Saturday 23 January 2010

Wararkii ugu Dambeyay ee Golaha Guurtidda 20100123


Wararkii ugu Dambeyay ee Golaha Guurtidda iyo Khilaafkii Golaha oo La Filayo inuu Dhamaado
Hargaysa(iftinnews)01/23/2010Golaha Guurtida Somaliland ayaa la filayaa inay maanta isugu yimaadaan fadhi ku xidhiidhsan kalfadhigooda caadiga ah, Islamarkaana ka madax-banaan khilaafaadka qaybiyay Xildhibaanadda iyo shirgudoonka Golahaasi.


Warar aanu ka soo xiganay illo kala duwan oo ku arroora Golaha Guurtida ayaa tibaaxay in todobaadkii aynu ka soo gudubnay tiraba dhawr jeer ay kulmeen shirgudoonka Golahaasi, kuwaasoo ka arinsanayay Is maandhaafka ka dhex taagan. Waxaana xogahaasi tibaaxeen in ugu danbeyn Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo labadiisa Gudoomiye Ku xigeen lagu dhexdhexaadiyay in ay Golaha dibaddiisa ku soo dhameeyaan khilaafka ka soo cusboonaaday Guurtida. Islamarkaana fadhiga maanta laga ilaaliyo in lagu soo qaado arrintaasi, balse uu ku ekaado oo lagaga doodo Ajandayaashii caadiga ahaa ee Goluhu ka hadlayay kalfadhigan 39-aad. In Kasta oo wararku sidaa sheegayaan, haddana ma jiro dhinac rasmi ahaan u xaqiijiyay arrintan iyo xataa cid damaanad qaadi karrta in fadhigani turxaan la’aan ku dhamaan doono iyo in kalle maadaama khilaaf xoog lihi jiro.

Is-maandhaafka Guurtida ayaa soo shaacbaxay ka dib markii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, Is bedel ku sameeyay guddi hoosaadka Golaha Guurtida, iyadoo uu dalka dibada kaga maqan-yahay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden. Toosoo ay guddiga joogtada ahi ku gacan-saydheen, soona dedejisay imaanshaha dalka ee Gudoomiyaha Guurtida.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabadda lagu bedelay guddiyadda, waxaana la sheegay in uu labadiisa guddoomiye ku xigeen ka dalbaday inay ka noqdaan isku shaandhayntaasi, hasse ahaatee waxaa la sheegay in aan ilaa hadda la isla meel-dhigin arrintan oo Xildhibaanadda Guurtida laftoodu ku kala qaybsan-yahay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in kullamadii ugu danbeeyay ee shirgudoonka la iskulla gartay in wadda-hadaladu dibadda ka socdaan Islamarkaana Goluhu hawlihiisa caadiga ah sii watto. Iyadoo aanay Golaha ka soo xaadiri doonin inta laga heshiinayo, sida xoguhu tibaaxeen affar muddane oo ku xigeenadda Gudoomiyuhu hore uga joojiyeen Fadhiyadda Golaha , balse Gudoomiye Saleebaan dib ugu qoray qoraal uu ku burinayo xayiraadaas hore loogu soo rogay.

Heshiiskan guud ka sokow, waxaa jiray ollole iyo dedaal xoogan oo labadan dhinac ku kala jiidanayaan Xildhibaanadda Guurtida oo la sheegay inay aragti ahaan kala taabacsan-yihiin Gudoomiyaha Guurtida oo mucaaradku u arrko in lagaga soo duulay Madaxtooyadda iyo Labada Gudoomiye ku xigeen oo muxaafadka dhabarka ku haya.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete