Wednesday 20 January 2010

TALO WAXAY KA NOQOTAY INA RIYAALE WAXBA LA XIDHAA WARAYSI DR.CABDI AW-DAAHIR20070802


TALO WAXAY KA NOQOTAY INA RIYAALE WAXBA LA XIDHAA WARAYSI DR.CABDI AW-DAAHIR


Dr.Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee xisbiga mucaaridka ee Kulmiye, ayaa ku tilmaamay xadhigga masuuliyiinta ururka QARAN inuu yahay xadgudub lagula kacay, isla markaana dawladda talo ka noqotay xadhig, kaasoo ah rafadkeedii u dambaysay, waana calaamad lagu yaqaan maamul liita oo kali-talis ah, marka uu waayo taageerada dadweynaha.
Haddaba, wariyaha Jamhuuriya ee Gobollada Bariga Soamaliland oo xalay waraysi dhinacyo badan ah la yeeshay Dr.Cabdi Aw Daahir waxa uu dhacay sidan:
Su�aal: Dr.Cabdi sidaad u aragtaa xadhigga masuuliyiinta QARAN?
Jawaab: Waxaan u arkaa xadhig sharci-darro ah, gef lagula kacay iyo xadgudub loo geystey muwaadiniintii, siyaasiyiintii, aqoonyankii, waxgaradkii iyo halgamayaashii ummadda, waxaanse hubaa in cawaaqibkiisa ay heli doonaan Dahir Ryaale iyo maamulkiisu, ha dhawaato hase dheeraatee.
S/ Maxaad u malaynaysaa inay xukuumadda xadhiggan ku keliftay?
J/ Waa calaamadda lagu yaqaanno maamul liita oo diktaatoori ah markuu sii dhacayo. Wuxuu ogaaday in uu lumiyay taagaaeradii dadweynaha, wuxuu ogaaday in mucaaridaddii xooggaysatay. Talona waxay ka noqotay inuu ku rafto oo miciin ka dhigto xadhig. Waxase la hubaa maalmo waad sii rafan, haseyeeshee bilo badan sii waari maysaan.
S/Waxaa la sheegayaa in dawladdu doonayso in ay masuuliyiintaa xidhan ay ku eedeyso in ay argagixiso yihiin, xiidhiidhna la lahaayeen maxkamadihii, hadday sidaasi dhacdo, maxay kuula muuqanaysaa adiga?
J/ Siyaasiyiintan waaweyn ee lagu xad-gudbay waxay yihiin waa la yaqaan, caalamkaa yaqaan, ummaddaa taqaan. Waa halgamayaashii dalkan, waa dibudhisayaashii dalkan, waa kuwa u taagan isbeddeldoonka. Ujeedaadooda keliya ay la wadaagaan mucaaridka wanaagsan, waa isbeddeldoon dalkan iyo dadkan lagu hormariyo. Ka khasaari doona maaha iyaga, waa kuwa xumaanta iyo qaska u taagan ee maanta maamulka gacanta ku haya.
S/ Tallaabadani deganaansha iyo xasilloonida miyaanay wax u dhimaymayn?
J/ Maalin walba waxa ka soo baxaa kooxdan maamulka haysaa waa wax dalkan burbur iyo khalkhal hor leh u geysanaaya. Mabda�ooda koowaad waa IGAMA QUDHUNTO. Ilaahay baa og waxa uu uga jeeedee, horta nimankan talada hayaa maaha qaar tacab badan ka galay dalkan, arrinkooduna waa ama haysanay oo gacantayada ha ku jirto, ama nagama dambayso. Noqonse mayso, hortiin jiraba waa.
S/ Ma u malaynaysaa in dawladdu taageero ku helayso xadhigga masuliyiinta QARAN?
J/ Haba sheegin, waa rafadkeedii iyo dhammaadkeedii. Taageerana daaba. Waxaa tallaabadaa qaaday qaar badan oo ka horeeyay oo aan maantana meel ay joogaan laga warhayn.
S/ Maxaad talo ahaan soo jeedinaysaa?
J/ Waxaan umadda reer Somaliland u soo jeedinaya in ay midoobaan, isku duubnaadaan, ilaashadaan nabaddooda iyo tacabka badan aad dalka galiseen. Argagax yuu idin gelin cagajuglaynta iyo rafadka maamulkan aynu ku khasaarnay. Maanta ayay soo dhawdahay markaad awoodda lahaydeen. Waa in la xoojiyo mucaaridka isbeddeldoonka, iyadoo loo maraayo habka dimuqraadiyadda iyo doorasho xalaal ah. Waxaanan idiin sheegayaa cabudhintoodu in aanay waqti dheer qaadanayn.
S/ Ma laga yaabaa in xadhigga madaxda QARAN keentay dawlada oo ka cadhootay isku soo dhawaanshaha xisbiga kulmiye iyo ururka QARAN?
J/ Dabcan, labadooduba waa mucaaradad isbeddeldoon ah oo ka mideysan in si dhakso ah loo gaadho himilooyinkii ay ummaddanu higsanaysay ee uu ku guuldaraystay maamulka Rayaale. Waxaase hubaal ah in aanay joojin karayn rabitaanka dadweynaha nooc kasta oo xadhig iyo cagajuglayn ay sameeyaan. guuldarradu iyagay ku dambeynaysaa.




Jamhuuriya Online

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete