Thursday 21 January 2010

XISBIYADA MUCAARIDKA IYO SIYAASIYIINTA OO ARAGTIYO KALA DUWAN KA BIXIYEY SAFARKII MADAXWEYNE RAYAALE EE GOBOLKA TOGDHEER 20090609




XISBIYADA MUCAARIDKA IYO SIYAASIYIINTA OO ARAGTIYO KALA DUWAN KA BIXIYEY SAFARKII MADAXWEYNE RAYAALE EE GOBOLKA TOGDHEER
Posted on June 9, 2009

Xisbiyada Mucaaridka iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay Socdaalkii Madaxweyne Rayaale ku yimi gobolka Togdheer, kaasoo ay ku tilmaameen inuu ahaa olole siyaasadeed oo uu taageero ugu raadinayay xisbigiisa UDUB ee uu u sharaxan yahay.

Dr.Cabdi Aw-daahir oo ka mid masuuliyiinta sare ee Xisbiga Kulmiye oo Wariyaha Jamhuuriya ee Gobolada Bari Somaliland Kayse A.digaale wax ka waydiiyay sida uu arko safarkii madaxweynuhu ku yimi Gobolka Togdheer, ayaa waxa uu yidhi; “Marka hore dadweynaha gobolka Togdheer xisbi kastoo uu yahay wuu soo dhaweeyay madaxweynaha, laba arrimood awgood, waa ta kowaad oo wuxuu sitaa haybadii qaranka iyo ta labaad oo ah, gobolka Togdheer oo caado u leh soo dhaweynta Martida.

Markaan taa intaas ku dhaafo su’aasha meesha taalaa, waxa weeye muxuu xambaarsanaa safarka madaxweynuhu,? Waxay ahayd oo keliya olole siyaasadeed oo nuxurkiisu ahaa inuu ku difaaco oo keliya arrinkii yaalay ee ahaa inaanu Rayaale toddobadii sannadood ee uu talada hayay aanu mar keliya gobolka Togdheer soo booqan. Halkuu marxuumkii cigaal labadii sannadoodba mar iman jiray gobolka Togdheer laga bilaabo 1997 oo kala ahayd 1999kii iyo 2001dii.

Su’aasha labaad ee lays weydiinaayaa waxay ahayd farriintuu shacabka reer Togdheer iyo Somalilandba u siday maxay ahayd,? ma taabtay madaxweynuhu arrimihii yaalay ee bulshadu ka sugaysay.?

-Ma beddelay lacagtii giimbaarta ahayd ee Saddexda jeer miisaaniyada lagu soo daray ee aan ilaa maanta aanay ummadu garanayn waxay ku maqantahay,? Jawaabtu waa maya.

-Madaxweynuhu ma keenay xal kootada lagaga qaadaayo iibka xoolaheena ee loo lugaysiiyo Jabuuti, dekedii ugu weyneyd xoola dhoofinta geeska Afrika ee Berberana ay u haawanayso? Jawaabtu waa maya.

-Madaxweynu ma abaaray arrinka tahriibta dhallinteena xeebaha ku dhammaaday ee si caam ah dalka u saamaysay, si gaar ahna Togdheer u taabatay? Jawaabtu waa maya.

-Madaxweynuhu ma ka noqday arrin xumidii loogu sameeyay laba taliye qaybeed Burco looguna kala qaybiyay laba beelood. Jawaabtu waa maya.

- Madaxweynuhu ma ka hadlay shaqaalaha iyo ciidammada musharka yar iyo ciidammada toddobada sannadood ka sugaayay darajada in la siiyo? Jawaabtu waa maya.

Waa arrimahaas iyo kuwo kale oo badan kuwa maanta Somaliland iyo Togdheerba ay rabaan cid wax uga qabata. Waa kuwa Rayaale aanu hore wax uga qaban, imminkana aan laga sugayn in uu wax ka qabto. Waa kuwan iyo kuwo kaloo badan, kuwa uu balanqaadaayo Kulmiye in uu wax ka qabto markuu talada qabto insha Allaah, waa kuwa uu kaga duwanyahay UDUB iyo hogaankooda ee ay dadku nagu dooranayaan.

Waxa kale oo Dr.Cabdi Aw Daahir, intaas raaciyay, ‘Markaan intaa kaga tago nuxurka iyo farriinta uu xambaarsanaa socdaalka Rayaale, aan wax yar ka idhaahdo qaabka uu safarkiisu u dhacay. Waxay dadka reer Burco inta badan ku war helay madaxweynihii wuu joogaa. Muu soo dhaafin biriijka. marka loo eego safarradii Burco ee madaxweynihii hore ee geeriyooday ee marxuum Cigaal waxay dadku ku soo dhaweeyeen iyagoo safan laamiyada suuqyada magaalada dhexdeeda iyagoo caleemo qoyan lulaya. Markii dambena marxuumkaasu kolayba labo, saddex jeer suuqa wuu soo dhexmaray. Hadalka Madaxweyne Rayaale wuxuu ku koobnaa balamo ah waa is arkaynaa waa inoo Hargeysa.

Markaan soo uruririyo waxaan ku soo gebogabaynayaa Madaxweyne Dahir Rayaale kaahin oo toddobadii sannadood ee uu talada hayay aan iman Burco. Wuxuu awoodi kari waayay inuu shacabka reer Togdheer iyo ka reer Burco uu kheriyada kala hadlo, taasoo ka turjumaysaa laba arrimood oo kala ah in aanu taageero badan ku lahayn Togdheer iyo ta labaad oo ah in aanu hayn wixii uu kaga jawaabi lahaa arrimaha ummadu ka sugayso.

Sidoo kale Cismaan Af-Gaab oo ah gudoomiyaha Xisbiga UCID oo isaga Wariyaha Jamhuuriya wax ka waydiiyay socdaalkii Md.Rayaale iyo waftigiisu ku yimaadeen degaanka togdheer ayaa isagoo ka jawaabaya waxa uu yidhi ““Marka hore waxa safarka madaxweyne Rayaale ku yimi Gobolka Togdheer uu ahaa safar olole oo taageero loogu raadinayo xisbiga UDUB.

Waxa kale oo ku jirtay waji dhawrasho ka dib 7 sanno oo uu madaxweyne ahaa oo aanu marna soo eegin dadkii soo doortay, balamihii uu hore ugu qaadayna waxba ka fulin, marka la soo ururiyo waxaanu u aragnaa safarka madaxweynaha mid aan waxba ku soo kordhin Gobolka iyo dadka ku nool toona.

Waxa iyaduna meesha taal, in uu madaxweynuhu bilaabay olole doorasho, taasi oo ah mid sharciga ka soo horjeeda, maadaama aan la gaadhin xiligii ololaha doorashada, inuu safarka madaxweynaha waxba soo kordhin waxaa ka markhaatiya hadaladiisa ka soo horjeeda waxay dadku ka hadlayeen ama ka dalbadeen.

Cabdi farjar oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, iyo madaxdii ururkii SNM, ayaa isagana Wariyaha Jamhuuriya wax ka waydiiyay sida uu arko, socdaalka madaxweyne Rayaale ku yimi Gobolka Togdheer waxaa uu yidhi

“horta socdaal waliba waa kaambeyn, sawaxan iyo ogaysiis ka soo horeeyey ma jirin, wixii hore ee uu balan qaadayna lama sidin, mana jirin taageero si guud loo waydiistay bulshada, hase yeeshee waxaan u arkaa dhawr arrimood ay ka mid yihiin, inuu jiray qorshe xidhiidh hore oo siyaasad dawliya oo dad gaara oo mucayina lala lahaa, in wixii ka soo baxay la qiimeeyo si loogu dhiirado ama looga noqdo.

Ta kale soo dhaweyntiisan oo u muuqatay in lagu samaynayo badhamadii kaambayn siyaasadeed oo socda.

Waxa kale oo Cabdi Farjar intaas ku daray in madaxweynuhu beeniyey eedaymihii mucaaradku ku duri jireen, ee ahaa wuxuu kaambeynka ku galaa urursiga hantida qaranka, taasina kama muuqan socdaalkiisa, waayo “Qiimihii jaadka ee cirka isku shareeri jiray marka wafuuda dawlada iyo mucaaridku yimaadaan, ma kordhin ee hoos ayuu u sii dhacay qiimihiisii,”ayuu yidhi. Cabdi Farjar, isaga oo tilmaamay in safarkan madaxweynuhu ku soo beegmay xili abaareed oo aan roobabkii gu’gu si wanaagsan u di’in, sidaas darteed uu doonayo inuu kaga faa’iidaysto madaxweynuhu oo ku dhawaaqo in xaalad abaareed ka jirto dalka, si Doorasahada dib loogu dhigo, maadaama ay abaartu ka mid tahay aafooyinka qaranka ee sharcigu baneeyey.”

Sidoo Ibraahin Doodi oo mar ahaan jiray Taliyaha Sirdooka Qaranka Somaliland oo Wariyuhu wax ka waydiiyay aragtidiisa Safarka Madaweynaha ee Togdheer ayaa isaguna waxa uu yidhi “Waxa haboonayd in madaxweynhuhu sii kaxaysto qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ee jooga, si uu tuso xaalada amaan ee ka jirta dalka, isagoo kaga faa’iidaysanaya socdaalkaasi, hadii taasi aanay dhici waxa bishan Juun ee aynu ku jirno waa xiliga qaramada midoobay qiimeeyaan xaalada ammaanka dalalka ay ka hawlgalaan, sidaas darteed waxa haboon in madaxweynuhu qoraal u diro UN-Ka oo ku baraarujiyo in ay dib uga noqdaan qiimayntii sannadkii hore ay sameeyeen ee ay ku tilmaameen in dalkeenu ka mid yahay kuwa ugu hooseeya amaankoodu.

Talabadanina waxay fududaynaysaa in hay’adda samafalku ka qaybqaataan gurmadka xaalada abaareed ee ka jirta gobolada dalka oo ay meelkasta tagi karaan.islamrkaana lagaga hortago kuwa cadowga u ah Somaliland.”



Jamhuuriya Online

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete