falsafadda ay dalka ku dhaqi doonaan marka ay doorashada ku guulaystaan. Waxana uu yidhi, “Haddii Eebbe nagu guuleeyo waxanu samaynaynaa barnaamijyo dhaqaale oo carruurta badda isku guraysa lagu shaqo geliyo. Waxa aanu ka faa’idaysanaynaa khayraadka dalka oo aanu dalka dib u gelin doonaa.”



Dadweynaha halkaas ka soo qaybgalay oo aad u dhegaysanaya ayaa waxa shucuurtooda ku muujinayeen sawaxan iyo sacab taageero ah oo qodob kasta oo uu taabto ay ku jawaabayeen.

Guddomiyaha oo dadku ay su’aalo dhinacyo badan taabanaya ay weydiiyeen ayaa wuxuu sheegay in xisbiga Kulmiye ay ka go’antahay dib u dhiska, horumarinta iyo nabadgelyada dalka. Mudane Siilaanyo wuxuu aad ugu celceliyay arrin inta badan dalalka Afrikaanka maamul xumo ku ridda oo ah musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida qaranka. Waxana uu ballan qaaday inay tahay arrinta ugu horreysa ee ay wax ka qaban doonaan.

Mar uu ka hadlayay hadalo ka soo yeedhay maamulka Rayaale beryahan intii waftigu ka soo maqnaa ayaa wuxuu Mudane Siilaanyo ku tilmaamay arrin khalkhal gelin ah oo loogu talo galay inay dadka shaki ku abuurto. “Waa ayaan darro anagoo dalka dantiisa dibadda ugu maqan oo madax sare oo Maraykan ah kala kulanay sidii Somaliland looga taageeri lahaa dhinacyo badan haddana ay ku dhawaaqaan hadalo sumcadda dalka wax u dhimaysa, haykalga dawladnimona meel ka dhac ku ah.”

Sidoo kale dadweynaha ayaa aad ula yaabay hadalada ka soo yeedhay dawladda maanta maamulka gacanta ku haysa. Waxana ay shacbigu muujiyeen in isbeddel degdeg ahi ka dhaco dalka. Dadweynaha faraha badan ee ka yimi gobolada badhtamaha dalka Maraykanka ayaa waxay ku tusayaan taageerada xoogga leh ee Xisbiga Kulmiye ka kasbaday Qurba joogga Somaliland. Iyadoo ficilka madaxda Xisbiga ee dalka danihiisa dibadda u marayaa ay tusaale u noqotay sida uu Kulmiye hadhow uga go’an tahay in ay aqoonsi buuxa dalka u keenaan.

Xafladaas oo dadku kala socdeen barta internetka, oo dadku si toosa uga daawanayeen, waxaana kulankaasi noqday midkii ugu tirada badnaa ee qurba jooggu si toos ah uga daawadaan aaladda Internetka, dadkaas oo lagu qiyaasay illaa 20,000 (Labaatan kun) oo adduunka dacaladiisa ku kala nool.

Kulankan oo ay xidhiidhinaysay Guddomiyaha Laanta Kulmiye ee Toronto Marwo Zeinab Y. X. Adan ayaa waxa ka hadlay Saxardiid Maxamed Shaacir oo ah Guddomiyah Gobolka Ohio isla markaana ahaa Gudoomaye Xigeenka Kulmiye ee Qaaradda Waqooyiga Ameerika suurto geliyayna in shir casri ah ka dhaco Columbus Ohio. Gud. Saxardiid ayaa si diiirran waftegia Siilaanyo Gobolkiisa ugu soo dhaweeyey isagoo mahadnaq u jeediyay dadkii kala soo shaqeeyey hirgelinta shirkan.

Dadkii kale ee halka ka hadlay waxa ka mid ahaa Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga Maraykanka Mudane Xuseen Cabdi Ducaale Waxa kaloo halkaa ka hadlay gudodoomiyeyaasha xisbiga ee gobolada Tennessee iyo Michigan. Sidoo kale Waxa taariikhda Siilaanyo soo jeediyay Maxamed Beergeel oo isla markaana si kulul u cambaaray maamulka Madaxweyne Rayaale, gaar ahaan warka ku saabsan in aan Siilaanyo Somaliland soo geli Karin. Waxana u Beergeel sheegay in shacbiga Somaliland ay aflagaada noocaas ah ay ka dhiidhiyayaan.

Allaa Mahadleh


Saxardiid Maxamed Shaacir

Guddomiyaha Kulmiye ee Ohio

Ahna Guddomiye Xigeenla labaad Waqooyiga Ameerika

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete