Saturday 23 January 2010

Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta markii labaad baaqday 20100123



Hargeysa(Ramaas) Jan. 23, 2010 - Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta markii labaad baaqday ka dib markii ay Golaha ka soo xaadiri waayeen Xildhibaanadii muxaafidka ahaa ee taageera xukuumada Madaxweyne Rayaale ee uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre.

Fadhigii maanta loo balansanaa ayaa waxa ka soo xaadiray 20 Mudane oo kaliya oo ay ku Jiraan Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali.

Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo Mudaneyaashii Golaha yimid hadal kooban u jeediyay ayaa sheegay in maanta oo loo balansanaa in Goluhu fadhi yeesho ay Xildhibaano badani iman waayeen oo ay ka baaqdeen waxaanu tilmaamay inaanu garanayn waxay uga baaqdeen fadhiga.

Guddoomiyuhu wuxuu Xoghaynta Golaha faray inay diiwaan geliyaan Mudaneyaasha golaha yimid iyo kuwii ka soo xaadiri waayayba, waxaanu Xildhibaanada ku wargeliyay inay maalinta barri ee Axada ay u soo diyaar garoobaan fadhigii Golaha.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay Xildhibaanada wuxuu ku bilaabay oo uu akhriyay Suurtul Faatixa waxaanu yidhi “Waxaan Anigu quraanka u akhriyay iyadoo ay fadhiyaan culimadii inoo akhriyi jirtay waxa weeye maanta waa fadhigii labaad ee Golaha lagu kala maqan yahay iyadoo Goluhu fadhi uu lahaa.”

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete