Monday 25 January 2010

Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka ee dalka Itoobiya ee Ethiopian Airlines, ayaa saaka arooryadii kusoo dhacday Xeebta dalka Lubnaan 20100125

Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka ee dalka Itoobiya ee Ethiopian Airlines, ayaa saaka arooryadii kusoo dhacday Xeebta dalka Lubnaan.


Diyaaradan oo kasoo duushay Airporka Caasimada Lubnaan ee Bayruut, ayaa kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Diyaaradan rakaabka siday oo nooceedu ahaa Bowing (Boeig) 737, ayaa la sheegay inay ku dhacday bada Maditareeniyanka kadib markii ay hawada gashay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkayeen diyaarada oo dab qabsaday oo kadib bada ku dhacday.

Mr.Ghazi Aridi oo ah Wasiirka Gadiidka ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in diyaarada ay ku dhacday bada meel 3.5km u jirta xeebta.

Maraakiib kala gedisan ayaa ku baxay goobta diyaarada kusoo dhacday, ayagoo isku dayaya inay u gurmadaan dadkii diyaaradaasi saarnaa.Diyaarada ayaa waday 83 rakaab ah iyo 7 Shaqaalo, ayadoo dadka diyaaradaasi saarnaa ay ahayeen muwaadiniin wadamo badan kasoo kala jeeda.

Waxaa dadkaasi ku jiray 54 qof oo u dhalatay dalka Lubnaan, 22 u dhashay Itoobiyaa, British, Syrian iyo muwaadiniin Faransiis ah.

Illaa iyo hada waxaa bada laga soo saaray meydka 10 qof, ayadoo ehelada dadkii diyaaradan saarnaa ay soo buuxiyeen airporka Beyruut.

Gurmadka lagu doonayo in lagu badbaadiyo dadkii diyaaradaasi saarnaa ayaa si gaabis ah u socda, ayadoo ay saameyeen jawiga Hawada oo aad u xun, oo ay da’ayo roob xoogan iyo biyaha bada oo kacsan.



Shirkada Ethiopian Airlines ee diyaaradan lahayd ayaa sheegtay inay u dirtay dalka Lubnaan guddi soo baara sababta keentay diyaaradan inay dhacdo.

Raysalwasaaraha dalka Lubnaan Sacaad Xariri, ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay maalin baroordiiq ah, waxaana la joojiyey shirkii todobaadlaha ahaa ee Xukuumada dalkaasi yeelan jirtay.

Warqabadka Togaherer

Pakistan

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete