Thursday 21 January 2010

lafaagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye 20080831

lafaagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye
August 31st, 2008 Comments Off

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye (qaab Nooceeya ayey Doorashadu u Dhacday)
Qore Abdiaziz Ahmed Mousa
Abdiaziz2@mail.com

25 August 2008 waa Maalintii u danbeysay ee shirka loogu tala-galay in uu dhamaado.waxa soo buuxiyay Madasha shirku ka dhacayey ee Hotel City Plus Ergooyinka shirka , Dibada hoolka shirka waxa ka socoday dood qaylo wadata oo la isku oorinayo ama la iskugu hanjabayo inaan shirku furmin,

waqtigii shirku in uu furmo loogu talo-galay oo ahayd 8:30 PM ayaa dib looga yara dhacay si loo sugo Ergooyinka Shirka iyadoo la ogaa in habeenimadkii aan la seexan, kooxada taageersan musharax Cabdirahman aw cali farax iyo cadami ayaa ku tiraabaya hadalo ka dhan ah Hogaamiyaha kulmiye Ahmed Mohamed Siilaanyo , waxaana hadaladaasi ka mid ahaa(Waanu garanaynay kolkii uu xaafadiisa nala tagay in uu waxan maagan yahay) Mid kale ayaa ku tiraabayey (19 84 tii uu waday ayuu wadaa ) iyo kuwa la mida,

waxa ay kooxda mucaridka ku ahayd saylici ay mar kaliya yidhaahdeen markii shirgudoonku sameecada ka sheegay shirku waa furmay ee ha la soo galo, ina keena hayaay gali mayno Hotel cigaal ayuu ka dhacayaa Shirkeenu ee ina keena dhamaantood iyagoo cadhaysan ayey Gawaadhida kaxaysteen ,qaar ku hadhay goobta oo gawaadhidu ka tagtay ayaa ladqabo la is yidhi ku soo galiya goobta waa ay diideen, ragga ladqabada waday waxaan ka xasuustaa ,Xildhibaan Cali mareexan ,Maxamed Kaahin iyo dhowr nin oo kale,

Laakiin kooxdii cadhootay waxa ay isku daba wareegeen kolba hudheel , qaar waxa ay tageen Hotel Qulunbe ,qaar shamaxle hotel oo ku yaala dooxa burco ama biriijka hoostiisa, qaar barwaaqo hotel ..kooxdii tafaraaruq cadho ku jirto ayuu midba hotel tagay, waxa iyana hoolka shirka si toosa u buuxiyay taageerayaasha Saylici iyo hogaanka Xisbiga oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga ahna Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga.Ahmed Mohamed Siilaanyo,

waxaan ku soo noqoday Hoolkii shirku ka bilaabmay ee City PLUS waxa la adkeeyay amniga waxa la i check-gareeyay laba jeer ..waxa madasha loo ogol-yahay oo kaliya ergooyinka xaqa u leh in ay codeyaan iyo saxaafdda xubnaha ka mida waxa la saaray goob-joogayaashii , waxa aan fadhiistay xaga danbe oo ay joogan dhowr suxufi oo dhalinyaro ah oo local ah,oo uu ku jiro wariyaha bbc-da burco xagar,

waxa aanu qiimeynay aniga iyo ragii meesha fadhiyay ee suxufiyiinta ahaa sida ay wax u dhacayaan waxa aanu aragnay in madasha ay fadhiyaan oo kaliya garabkii muxaafidka ahaa ee taageersanaa cabdirahman saylici musharaxa madaxweyne sida uu shirku u furmayna waxa aanu u argany mid ku dhisan cadho..goobtu waa ay ka duwan tahay sida ay ahayd maalimihii hore wa dagan tahay ergooyinku waa faraxsan yahiin waxayna doonayaan in ay xaqiijiyaan himaladooda,


GUDOOMIYAHA shirka jaamac shabeel ayaa ka codsaday ku xigeenkiisa iyo xoghayaha shirka cabdirizaq ciyaale in ay hubiyan magacayda ergooyinka fadhiya …waxa la yeedhiyay magacayadii waxaana ka muuqatay shir-gudaanka caajis iyo kala daadsanaan..waxayan u yeedhinayeen magacayda si aan taxadir lahayn ..waxa uu laba jeer ku hadlay shir gudoonku tiro is khilaafsan kol waxa uu yidhi madasha waxa fadhiya 149 xubnood wax ka yar 15 daqiiqana waxa uu yidhi dib ha loo tiriyo waxa ay noqotay 131 xubnood sidaasanu Kooramkii shirku ku qabsoomay ..cards-ka xubnaha golaha dhexe sitaan in kastoo intaan la soo galin la hubinayey oo ay gudida qabanqaabadu qaabilsanayd check-gareynteeda hadana marka gudaha la soo galo shirgudoonku muu hubinayn oo si caadiya ayey dadkuun u tirinayeen ama u yeedhinayeen.

waxaana u arkeynay in ay ka tahay aqoon darro xaga gudoominta shirarka noocan in ay haysato xubnaha gudoonka qaabilsan,kolna waxaan is idhaa malaha Shir-gudoonku kuma qanacsana doorashadda ee waxa ay la kala safan yahiin dhinacayada is haya Maadama caga Jiid ka muuqdo Dardarta ay u wadi lahaayeen hawsha ama cards-ka uga soo Ururin lahayeen xubnaha si ay u hubiyaan magacayada ay hayaan iyo kaadhadhka ay sitaan ergooyinku si meesha ay uga baxdo muran ama farsamooyin badani soo dhaaf taa , in yar ka dib waxa la galay xeer hoosaadka golaha dhexe waxaana cod la galiyay labada qodob ee lagu soo bisleeyay dibada Shalay (24 August 2008)ee ahaa Absolutely majesty iyo simple Majority, waxaana tiro dhan 129 lagu ansixiyay in Simply majority cod dheeri lagu doorto musharaxiinta Madaxweyne iyo ku xigeen ee xisbiga, sidaas ayaanu qodobkaasi ku meel maray,

waxa la galay ama la furay qodob ay soo jeediyeen ama lagu daray sida uu shir-gudoonku sheegay doorashaddii hogaanka xisbiga ee Hotel Ambassador ka Dhacday ,taas oo ahayd in dastuurka lagu daro qodob odhanaya ama loo codeeyo (haddii Gudoomiyaha xisbigu uu Musharax madaxweyne noqodo oo marka lagu dhawaaqo natiijadda madaxtooyadda ha helo ama ha waayee waxa automatic ama si toosa u noqonaya Gudoomiyaha Xisbiga GUDOOMIYE ku xigeenka xisbiga, ayaa la guda galay

hadba qodobkaasi ayaa shirgudoonku soo jeediyay in cod la galiyo oo la doorto ninka noqonaya gudoomiyaha xisbiga kolka lagu dhawaaqo natiijadda madaxtooyadda ama uu ku xigeenka koowaad uu si toosa u noqodo gudoomiyaha xisbiga,

hadba ragg dhowra ayaa istaagay oo yidhi aan ka hadalno oo ay ka mid ahaayeen cabdirahman cabdiqadir gudoomiye ku xigeenka labaad iyo cabdi aw daahir iyo mohamed kaahin,..laakiin shir-gudoonku waxa uu u ogolaaday in uu hadlo cabdi aw daahir oo soo jeediyay in laga doodo qodobkaasi oo aan sidiisa lagu gud-galin , hase ahaatee buuq yar ayaa dhacay oo uu shirgudoonku qaboojiyay waxaana cod la galiyay labada qodob,

Waxaana aqlabiyadd ku guulaystay xubnaha qabay in si automatic ah uu gudoomiye ku xigeenka koowaad u noqodo gudoomiyaha xisbiga kolka lagu dhawaaqo natiijadda madaxtooyadda, waxa dhoola cadeeyay ninka ay jagadaasi sugayso Muuse biixi waxaana diiday ragg badan oo ay saaxiib ahaayeen oo jeclaa in lagu tartamo jagadaasi oo ay ka mid ahaayeen cabdi aw daahir oo galbeeka burco ka soo jeeda iyo Maxamed Kaahin,

si kastaba ha ahaatee Doorashadda kulmiye ka dhexe dhacday waxa ay iskugu jirta noocyo badan ,Xubnaha meesha iskugu yimid nin waliba masiirkiisa ayuu ka talinayey waxayana Xubnahu iskugu jireen sadex nooc, 1-Nooc xisbiga u galay mabda siyaasiya oo ay kaga soo horjeeda Maamulka jira oo la safnaa cida awooda Xisbga haysa,2-nooc xisbiga ugu jira masiirkooga oo doonaya in ay helaan kuraasi haddii ay waayaana xisbiga la waayi doono ama ay ka diga rogataan si ay u helaan maal ay kursi ka soo fuulaan, 3-nooc xisbiga ugu jira xoogsi ama ka shaqeyso dhinacayda is haya oo kolba taageer afkaar aad dhaqaale ku heli karto halkii loo batana raac ama ku dhisan Raaciyadd Qabaliya, hadaba kooxaasi waxa ay ka midaysnayeen mid kaliya waa in uu noodo hogaamiyaha xisbigu Musharaxa Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo ,

si kastaba ha ahaatee Doorashaddii Madaxweynaha kolkii la gaadhay ee Dastuurkii la ansixiyay ayuu shir-gudoonku ku dhawaaqay in nasasho shaahayn ah la galo 15 daqiiqo laakiin taas waxa ka soo horjeestay Ergooyinka Shirka oo miis-ka garaacay ,waxa aan isha la raacay dareenka Hogaanka xisbiga gaar ahaan musharax madaxweyne iyo ku xigeen ..waxa ka muuqatay inaanay raali ka ahayn dib u dhac shirka lagu sameeyo ,..waxaanu shir-gudoonku ku dhawaaqay in la guda-galo Doorashadda madaxweyne iyo ku xigeen madama ayna ergooyinku rabin in ay nastaan,

waxa aan u arkay in uu shir-gudoonku u baajinayey mudada 15 minute ah in la helo waanwaan oo la soo celiyo 63 xubnood oo golaha dhexe ahaa oo la sheegay in ay ahaayeen kooxda la cadhootay musharaxiinta madaxweyne ku xigeen kuwaas oo kala ahaa Cabdirahman aw cali farax iyo Ahmed xaaji cali cadami,laakiin taasi waxa aqbali waayey ergooyinka madasha fadhiyay oo Doortay inaan la isku joojin haddii kooramku buuxo,

waxa uu ku dhawaaqay gudoomiyaha shirku in loo codeeynayo Musharaxa madaxweyne iyadoon la eegin CV-giisa musharaxa madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo ayaa kacay si uu u tuso Ergooyinka wajigiisa waxa madasha fadhiyay 131 ergay oo kooramku ku furmay halka golaha dhex tiradiisu ahayd 192 waxaana u codeeya ahmed Siilaanyo in uu Musharax madaxweyne u noqodo 129 Ergay sidaas ayaanu ku ansaxay waxaana la guda galay Doorashadda Madaxweyne ku xigeenka oo muran ka taagnaa..waxa la yeedhiyay musharax koowaad Ismail muumin Aar, ninkaas ayaa kacay waxa uu sheegay in uu tanaasulay sababa badan awgeed oo uu xisbiga dantiisu ku jirto ,

waxa soo hadhay sadex musharax oo kala ah Cabdirahman Saylic ,Cadami iyo Cabdirahman aw cali, waxa goobta joogay cabdiraman cabdillahi cali saylici oo ahaa musharaxa madaxweyne ku xigeen .waxaana cod la galiyay cida u codaynaysa musharaxa jooga maadama ragii kale maqan yahiin..waxa gacanta taagay 123 ergay waxa diiday 8 ergay halkaas ayuu ku ansaxay Musharaxa Madaxweyne Ku xigeen saylici…wax danbana la isma waydiin oo ergooyinkii goobta fadhiyay waxa ka dhacay culays ay habeeno badan u soo jeedeen waxaanu shir-gudoonku ku dhawaaqay nasasho,

waxa la shaah tagay dibada gaar ahaan deyr ku wareegsan Hoolka oo albaabada laga soo xidhay si aanay ergooyinku u bixin kaas oo ka danbeeya dayrka laga soo galo hudheelka oo aan is idhi waa nooc u eeg qaabka military-ka hoolalkooga loo nashaqdeeyo , maadama Hoolka hudheelka ku dhex yaala lagu soo weegaaro deyr-kale taas oo aan lagu arakin hudheelada kale,waxaana nusa-saacihii ama shaahii loo soo galiyay gudaha ..waxa laga faalooday sida ay wax u dhaceen,

waxaan waydiiyay Maxamed kaahin in magaaladda burco ay ka dhacaday doorasho noocan ah ama olole noocan ah oo culays noocaas oo kale leh?

Kaahin waxa uu ku jawaabay may dhicin laakiin shirweynahii dib ula soo noqoshadda Madaxbanaanida Somaliland ayaa ugu weynaa shir ka dhacay halkan kaas oo aan doorasho la galin laakiin dib u heshiisiin ahaa kanaan ku xiga ,,

kaahin oo aan waydiiyay sida uu u arko ragga baxay ee miisaanka ku lahaa xisbiga ee ay saaxiibka ahaayeen waxa uu ku tiraabay isagoo dad badani hareeraha naga taagan yahiin ,

(XISBIGA Kulmiye lug ayaa qalashay waa naafoobay ..laakiin waxaanu u hawlgalaynaa inaanu soo celino ragga cadhooday),

Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Doorashadda Ka dib Hadal uu jeediyay waxa uu u muuqday in uu la dhacsan yahay sida wax u dhaceen oo aanu wax weynba u arkayn raga baxay, anigoo is idhi go’aanka noocana waxa uu u qaatay Khibrada uu ka soo qaatay 40 sano Siyaasada uu ku jiray ee ka dhaca shirarka in lagu xaliyo marar farsamooyin badan oo ay tani ku jirto,

waxa cadho kale sii abuuray ka dib markii gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigu Muuse Biixi Madasha kaga dhawaaqay in la Ansixiyo xubnaha wasiiradda noqonay mustaqbalka ee golaha fulinta loo yaqaano oo 35 ka koobnaa oo 6 ahaayeen hogaanka xisbiga inta kalana ahaayeen Ergooyin la soo xuley oo titles loo sameyay kuwaas oo dhamaa 29 xubnood iyo 6 la taliye ,

sida lagu saleeyay ayaa ahayd in xubnaha xilka haya aan la dooran sida xildhibaan iyo wixii la mida, waxaana liiska golaha fulinta iska dhexwaayey xubno badan oo ay ka mid ahaayeen ragii hagayey shirka ama shirgudoonka halka ay ka buuxeen xubnaha qabanqaabada shirka oo ay ka mid ahaayeen abdikariim xinif,Xuseen ahmed Caydiid ,Ahmed Xaashi ODEY ,iyo ragg kale,

la Soco Qaladaadka ay galeen Labada Dhinaca ee isku hayey Nidaamka loo guda galayo doorashadda iyo habka macaanayd ee lagu xalin kari lahaa Dimuqraadiayadda Xisbiga Dhexdiisa ama ay ka baran karaan ASXAabta kale in anay ku dhicin tanoo kale???

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete