Wednesday 27 January 2010

Siilanyo Oo Shahaado Sharaf Ka Gudoomay Senator Al Frank Minnesota La Xidhiidha Waxqabadkiisa Siyaasadeed Iyo Nabadeed 20100127

(Dhinaca midig eeg u codee Siilaanyo, Faysal, rayaale mid uun )

Siilanyo Oo Shahaado Sharaf Ka Gudoomay Senator Al Frank Minnesota La Xidhiidha Waxqabadkiisa Siyaasadeed Iyo Nabadeed












Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo la gudoonsiiyey Shahaado sharaf lagu maamusay waxqabadkiisa Siyaasadeed , nabadeed iyo horumarinteed


Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo muddo bil ku dhowaad ah ku joogay booqasho rasmiya wadanka Marayka lana kulmay madax ka mid ah labada aqal ee looga taliyo dalka Maraykanka , Gudoomiye Siilaanyo oo casuumad rasmiya ka helay madaxa arimaha Africa ee State department senator Donald ayaa kulamo uu la yeeshay ay kaga wada hadleen sidii S/land u heli lahayd aqoonsi caalami ah, arimaha doorashooyinka iyo taabo gelinta dimoqradiyada S/land, kulankaas oo ahaa kulan si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ku weheliyey Xoghayaha arimaha debeda ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdilaah Cumar , waxaa labda dhinac isla afgarteen in si buuxda loo taageero qabsoomida doorashooyinka soo socda iyo in xukuumada Maraykanku ay ka caawiso S/land sidii ay u heli lahayd ictiraaf caalami ah.



Gudoomiyuhu wuxuu kale la kulmay Keith Elison oo ah Mudane ka tirsan Congreska Maraykanka oo ah mudane muslim ah oo laga soo doorto Gobolka Minnesota , wuxuu kale oo la kulmay Senator Al Franken oo ah mudane ka tirsan baarlmaanka Maraykanka oo laga soo doorto Gobolka Minneosta , maanta oo taariikhdu tahay January 26 2010 ayaa Senator Al Frank wuxuu gudoonsiiyey Shahaado Sharaf baarlmaanka Minnesota ku maamusay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, shahaada sharaftan oo si weyn loogu muujiyey kaanlinta Gudoomiye Siilaanyo kaga jira taariikhda aduunka oo lagu xardhay waxqabadkiisa siyaasadeed, Nabadeed iyo horumarineed ee uu ka geystay dalkiisa waxaana loo ictiraafay in uu yahay astaan qaran iyo aabaha Dimoqradiyda Somaliland.

Gudoomiye Siilaanyo wuxuu booqasho ku tegey gobolada Minnesota , Ohio , iyo Virginia oo ay degan yihiin qurba jooga ugu badan reer Somalinad ee wadanka maraykan waxaana loo soo dhoweeyey Gudoomihaya si aad iyo aad u heer sareysa iyadoo gudoomihuna uga xog waramay duruufaha ka jira dalkoodii hooyo kuna guubaabiyey inay yihiin cidda dalkii mustaqbal iyo manfacba ka sugayo sidaa aawadeed la idiinka baahan yahay inaad dalkiina ku xidhnaataan kuna noqotaan wakhtiyada fasaxa oo aad noqotaan dad laba dal leh kan aad degan tihiin iyo kiinii hooyo.
Gudoomiye Siilaanyo Siilaanyo wuxuu ku soo beegan yahay S/land Januray 29/2010 hadii eebe idmo waxaana la filayaa aadna loo saadaalinayaa wuxuu la soo guryo noqon doono.
Saeed Suleiman

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete