Tuesday 26 January 2010

garaaddada dhulbahante iyoshirkii Hoholhol 20100126


“Anaga Cidi Nagama Joojin Karto Shirkayaga Hadalkoodana Ma Qaadanayno, Meelahaasi Ayaanay Warwareegayaan” Garaad Saleebaan

HOLHOL, January 26, 2010 (Haatuf) – Shirqoolka shirka tuulada HOLHOL uga bilaabmay Garaadada beesha Dhulbahante oo la sheegay in loo qabtay arimo ku lidi ah qaranimada somaliland isla markaana lagu mijo xaabinayo jirintaanka Somaliland ayaa iskugu tagay wafti ka socda somaliland oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada somaliland oo ay weheliyaan wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) wasiiru dawlayaasha waxbarashada Maxamud Garaad Maxamed, Kaluumaysiga Cabdi Xirsi Ducaale, wasiir ku xigeenka hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul iyo siyaasiga Axmed Cabdi Maxamud (Xaabsade) iyagoo isla shalay galabna ay gaadheen wafti ka socda Maamulka Puntland oo uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka maaliyada C/qawdhan warsame ( cabdi halas) oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland oo kasoo jeeda dhalasho ahaan gobolka Sool.

Shirkaasi uga socda Garaadada Dhulbahante ee Somaliland diidka ah tuulada HOLHOL ee dhinaca waqooyi bari magaalada Laascaanood uga jirta masaafo dhan 70km isla markaana ay ku gadaaman yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaasi gobolka Sool ayaa waxay markii ugu horaysay Garaadada Beesha Dhulbahante ee shirkaasi abaabulayaa ay shaaca ka qaadeen inaanay cidna u daba fadhiisanayn qabsoomida shirkoogaasi kuna tilmaameen inaanay dawlada Somaliland marnaba aanay ka joojin Karin shirkoodaasi.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulanka isimada beesha Dhulbahante oo ka waramaya kulankooda ayaa sheegay in aanu shirkani ay iskugu yimaadeen dhamaan isimada beesha Dhulbahante aanu la xidhiidhin dhinacyada siyaasada, isagoo intaa ku daray inay shirkan kaga wada tashanayaan sidii ay isimada beesha Dhulbahante u midoobi lahaayeen isla markaana arimahaa ku saabsan dhaqanka iyo deganaanshaha deegaanka “Waxa loogu baaqay dhamaan isimada beesha Dhulbahante gude iyo dibadba, isimadiina way joogaan, shirkaasina wuxuu ku saabsan yahay ka tashiga midnimada Dhulbahante waana shir aan siyaasad shaqo ku lahayn oo loogu talo galay arimaha dhaqanka isimada beesha Dhulbahante oo kaliya, waxaana ka soo qayb galay isimadii oo dhan shirkiina wuu socdaa haatana gabogabo ayuu ku dhaw yahay qodobada go’aanka ka soo baxana saacadaha soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa”
dhinaca kale Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamud oo ka mid ah Garaadada Somaliland-diidka ku caanbaxay oo isna ka mid ah Garaadada goobta ku sugan oo warbaahintu wax ka waydiisay ciidamada Somaliland ee ku gadaaman goobta, in shirka laga joojiyey iyo in kale ayaa sheegay inaanay cidina ka joojin Karin shirkooda isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “anaga cidi nagama joojin karto shirkayaga hadalkoodana ma qaadanayno, meelahaasi ayaanay wareegayaan gabogaboda shirkana wixii go’aan ah ee kasoo baxa Media ayaanu ka sheegaynaa, bari (maanta) ayuu soo gabogaboobaya marka shirku dhamaado ayaa go’aamada la sheega, shirka oo socda waxba lama sheego”

Dhinaca kale waxa ay dadwaynaha reer Somaliland is waydiinayaan sababta ay madaxda qaranka Somaliland ee ku sugan shirkaasi ay uga hadli waayeen arimahan ku lidiga ah Somaliland ee ka soo yeedhaya Garaadada gobolka Sool, iyadoo wakhtigan xaadirka ahna lays waydiinayo sababta keentay madaxda Somaliland iyo kuwa Puntland ka socda ee shirkaasi iskaga milmay iyo asbaabaha ay xukuumada Somaliland uga aamusan tahay weedhaha kulkulul iyo hanjabaadaha kasoo yeedhaya xubnaha Garaadada ah ee iskugu yimid shirkaasi HOLHOL oo iyagu meelkasta ka sheegay in Somaliland ay dagaalo culus la galidoonaan, isla markaana ay ka xorayn doonaan deegaamada Gobolka Sool.

Dhinaca kale Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu doraad tuuladaasi HOLHOL markii ay ciidamada qaranka Somaliland soo galeen uga baxay tuulada Saalax dheer ayaa la sheegay inuu shalay galab dib ugu soo noqday tuuladaasi shirku ka socdo ee HOLHOL.

Garaadada shirkani u socday ayaa waxa ka mid ahaa Garaaad Abshir Saalax, Garaad C/laahi Ciise, Garaad Cismaan Mashqare, Boqor C/laahi Maxamed , Garaad Cali Buraale, Garaad Saleebaan Buraale iyo Suldaan Siciid Ismaaciil.

--------------------------------------------------------------------------------

No comments:

Post a Comment