Thursday 28 January 2010

Wasiirka Arrimaha Dibeddu wuxuu igu yidhi Donald Payne iyo ku-xigeenkiisu waa Cadowga Somaliland” 20100128



Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Wasiirka Arrimaha Dibeddu wuxuu igu yidhi Donald Payne iyo ku-xigeenkiisu waa Cadowga Somaliland”
January 28th, 2010

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), ayaa sheegay in Wasiirka Wasaaraddaas Cabdilaahi Maxamed Ducaale uu ku wargeliyay in Guddoomiyaha guddi-hoosaadka arrimaha Afrika ee Aqalka Baarlamaanka Maraykanka Donald Payne iyo ku-xigeenkiisu ay yihiin cadowga Somaliland, isla markaana wuxuu calaamad-su’aal saaray ujeedada Wasiirka ee la xidhiidha beenaynta hadal uu isagu hore u yidhi.


Wasiir-xigeenka oo isaga iyo Maareeyaha Dekedda Berbera socdaal ay kaga soo laabteen dalalka Ghana iyo Kenya Warbaahinta ugu waramay Madaarka Hargeysa, ayaa ku celiyay hadal uu hore u yidhi oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ugu baaqay in uu cafis umadda waydiisto, isla markaana aanay Xukuumaddu ogolaanin in uu dalka ku soo laabto ilaa uu cafis Dawladda waydiisto. “Waxaan soo jeediyay inkasta oo aanay shaqadayda ahayn oo aan Booliska iyo Wasiirka Arrimaha Gudahaba ka codsaday in aanay u ogolaan in uu dalka soo galo ilaa uu cafis dalka waydiisto. Runtii arrintasi waxay la mid ahayd Ninkii ka hadlay Nairobi ee xilalka badan ka soo qabtay Maamullada Soomaaliya ee yidhi Soomaali meel kala tagi mayso ee nalagu dawakhiyay in aanu ka jawaabno ee aanu Wasaarad ahaan ka jawaabnay. Anigu ma odhan Siilaanyo Federaal ayuu aaminsan yahay ee wixii uu afkiisa ka yidhi ayaan ka hadlay.Sababtoo ah, anaga ayay na saaran tahay ilaalinta qaranimadu.” Ayuu yidhi Axmed.

Wasiir-ku-xigeenku wuxuu calaamad-su’aal saaray in Wasiirka Arrimaha dibeddu daacad ka ahaa beenin uu beeniyay warka uu isagu hore u yidhi iyo ammaan uu u jeediyay Guddoomiyaha KULMIYE. “Wasiirkayagu mid wuu ku saxsanaa oo fikirkaygaan ku hadlay, kumanaan hadal fikir iyo Af Dawladeed toona, laakiin wax kale oo uu ku hadlay mooyi. Ammaanta uu amaanay Axmed Siilaanyo ma ogi waxa uu uga jeeday oo isaga (Wasiirka) ayaa la waydiin doonaa ujeedada inay lillaahi ka ahayd iyo inay wax kale ahayd, wax uu ii ii sheegay oo uu I yidhi Axmed-Siilaanyo shaqo Qaran buu ku maqnaana ma ogayn oo iima sheegin.” Ayuu yidhi Wasiir-xigeenku.

Keyse wuxuu sheegay in Wasiirkiisu ku wargeliyay in Donald Payne iyo ku-xigeenkiisu ay cadow u yihiin Somaliland. “Wasiirka arrimaha dibeddu markii aan safarka ku baxayay 20-kii bishan 2 saacadood ka hor, wuxuu ii sheegay in Ninka la yidhaahdo Donald Payne iyo ku-xigeenkiisa Itoobiyaanka ah ee Ted la yidhaahdaa in ay yihiin cadowga koowaad ee Somaliland oo ay yidhaahdeen waanu idinku qasbaynaa Soomaaliya in aad la midowdaan. Warbixintii uu Cabdilaahi na siiyay taas ayay ahayd. Waxa kale oo uu noo sheegay in Donald Payne uu yidhi haddii aad noo iman waydaan, waxaanu u yeedhan doonaa laba nin oo Somaliland ah oo hawshaa gala.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay in Wasiirku labadaa nin ku sheegay Guddoomiyaha KULMIYE iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbigaas. “Waxaanu nagu wargeliyay in ay labadii nin ee Donald Payne sheegayay ay kala yihiin Axmed-Siilaanyo iyo Xogyaha arrimaha dibedda ee KULMIYE Maxamed Cabdilaahi Cumar.” Ayuu intaa raaciyay.

Waqtiga uu Wasiir-ku-xigeenku ka hadlayay arrimaha, ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale wuxuu ku sugnaa Madaarka, waxaanu u baxayay safar dibadeed.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete