Thursday 21 January 2010

Ardaydii Ka Qalin Jabisay Dugsiga Tababarka Kalkaaliyaasha Caafimaadka Burco oo La Gudoonsiiyey Shahaadooyin 20080619


Ardaydii Ka Qalin Jabisay Dugsiga Tababarka Kalkaaliyaasha Caafimaadka Burco oo La Gudoonsiiyey Shahaadooyin

Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Wasaarada Caafimaadka Cabdi Haybe, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax, Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Jaamac C/laahi Warsame (Biin ) DRS Adna Adan, Dr, Cabdi Aw Daahir, Mujaahid Maxamed Kaahin Maamulka Caafimaadka Gobalka Togdheer, iyo Marti sharaf kale oo badan ayaa lagu qabtay Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco.

Xafladan Gudoonsiinta shahaadooyinka ardaydii dhamaysatay Waxbarasho Sadex Sano ah ee Kalkaalinimada Caafimaadka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadashay Senior Nurse Maamulaha Dugsiga Faadumo Cismaan oo ka war bixisay marxaladii kala duwanaa ee dugsiga soo maray iyadoo ugu horeyn u mahanaqday Shirkada Ganacsiga Dahab Shiil iyo dhamaan cidii gacan ka gaystay hir gelinta dugsigan, Fadumo Cismaan waxay la balantay oo dardaaran sii siisay ardayda waxbarashada dhamaystay iyadoo ku dhiiri gelisay in ay waajibaadkooda si hagar la,aan u gutaan oo iska ilaaliyaan wixii shaqadooda wax u dhimaya sidoo kalena u mahadnaqday Dhakhaatiirta ka hawl gashay Waxbarashada Dugsigan.

DRS Adna Aadan oo iyadu munaasibadan ka jeedisay khudbad dheer oo sheegtay in aad iyo aad ugu farax san tahay caawa in aan ka qayb galo ardaydan dhamaysatay Waxbarashada iyadoo sheegtay in ay aad ugu kalsoon tahay kuna faanaysa xirfadeeda dhakhtarnimo, anigu waxaan ka mid ahaa macalin iyo arday ka noqday Dugsiga Girls School ee Magaalada Burco, taas oo ay ka baxeen 27 Hablood oo magac ku leh dunida, waxaa kale oo aan hanbalyo u soo jeedinayaa Waalidiinta idinku tacabtay iyo macalimiinta wax idin bartay, cidii kale ee hir gelisay Dugsigan ILAAHAY AYAA MAHADAA ISKA LEH idinkana waxaan doonayaa in aad bedeshaan jiilkayagii hore, gacmahiina in ilaahay ka dhigo gacma caafimaad qaba Amiin.

DRS Adna waxaa kale oo aad ugu mahad naqday Gudida Caafimaadka Gobalka Togdher iyo Maamulka Dugsiga si hagar la,aanta ah ee ay ugu shaqeeyeen dalkooda iyo dadkoodaba.

DR Cabdi Aw Daahir oo ka mida dhakhaatiirta waaweyn ee Gobalka Togdheer kana mida macalimiinta Dugsiga kalkaaliyaasha Caafimaadka ayaa sheegay in uu ku farax san yahay in maanta aqoon yahan cusub u soo baxay gobalka togdheer iyo dhamaan JSL, DR Cabdi Aw Daahir wuxuu sheegay in maanta aad gelaysaan marxalad cusub iyo nolol cusub kuna talo gashaan in aad u adeegtaan qof bukaan ah oo aan ahayn hebel taas oo la doonayo in aad waajibaadkiina u gudataan, Shaqada dhakhtarnimadu waa shaqo wanaagsan oo ku farxad gelinaysa, wa shaqo adag, una baahan aqoonteeda iyo xirfadeeda waxaan halkan sidoo hore loo sheegay aan u mahad naqayaa dhamaan cidkasta oo ka qayb qaadatay hir gelinta dugsigan.

DR Ciise Nuur Liibaan oo ka mid gudida caafimaadka gobalka togdheer ayaa isaguna sido kale sheegay in dugsigani soo maray Marxalado kale duwan una dhabar adeegeen hirgelintiisa dhamaan bulshada gobalka imika aynu arkayno faa,iidada uu inoo leeyahay, waxaa kale oo aan halkan uga mahad naqayaa gudidii kale ee hawsha ila waday oo ay ka mid ahaayeen Jamaal Xiin Waal iyo Nimcaan iyo DR Cabdi Yaasiin oo waqtigaa aha Isudwaha Wasaarada Caafimaadka Gobalka.

Isudwaha Wasaarada Caafimaadka Aadan Cilmi Diiriye Malaay ayaa isaguna ka hadlay munaasibadan oo sheegay in ugu horeyn ay u balan qaadayaan in ay shaqo gelinayaan ardaydan dhamaystay waxbarashada Kalkaalinimo taas oo aan sido maanta warqadii shaqo ee ay ku hawl geilahayeen, waxaana ay ka hawl gelayaan Sadex Cusbitaal ee ku yaala Magaalada Burco, Cusbitaalka Guud, Cusbitaalka TBda, iyo Cusbitaalka Waalida., iyadoo Xukuumadu ka balan qaadayso gunada ardaydan waxbarashada dhamaystay maanta laga bilaabo ay yihiin shaqaale u diiwaan gashan wasaarada Caafimaadka Gobalka Togdheer.

Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Jaamac C/laahi Warsame Biin ayaa isagu soo dhoweeyey ardaydan isagoo aad ula dar daarmay una sheegay in ay qaataan waanada ay sii yeen dhakhaatiirtii ka hadashay munaasibadan oo ay mid ahaayeen DR Cabdi Aw Daahir iyo DRS Adana oo labaduba ah laba masuul oo khibrad dheeraad ah ku soo shaqeeyey, laydinka baahan yahay in aad u gar gaartaan dadka bukaanka ah ee aad daweynaysaan sidii aad u gudan lahaydeyn waajibaadkiina. Idinka oo aan cidna u cadhoonin haddii kale waad fashilmaysaan .

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax oo ka hadlay xafladan ayaa soo dhoweeyey ardaydii dhamaysatay waxbarashada isagoo ahaa waqtigii la furay dugsigan bixiyeyna ogolaanshihii lagu hir geliyey waan u sheegay maalintii aan ruqsada qorayey ragii odayaasha ahaa ee yimid maalintaa anigoo leh waxaanu la liidanaa Dugsiga Kalkaaliyaasha Hargeysa ee idinka ayaa yaqaana sidii u hir gelin lahaydeen anigu waan idin siinayaa ogolaanshaha, Alxamdulilaah maanta ayeynu haynaa midhihii waxaa kale oo aan idin sheegayaa waa in aad ilaalisaan anshaxa dhakhtarnimo, wasiirka wasaarada Caafimaadka waxaan leeyahay waa in aad adiguna inta aad joogto wasaarada Caafimaadka aad ka hirgelisaa dugsigan oo kale oo gobalada Bariga sida Sool iyo Sanaag.

Gebagebadii Munaasibadan waxaa shahaadooyinkii gudoonsiiyey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Cabdi Haybe oo sheegay in ay Xukuumad ahaan ka soo baxayaan doorkooda, Dugsigana waxaa kale oo la doonayaa in ay ka faa,iidaystaan Gobalada kale ee Bariga Somaliland, anigu dhowaan waxaan kormeer ku maray Gobolada Dalka oo dhan Gobalkani wuxuu ku amaanan yahay Gudidiina Caafimaadka oo si fiican u shaqaynaysa, gobolada kale qaar baanay ka jirin gudi caafimaad, waxaa kale oo halkan shahaado sharafta kowaad ka siinayaa Shirkada Dahab Shiil, waxaan idiin sheegayaa in aad laba sano ka shaqaysaan Cusbitaalkada Burco, dhowaan waxaa dalka ku soo laabtay 11 Dhakhtar oo ka yimid dalka Suudaan Gobalka Togdheer waxaan u soo diraynaa laba dhakhtar, waxaa kale oo Cusbitaalada Hargeysa ka shaqaysa ardaydii wax ku baratay Camuud, Dhakhaatiirta horena waxaan leeyahay waa in aad qaadataan refreshment course idinka oo shaqooyinkiina gacanta ku haya, waxaa kale oo jira hablo la baro umulisooyin oo wax ka barta dugsiyada Adna Maternity Hospital kuwaas oo aanu doonayno tiradooda in imika la kordhiya waxaana wax ka barta labaatan hablood oo afar ka mida ay yihiin Reer Burco.Hayadaha Caalimiga waanu wada shaqaynaa waana kala hadalnay sidii wax laydinku qaban lahaa.

” Reer Burco ficilka way kaga wanaagsan yihiin Reer Hargaysa arinta maxa weeye Baqaha Bari ka row” ayuu yidhi

Gebagebadii Munaasibada dadka ka soo qayb galay waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayn rayn iyadoo halkaa laga dareemi karo isbedlka iyo horumarka ku soo kordhay Gobalka Togdheer.


Siciid Axmed Raage



Burco, Somaliland.

No comments:

Post a Comment