Monday 25 January 2010

Madaxweyne wixii xad-gudub ah kulama leh beesha jibriil-yoonis


Bismilaahi Raxmaani Raxiim


Anaga oo ah gudida ku meelgaadka ah ee dhalinyarta jibriil yoonis ee ku dhaqan qaaradan yurub waxan halkan marka hore salaan uga soo gudbinaynaa guud ahaan shacbiga Somaliland iyo saxaafada dalka tan gobolka iyo ta guudba. waxanan ilaahay uga baryaynaa shacbiga Somaliland in uu ilaahay SWT siiyo nabad galyo waarta oo ay ka reebanyihiin xumaan iyo xasadba, somalilandna ha noqoto tii cadaalad ku caana maasha, Amiin.Waxa kale oo aan shacbiga xasuusinaynaa in haduu maamul xumaado la badali karo laakiin ay adagtahay in la badalo cadaalad xun oo bulsha dhan dhaqan u noqota, waxanan ku buurinaynaa shacbiga somaliand ta wanaagsan oo ah in wanaaga la is faro xumahana la iska waaniyo ilaahayna dhamaanteen ha ina waafajiyo khayrka AAMIIN.
Hadaan u gudubno ujeedada baaqayaga anaga oo ku hadlayna magaca dhalinyarta Jibriilyoonis ee qaarada yurub kadib kulan telefoon (telconference) oo xidhiidh ah wax badanna la iskaga xog-waramay fadhiyo iyo kulamo ay dhalinyartu gooni gooni u yeesheen, waxay dhalinyarta beesha Jibriilyoonis ee qaarada yurub isku raaceen inay kala noqdaan kalsoonidii ay u hayeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Ujeedada Qoraalka: Baaq iyo Cambaarayn
Waxan marka hore Madaxwayne Rayaalow ku ogaysiinaynaa in dhalinyarta Jibriilyoonis ee qaarada yurub oo mudo badan dabka iskugu ridi jirtay difaaca iyo taageeradaadu ay maanta waji gabax ka joogaan wixii tageera ahaa ee ay kuu hayeen kadib markii aad ku kacday ama aad ku guuldaraysatay inaad fuliso arimahan soo socda.
Qodobka: 1 ) Madaxwayne waxad ku fashilantay in aad ka midha dhaliso xasuuqii iyo dhagartii lagula kacay dadkii wadaniga ahaa ee sida axmaqnimada ah ee badheedhka ah loo laayay iyaga oo dalkoodii hooyo oo ay nabad moodayeen dhex socdaalaya.Madaxweyne waxan ognahay inaad qoysaskii dadka laga laayey qoys walba odayadii u xigay u dirtay ood tidhi maanta anigaa midida daabkeeda haya,dalkana cid iiga saraysaa ma jirto inuu dagaal sokeeye dushayda ka dhaco oo dalkani maanta gacanteena ku burburo ma doonayo ee tolkayow anigaa nimankaa dhagar qabayaasha ah soo qabanaya oo waa niman qaranka dambi ka galaye ii samra,Waxad ilaa imika ka qabatayna ma jirto.
Madaxwayne waxan kuu bayaaminaynaa dhagartaa kalabaydh ee dhiigeedii aad bi’isay hadii aad sida ugu dhaqsaha badan wax uga qaban waydo dhalinyarta beeshu waxay u cadaynaysaa kuna dhiiri galinaysaa bulshada reer Awdal/Selel iyo eheladoodiiba in goor ay noqotaba adiga lagaala xisaabtamo.
Qodobka: 2)Madaxwayne barahayn dambe waxad si badheedh ah u cadaysatay oo aad ku kacday falal xun oo ay kamid yihiin in aad si gaara sharafta uga qaado una cadaadiso waayeelka iyo waxgaradka gobolada Awdal/Selel.Anagoo ka jawaabayna erayadii dayl-qaafka ahaa ee dhawaan kaa soo yeedhay ee aad ku sheegtay in dawlada oo kali ah ka masuul tahay go,aankasta oo lagu iibinayo ama lagu kiraynayo dhulka shacbiga ka dhexeeya isla markaana aad sheegtay in aanay salaadiintu shuqul ku lahayn waxna laga waydiin karin aaya ka talinta dhulkooda,waxan kuu sheegaynaa in hadaladaa iyo fikirkaa, aad kaga dhawaajisay aanay ka turjumayn xaqiiqada iyo waayaha maanta soomaaliland ay ku sugantahay.
Waayo A- Somaliland maaha dal la aqoonsanyahay dawladeeduna maaha mid caalamka laga aqoonsanyahay oo shacbigeeda baahi walba ka haqab tirikarta.
B- Adigu ma tihid madaxwayne awood u leh in aad damaanad qaado nabad galyada shacbiga oo waan wada ognahay in afar wiil oo yar yar ay xukumadaadu maaro ay ku soo qabato u wayday.
C- waxa kale oo aan wada ognahay in dawladaada maamulkeedu aanu Burco wada gaadhsiisnayn waxana taa daliil u ah lacagtii giimbaarka ahayd ee Boorama xooga lagaga ururshay ayaa burco haatan laga isticmaalaa.
D- dawladaadu awood uma laha ay gobolada Awdal/Selel ku maal galiso ama wax ugu qabato oo taana waxa daliil u ah dhacdadii RIIGA ee hargaysa ka dhacday markii la maqlay Booramaa la gaynayaa.
E- Shacbiga soomaliland waa beelo isku tagay cidwalbana aayaha dhulkeeda iyadaa cidwalba uga lexejeclo badan taasina waa ta kugu kalifta mar walba in aad aaqilada reer Sool ama gobolada kaleba la socodsiiso talaabo kasta oo aad wax kaga qabanayso ama qaadayso. Markaa inaad tidhaa Awdal iyo Salal cidna wax ka waydiin maayo anigaa sidaan doono ka yeelaya cidda ka hadashayna waxba maaha waa ayaan darro kale oo aan loo dulqaadan karin.
Qdobka: 3) Madaxwayne waxad caadaysatay in aad maamul dhaqanxun oo laga baxay wakhtigan xaadirka loona baahnayn kula dhaqanto shacbiga gobolada Awdal/Salal adiga oo salaadiinta iyo waayeelada iyo beelaha goboladaa ku dhaqan ee walaalaha ah ee isku dhiiga ah u adeegsanaya dantaada gaarka ah iskana horkeenaya.(Qaybi oo xukun)
Qodobka: 4) Madaxwayne waxa kaloo noo muuqata in aad iska dhaadhicisay in aanay jirinba cidkale oo danaha Awdal/Selel lagala xisaabtami karo ama lagala hadli karo oo aan adiga ahayni taasina waa sharaf dil kale oo aad ugaysanayo dadka boqolaalka kun ah ee ay ku jiraan dabcan dad kaa cilmi badan kaana caqli badani.
Qodobka : 5) Madaxwayne waxan ognahay in madaxnimadaadii lagu hungoobay oo hoos u dhac wayn ay kala kulmeen dadka aad ka dhalatay,dhulkoodana aanad waxba kusoo kordhin adigoo aaminsan hadii aad wax u qabato inaad waayeyso kalsoonida gobollo kale. Waxan ognahay waxad uqabato bulshada gobolada Awdal/Selel iskadaaye in aad carqalad ku noqotay wada jirkoodii iyo jiritaankooda iyo taariikhdoodiiba. Oo markii ay waxba adiga iyo dawladaada ku waydiisanwaayeen aad ugu timiday wixii kali ahaa ee ay ku faanayeen taas oo ah dhulkooda taariikhiga ah.
Qodobka: 6) Madaxwayne marnaba dhalinyarta beesha iyo bulshada goboladuba kama soo horjeesanayaan wixii wax u faa’iidaynaya dadka iyo dhulkoodaba laakiin dadku wada jaahiliin maaha oo meel dad gaara loo ooday iyo meel bulshada camal looga furayna isku muuqaal maaha. Sacadiin iyo ceebaadna hadii dadka camal looga furayo oo ay faa’iido bulshada ugu jirtana kama aad dhigteen sir, kamana horjoogsateen awqaasha iyo waayeelada dalka.
Gaba gabadii waxan kuusoo jeedinaynaa Mudane Madaxwayne sida aad adigu kaligaa wax u arkayso arimaha Awdal iyo Selel maaha. Taariikhdu way is bedashaa umase muuqato taariikhda aad hada wadaayi mid wanaag kuusoo jiidaysa. Aduunkuna waa maalin iyo habeen hadii ay kula dheeraato xaqdaro aad bulsho ugaysanaysaana waa mid aad mar uun ka jaabi doonto ama aad macnayn doonto aakhiro iyo if mid ay noqotaba.
Waxa kale oo aan ku xasuusinaynaa in bulshadii meel daganiba ay leedahay wax ay ku faanto somalilana ay tahay sida caalamka kale bulsho iyo gobolo isku yimid oo uu nin walba meel daganyahay dawladii dadkeeda ushaqaynaysana waxa la gudboon in ay la tashato dadka meesha dagan.
Mudooyin badan waxad ku eedaysay xisbiyada macaaridka inay qabiil adeegsadaan adiga oo adigu isa saaraya fooqa qaran-nimo, laakiin hadii aan xaqiiqada ka hadalo ta aad reer Awdal kula dhaqmaysaayi eed dhiigoodii ku bi’isay eed dhulkoodana ku xaraashtay awqaashoodana sharafta kaga qaadaysaayi waa tu ku salaysan qabiil.
Sobobtoo ah maadaaba aad Awdal ka soo jeedo umaba aragtid in ay waxba xaq kuugu leeyihiin dadka reer Awdal iyo Selel taasina waa mid ka xun qabyaalada muuqata ee qof wax kugu yeeli karo.
Madaxwayne waxan kusoo gaba gabaynaynaa aragtidayadan in aanay madax meel kasaraysa oo la taabtaayi jirin isla markaana wixii bulshada reer Awd/Selel ay tabanayaana uu adiga dushaada yahay. Waxanan u cadaynaynaa buldhada ree Awd/Selel iyo beelaha kale ee reer soomalilanda in waxaad adigu gasho ee xad gudub ihi adiga kugu kooban yahay oo aanay beesha jibriilyiinis waxba kugula jirin maadaaba aanay jirin cid aad talo ka qaadato ama wax waydiiso oo reer Awdal/Selel ahi
Gudiga ku meel gaadhka ah ee dhalinyarada Jibriir Yoonis ee qaarada Yurub.

1) Dr.Cabdisalaan Xuseen Cawaale

2) Dr.Khaalid Xasan Aloore

3)Cabdale Faarax Sigad

4) Jawhar Cabdisamad Qalinle

5) Dr.Cabdiraxmaan Nuur Cige

6) Cabdiraxmaan Cali

7) Samaroon Rooble Hassan

8)Eng.Rashiid Mux.Meygaag

9) Eng. Yuusuf Xassan

Wabilaahi Tawlfiiq
Xigasho: Boramanews

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete