Saturday 23 January 2010

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Deedafeeyay Hadal ka Soo Yeedhay Ku Xigeenkiisa.20100123


Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Deedafeeyay Hadal ka Soo Yeedhay Ku Xigeenkiisa.
“Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waa Murashax Madaxweyne, Xisbi iyo ummad dhan ayuu ka wakiil yahay, Anaga Sharaf ayuu Naga Mudan Yahay”.
“Wax la Yidhaahdo ha Lagu Joojiyo iyo ha lagu Dhaleeceeyo midna ma Hayno”



Hargeysa(Ramaas) Jan. 23, 2010 - Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay hadal ka soo yeedhay Wasiir Ku Xigeenkiisa Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Keyse) oo sheegay inaanu dalka dib ugu soo laaban karin Guddoomiyaha KULMIYE haddii aanu raali gelin ka bixin wax uu ugu yeedhay mab’diisa Faderaalka ah.

Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu sheegay in Axmed Siilaanyo uu yahay duq weyn oo Somaliland u maqnaa kana mudan Xukuumada Somaliland sharaf.

Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa waxaanu ka hadlay hadalka ka soo yeedhay Wasiir Ku Xigeenkiisa waxaanu yidhi “Waxa weeye arrintaasi arrin xukuumada ka suurto gasha ma aha, arrin xukuumada ka timidna maaha, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE maanta waa murashax Madaxweyne, xisbi iyo ummad dhan ayuu ka wakiil yahay waa muwaadin reer Somaliland ah Anaga sharaf ayuu naga mudan yahay. Taariikhda iyo aragtida dadka ayaa sheegaysa waxa uu yidhaahdo iyo qiimayntiisa. Anagu wax maanta la yidhaahdo ha lagu joojiyo iyo halagu dhaleeceeyo midna ma hayno,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waa odaygaas naga mudan sharafta waxaanu rajaynaynaa inuu dhakhsana dalkiisa ugu soo noqdo haddii uu dibad ku maqnaana uu wanaag dalka ka sheegay oo uga hawl galay qadiyada Somaliland cidii uu arkayba waxaanu ognahay inuu la kulmay Donald Payne.

Waxa kale oo aanu ognahay inuu arkay ninka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia/Somaliland waxaanu rajaynaa inuu ahaa duq u maqnaa qaranka, marka uu yimaadana uu noo waramo oo uu na soo maro oo uu xidhiidhada dawladaha halka ay marayso warbixin naga siiyo.”

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu ka waramay socdaaladii uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti waxaanu tilmaamay inay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo wadamada gobolka.

Wasiirka arrimaha dibada oo la weydiiyay aragtidiisa la xidhiidha warar sheegayay in Madaxweynaha Jabuuti uu dagaalo ka abaabulayo gobolada barriga Somaliland gaar ahaan magaalada Laas-caanood waxaanu yidhi “Horta waa nasiib darro oo waa warar aan jirin oo aan sal iyo raadtoona lahayn. Oo waliba nin madaxweyne ah oo ah dal jaar ah oo la isku xidhan yahay in la aflagaadeeyo. Ismaaciil-na kama suurto gasho arrintaasi, wax olale ah oo aanu odhan karno dawlada Jabuuti waxaasi ayay wadaa kumaanu arag. Waxaan odhan karaa illaa halgankii gacan saar ayaa naga dhexeeyay. Todobaadkii u dambeeyay Wasiiro labada dal ah ayaa ku shirayay Degmada Saylac.”



Ramaasnews Desk

Hargeisa

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete