Thursday 21 January 2010

Shirkii kulmiye ee maanta xarunta Burco kadhacay 20090325.


Shirkii kulmiye ee maanta xarunta Burco kadhacay.

Badheedhii kulmiye iyo wajigabixii uu dadweynaha kala kulmay Badhasaabka Burco


Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa manta shir jaraa’id oo aad u balaadhan ku qabtay xafiiskiisa magaalada Burco
Shirkaasi oo ay ka sooqayb galaan xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, garabyada haweenka iyo dhalinyarada ee xisbiga kulmiye iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer Md Sahal Aadan Maxamed,

Ugu horayn waxaa shirkaasi furitaankiisi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka ee xisbiga Kulmiye Md Sahal Aadan Maxamed isaga oo sheegay in sababta ugu weyn ee ay shirkan u soo abaabuleen tahay inay ku taageeraan go’aankii xisbiga kulmiye ka soo saaray mudo kordhintii ay Golaha Guurtida Somaliland mudada lixda bilood ah ugu kordhiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa go’aan kaasi oo uu xisbiga kulmiye ku tilmaamay mid aan dastuurka dalka waafaqsanayn iyo shuruucda dalka utaala,

Md Sahal mar uu kahadlaayey siday u arkaan ka gobol ahaan go’aankaasi waxa uu yidhi “ manta waxaanu halkan isugu nimi in aan dadweynha u cadayno in aanu ka soo horjeedo go’aankii ay Guurtidu mudo kordhinta ugu sameeyeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taageersanahayna go’aankii uu horay xisbugu uga soo saarey hargeysa,
Shucuubtayadana u tusno cidkasta una cadayno in arintan soo jiitantay, tacbaanka ah, ee qayral dastuuka ah ka soo horjeedno ,
Markale isagoo hadlkiisii wata Md sahal waxa uu yidhi “ kama yeelayno cabudhinta, cagajuglaynta, xadhiga lagu hayo saxaafada ee uu wado xukunkan tabarta yare e wakhtigiisi 4 cisho ka hadhay”

Mar uu kahadlaayey Md sahal Gudida nabadgalyada ee Gobolka Togdheer iyo maamulka Gobolka ayuu sheegay in maamulkii gobolku uu dayacay masuuliyadiisi ayna noqdeen u adeegayaal xisbiga talada haya ee UDUB
“ waxaan leeyahay maamulka Gobolka in aydaan matalin dadweynaha maadaama aydun mateshaan UDUB”

Dr. cabdi aw-daahir oo isna ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in xisbiga kulmiye sinaba u aqbalayn go’aanka Guurtida

wixii 6 April 2009 ka danbeeyana aanay madaxweynha iyo ku xigeenkiisa u aqoonsanayn madaxweyne iyo ku xigeen ee ay u aqoonsanyihiin Gudoomiyaha iyo G/kuxigeenka xisbiga UDUB

go’aankii guurtiduna uu ahaa go’aan xanbaarsan burburin iyo maroorsi kaasi oo aan danta ummada meelnaba ka soogalayn,
halka uu ku tilmaamay go’aanki xisbiga kulmiye mid ku dhisan dabta ummada

Dr .cabdi aw-daahir waxaa kamid ahaa hadaladiisi “ mawqifkii iyo go’aankii guurtidu wuxuu ahaa mid ku dhisan burburin iyo maroorsi shuruucdii dalka ayaana lagu gafay. Go’aanka xisbiga kulmiyena waxa uu ku dhisanyahay wax hagaajin, badbaada ummada iyo rabitaanka shacabka, waar maxay dadweynuhu markhaatiga u furi la’yihiin,

Loo kordhi oo loo kordhiye miyaa lagu sii wadayaa ma ilaa waxa uu rabaa inuu 21 sano ee ina siyaad loou kordhiya uun,
Ina Siyaad Bare waaba uu dhaamay kan oo isagu waxa uu qabtay ilaa 5 doorasho oo uu isagu kaligii musharax ahaa kuwaasi oo intuu goboladda kala geeyo hadhawna o dhan jiray waxaan ku fooday 99% laakiin kani waxaabu yidhi doorashoba dhici mayso oo 82 nin uun buu leeyahay ii kordhiya,

Dr cabdi aw-daahir mar uu kahadlaayey dayaca iyo xilgudasho la’aanta uu sameeyey maamulka madaxweyne riyaale waxa hadaladiisi ka mid ahaa ‘ dalkan waxaa ka qabsoontay saddex doorasho, doorashadii dawladaha hoose iyo doorshadii madaxweynha lacagtoodii lagu qabanlahaa waxay ahayd mi lasii diyaariyey oo marxuumkii [ madaxweyne Cigaal] ayaa sii diyaariyey oo riyaale iyadoo diyaarsan ayuu meesha yimi markaa bal qiime hadii daahir riyaale ay ku soo beegmi lahaayeen may qabsoonteen waayo tii uu joogay ayaa ilaa iyo imaka aan dhicin oo marba uu wax ku cudurdaaranaayaa mar uu yidhaa qaarbaa na qarxiyey,jiilaalba jira, barwaaqa jirta serfarkiiba aan dhamaanin marba meel buu eeda saaraa, koomiishanku waa siidhi wale ee doorashada waxaa ka masuula dawlada iyadiina waxay leedahay siidhi walayaashii baanu u diray oo aan wali soo dhamayn, waxaan leenahay daahir riyaale waar kubba kilikilada ka soo saar oo dhulka dhig halagula ciyaare”









Kadib intaas waxa uu Dr aw-daahir soo bandhigay barnaamijka xisbiga Kulmiye ee uu wakhtiyada u horeeya ee u qorshaysan haday talada dalka qabsadaan




1. waxaanu 4 bilood ee u horeeya ciidamada qaranka iyo kuwa police kalabadaba waxaanu u samayn doonaa darajooyin mushahaarkana waanu u kordhinaynaa, madaxweynahan koofiyad casta watana waanu ka daynaynaa oo wuxuu noqondoona madaxweyna dalkoo dhan mara oo civil ah




2. xoolahan ninka kaliya kootada lagu siiyeyna waxaanu ka dhigayna kuwo ay dhoofinkaraan tujaarta dalka iyo shacabkuba

3. wershada SIBIDHKA ee berbera waxaanu u ogalaandoona inay ganacsatada dalku maalgashato oo la furo
4. waxaanu samayndoona shaqo abuuris, macaliimiinta,iyo jamacadaha ayaanu aad wax uga qabandoonaa




5. cashuur dhimis baanu samaynaynaa




6. waxaa la xadidayaa mushaharka madaxweynaha ee xad dhaafka ah




7. giinbaarta burco waanu badalidoona









waxaa isna hadal kooban oo xikmadaysan soo jeediyey gudoomiyaha wal bari, waxaana uu ilaahay ugu baryey in BAARLAMAANKA dalka bal nasakhan haysta alle ka qaado oo ay gartaan waajibaadkooda









shirkii oo halkaa maraya ayaa waxaa mikirifoonka lagu soo dhaweeyey Faarax Xadhigle oo la sheegay inuu hayo war degdega oo markaa soo gaadhay shirka waxaanu yidhi “ waxaa imika isoogaadhay in Golihii wasiiradu xalay shiray go’aana ay soosaareen ah in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo 4 G/kuxigeeno la soo xidho”




hadalkaasi oo buuq iyo cadho badan ka dhex kiciyey dadweynihii shirka ka soo qaybgalay balse markii danbe iska qaboobay iyo gudida nabadgalyada gobolkuna ay soo sareen go’aan ah inaan cidina wax muda haraada samayn Karin









gabagebadii shirka waxaa soo xidhay gudoomiyaha xisbiga ee Burco Md sahal Aadan waxaana uu ku soo gebagebeeyey hadal iskugu jira waano iyo hanjabaad ‘ waxaan leeyahay gududida nabadgelyada ee waraaqaha marba noosoo qoraaya dadweynaha ma meteshaan nabadana dadweynha ayaa ilaalinaaya ee iska jira inaad dadweynha cabudhisaan, waxaan leeyahay




INA BIINOW waa inoo 6 april”









Shirkaasi oo si habsami ah u dhamaaday mana jiraan wax rabshado ah oo uu sbabey shirkaasi oo markii danbe aad moodaysay isu soobax sababtoo ah waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan














Weriye: c/fataax siciid jaamac




Burco,Somali

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete