Wednesday 27 January 2010

Golaha Wakiilada Oo Guddo Galay Xeerka Baananka Islaamiga Ah 2010012010

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun)








Golaha Wakiilada Oo Guddo Galay Xeerka Baananka Islaamiga Ah .


Hargeysa(Ramaas) Jan.26, 2010 - Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa maanta gudo galay Xeerka Baananka Islaamiga ah oo xasaasi ah, oo muddo hor yaalay aqalkaasi.

Fadhigii maanta oo uu guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaanCirro), ayaa mudaneyaasha loo qaybiyay xeerka guud ee baananka ganacsiga kaas oo ay mudaneyaashu ka soo baraandagi doonaan.


C/raxmaan Ciro oo ka hadlay xeerkan wuxuu yidhi “Xeerkani waxa uu ka kooban yahay laba qaybood, kii xukuumadu inoo soo gudbisay iyo tallo bixinay soo jeediyeen baanka dhexe ee Somaliland iyo ‘Wold Bank’ baanka adduunka, maadaama ay xeerrka baananku ay aad u taabanayaan nolosha dadka waa inay mudaneyaashu si fiican uga soo baraandagaan.


Waxa kale oo ay baanka dhexe ka soo talo bixiyeen xeerkan iyo kii baananka Islaamiga ee goluhu hayay madaama hawshu inta badan ay iyaga ku dhacaysay.


Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Qodobka 13aad ee dastuurka wuxuu leeyahay waxay yeelanaysaa banig dhexe oo hogaamiya siyaasada iyo ilaalinta lacagta dalka waxa kale oo la suurto galinayaa furitaanka baananka ganacsiga iyo horumarineed iyadoo mudnaanta la siinayo kuwo gaar ahaaneed. Bangiga dhexe annagoo ka duulayna awoodaa uu siiyay dastuurku waxa aanu wax ka weydiinay talo ku saabsan xeer ka baananka Islaamiga iyo kan ganacsiga guud ahaan waxaanay golaha u soo qoreen war qad ay ku talo bixinayaan oo uu golaha ka hor akhriyay xoghayaha guud.”


Dhinaca kale, Md. Siciid Maxamed Cilmi, ayaa waxa laga dhagastay talobxintiisa waxaanu yidhi “Adduunku maanta wuxuu marayaa waxa la yidhaa (E. Bank) baanking ku maaha dhamaantii lacag kaash ah oo lala kala wareegayo inaga ebanking, ku waxa waxa uu inagaga soo hareeyay kii kale waxaanan ugu mahad naqayaa shirkadaha Telsom iyo Dahabshiil.

Dahabshiil waxa uu marayaa waxan la yidhaa E-cash ee kaadhka la mariyo, Telsomna waxa ay maraysaa Zaad Mobile in lays kugu diro lacagta.”


Md. Xuseen Ismaaciil, ayaa isna yidhi “Taan anigu arkay waxa weeye waa la soo turjumay dabadeeto markay af Soomaali noqotay ay qiimihii lumisay ama aanay dhadhan-ba lahayn aniga siday igu dhacday waxaad moodaa in qiimihii uu Ingiriisiga ku lhaa uu lumiyay oo aanu meelaha qaarkood aan la fahmi karin, waanu isku noqnoqday.


Baanku ruqsad siinta iyo wax yaabo badan in laga badalaa buu u baahan yahay waxa ila qumanin aynaan xeerka ku degdegin oo cidii dhaqaalaha ku takhasustay in ay halkaa isugu yimaadaan anigu waan codsanayaa si xeer wax ku ool ah inooga baxo.”


La taliyaha sharciga ee golaha Md. Axmed Cali Kaahin, oo fadhigaasi ka hadlay ayaa isna ku dooday “Hadaynu is nidhaahno xeerkan dhamaystira ma dhamaystiri karno siduu mudane iga horeeyay sheegay ‘E-bank, Internet-ka ayaa isna ku soo kordhay maalin walbaba wax cusub iyo mashaakil ayaa dunida ku yimaada hadaynu idhaahdno aynu sugno kun sanadood ayaynu sugaynaa, sidaan idiin sheegay bilasta iyo sanad kasta, wiig kasta iyo sanad kasta ayaa la samayn karaa. Haddii maanta la siidayn waayo xeerka caynkan oo kale ah shareecadii Islaamka ayaynu horjoogsanay anigu sidaan u arko.


Hadaynu furfuri wayno dhaqaalaha oo kitaabka Ilaahay wixii uu inoo xalaaleeyay ku dhaqmi weyno wixii uu inaga xaraantimeeyayna aynu hirgelin wayno oo aynu sabab ka dhigano ma dhamaystirna waligii ma dhamaystirmayo.


Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka tirsan guddida dhaqaalaha, ayaa yidhi “Sidii diinteena suuban iyo dastuurkeena aynu u waafajin lahayn waayo wax walba diinteenaa ka horaysa oo aan ogolayn in la keeno bangi ribo ku salaysan dhammaan doodaha oo dhami waxay ka gudi ahaan noogu muuqdaan in aynu doonayno in ay xeerar wanaagsan inaga soo baxaan waxa inaga maqan xafiisyadii xirfadeed ee ina kabi lahaa, yoolkeenu waxa weeye in aynu helno oo inoo sharaf ah in aynu helna xeerar isku wadi karaaya, kii santaraal baanka iyo kii ka ganacsiga ee madaxa banaanaa.


Md. C/raxmaan Cirro wuxuu gabogabadii fadhigaasi ka sheegay in loo baahan yahay in mudanayaashu ay ka soo xaadiraan golaha si goluhu u meel mariyo xeerar badan oo dalku u baahan yahay.






Ramaasnews Desk

Hargeisa

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. Ma waxaad raadineysaa amaah ah? Ama idinka diiday amaah ah by bangiga ama hay'ad maaliyadeed, waayo, mid ama ka badan sababo? Waxaad meesha saxda ah ee xal amaah xaqa aad u leedahay halkan! HelenaRobeson adag amaah aanu ku koobnayn siin deyn in shirkadaha iyo shaqsiyaadka heerka dulsaarka hoose iyo la awoodi karo ee 2%. Fadlan nagala soo xiriir e-mail maanta via HelenaRobeson63@gmail.com:
    XOGTA CODSADAHA:

      1) Magaca buuxa:
      2) Country:
      3) Wuxuu la hadli: a
      4) Gobolka:
      5) Nooca Jinsiga:
      6) Xaaladda Guurka:
      7) Shaqada:
      8) Lambarka Telefoonka:
      9) meel Currently ee goobta shaqada:
      10) dakhliga billaha ah:
      11) Inta Loan loo baahan yahay:
      12) Duration Loan:
      13) Ujeedada Loan:
      14) Diinta:
      15) Ma codsatay ka hor,
      16) Taariikhda dhalashada;
      mahad,
    Mrs Helena Robeson

    ReplyDelete