Friday 22 January 2010

Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland 20100122


Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland
January 22nd, 2010

Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland lana soo Hordhigo Doono Congresska Maraykanka

Mas’uuliyiin dawladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha sharciga ayaa sheegay in ay qiimeenayaan waddooyinka loo mari karo aqoonsiga Somaliland.

(Washington DC, Somaliland.Org) Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo dhawaanahanba booqosho rasmi ah ku joogay dalka Maraykanka ayaa intii ay joogeen Maraykanka la kulmay Guddoomyaha Guddida Arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Hadaba waxaa dhawaanahan soo ifbaxaya xogo meelo kala duwan ka imanaya oo dhamaantood tibaaxaya arrimihii ugu waawaynee ee ay kawada hadleen labada dhinaca, waxaana la sheegayaa in arrimaha ugu waawayn ee socdaalka Gudoomiyahu daba socoto dhowr qodod.

Waa ta hore waxay Wasaarada Arrimaha Dibadu ee Maraykanku siinaysay masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka qorshe saraakiisha dawlada Maraykanka u qaabilsan arimaha sharciga ku hawlan yihiin oo la xidhiidha qaabkii ama wajigii dawlada Maraykanku ku caawin lahayd Somaliland si toos ah marka doorashada Madaxtooyada ee dhawaan dhacaysaa dhamaato. Waxayna masuuliyiinta Maraykanu u sheegeen waftiga Kulmiye in Dawlada Maraykanku dhawaan daah furi doonto siyaasad cusub oo ay ku wajahan Somaliland, lana baadhayo dariiqyada sharci ahaan loo mari karo aqoonsiga Somaliland .

Waxaa kale oo la sheegay in kulankii waftigu la yeeshay Congressman Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh siyaasad madaxwayne Obaama ee Afrika ahaa mid lagaga wadahadalay sidii Congressman Donald Payne uu u horkeeni lahaa qaddiyadda aqoonsiga Somaliland Aqalka Kongresska Maraykanka.Wuxuuna u balan qaadayCongressman Donald Payne waftiga uu hogaaminayo Guddoomiye Axmed Silaanyo in qiimayn lagu samayn doono arrimaha Somaliland, wafti Maraykanina uu iman doona dalka wakhtiga doorashada madaxtooyadu dhacayso. Waxaa kaloo la ogyahay in Donald uu u olalynayao madaxbanaanida Koonfurta-Sudan oo dhawaan dawladdu Maraykanku ka soo saartay siyaasada cusub, lana doonayao in afti laga qaado dadka ku dhaqan Koonfurta Suudaan.

Arrinta sadexaad ayaa la dheegay inay la xidhiidho kaalmo xaga dhaqaale ah oo la xidhiidha sidii loo kobcin lahaa geedi socodka dimuqraadiadeed ee Somaliland ka bilaabmay. Waxaana jira warar sheegaya in dawlada Maraykanku ku talo jirto in kaalmo dhaqaale u fidiso xisbiyada mucaaridka ee Somaliland wakhtiga olalaha doorashada socoto, maadaama xisbiga UDUB isagu isticmaalo dhaqaalaha iyo war baahinta qaranka ka dhaxaysa. Kaalmadaas oo la filayo in loo soo marin doono ururada samafalka ee Somaliland iyo Afrika ka hawl gala.

Washington DC, USA

Somaliland.Org

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete