Tuesday 26 January 2010

Hoggaamiyihii ugu fadhiga xumaa oo noqdey madaxweyne rayaale: Bal eeg20100126

Madaxweyne Rayaale Oo Noqday Madaxweynahii Ugu Qaab Fadhi Xuma

Mp Kerry McCarthy Ee Laga Soo Doorto Bristol Iyo Ergaygii Hore Qaramada Midoobay Oo ka Yaabay "Waxaan Ku Odhan Gaadhay M/weyne Dhidhiibso"



Hargeysa (Golisnews.com)-25/01/2010- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa noqday madaxweynahii ugu qaab fadhi xuma marka uu qaabilaayo madaxda iyo dadka kale ee martida u ah, isagoo u fadhista qaab isku dhex yaacsan oo uu lagahiisa si qaab darran uu u kala bixiyo oo aan lahayn hanaan baratakool oo mararka qaarkoodna ka yaabisa madaxda uu la kulmo ee ajaanibka ah.


Haddaba Mudanaha laga soo doorto magaalada Bristol ee koonfurta dalka England Mp Kerry McCarthy ayaa dhawaan xubno ka tirsan jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Bristol uga sheekaysay waxyaabahii ugu fajaca badna ee ay kala kulanto booqasho ay ku tagtay Somaliland sannadkii 2008-dii magaalada Hargeysa waxay ku sheegtay inay aad ula yaabtay ugana fajacday qaabka madaxweyne Rayaale u fadhiistay markii uu qaabilaayey xildhibaano ay ka mid ahayd oo ah xildhibaanada ku jira baarlamaanka Britain ee loo yaqaano Saaxiibada Somaliland, maxaa labada lugood ee Madaxweynaha kala durkiyey ayey tidhi Mrs Maccarthy


<



Mp McCarthy waxay sheegtay in ay inyar u jirsatay inay weydiiso Madaxweyne Rayaale qaabka uu u fadhiyey inuu bedelo iyadoo sheegtay inay ku noqotay iyada dhinaceeda yaxyax markii danbe ee ay dhamaysteen kulankaasina ay gebi ahaantood isweydiiyeen iyada iyo mudanayaashii kale ee ku wehelinaayey, waxaan la yaabay ayey tidhi xita haddii uu isagu khaldamay miyaanay jirin ayey tidhi cid qaabilsan baratakoolka iyo qaabka qaabilaadda oo Madaxweynaha u sheega inuu bedelo hanaanka uu u fadhiisto, waxay marwo MCcarthy sheegtay in aanay weligeed arag qaab noocaasi oo kale ah




Haykalkani Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale wuxuu ka yaabiyey madax badan oo uu ka mid yahay safiirkii hore ee qaramada midoobay u qaabilsana arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Ambassador Francois Fall oo dhawaan mar uu la kulmay muwaadin reer Somaliland ah u sheegay in xita qaabka baratokoolka fadhiga Madaxweyne Rayaale uu qaab darranyahay.



















No comments:

Post a Comment