Tuesday 26 January 2010

Axmed-Siilaanyo Oo Ka Hadlay Amarkii Dhicisoobay Ee Ay Xukuumadu Ku Fartay Inuu Cafis Dalbado 20100126

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun

Axmed-Siilaanyo Oo Ka Hadlay Amarkii Dhicisoobay Ee Ay Xukuumadu Ku Fartay Inuu Cafis Dalbado .....
Sunday, 24 January 2010
Axmed-Siilaanyo Oo Ka Hadlay Amarkii Dhicisoobay Ee Ay Xukuumadu Ku Fartay Inuu Cafis Dalbado Iyo Soo Jeedimihii Madaxweynaha : Ohio(Geeska) -Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay eedo xukuumaddu ugu jeedisay kullan uu la yeeshay gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka Xildhibaan Donald Payne iyo waraysi uu dhawaan bixiyay oo uu ku soo qaaday waqtigii halganka ee SNM in arragti ahaan ay u dagaalameysay xoraynta dalkii Soomaali oo dhan.





Gudoomiye Axmed Siilaanyo oo labadii todobaad ee ugu danbeeyay-ba ku sugnaa dalka Maraykanka, ayaa xukuumaddu waraysiyadda iyo kullamada uu halkaa ku yeeshay waxaa ay ka bixisay Tafsiir ay si toos ah iyo si dad-babanba ugu sheegtay inuu aaminsan-yahay nidaamka federaalka ah oo aan ummadda Somaliland jeclayn. “Arrintaasi waa arrin lagu qoslo weeye.. maxaa keenay, in aanu waddno federaal, Marka aanu dawladii aduunka ugu weyneyd (Maraykan) u soo jeedinay in ay danayso Somaliland. Federaal ma wadno’e, waxaanu waddnaa Somaliland. Somaliland baanu u taaganahay, Somaliland anaga ayaa keenay, Somaliland anaga ayaa dhisney. Somaliland ayaanu hurumarkeeda, wax u qabashadeeda iyo Ictiraafkeedda u dagaalamaynaa una hawl-galaynaa.

Dawlladu wixii ay gaadhi weyday, xilkii ay ka baaqsatay markii aanu fulinay ayaa hinaase ka yeedhsiinayaa arrintaa..” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha KULMIYE oo xalay Wargeyska Geeska Afrika khadka Telefoonka ugu waramay isaga oo jooga waddanka Maraykanka gobalka Ohio.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta xukuumadda ee Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Eedaha u jeediyay, kaasoo sheegay in uu ku kacay Qaran dumisnimo, Islamarkaana waxaa uu gaadhsiiyay in uu dalbado cafis haddii kalle aanu dalka dib ugu soo laaban doonin. Haddaba su’aal arrintaa aanu ka weydiinay Gudoomiyaha KULMIYE waxaa uu sheegay in aanu mansab ahaan istaahil ahayn inuu u jawaabo ninka haddalkaasi ka soo yeedhay. “Kaasoo kalle in aan annigu u jawaabo igama istaahillo....” Ayuu yidhi, waxaana uu su’aal kalle oo isla arrintaa laga sii weydiiyay iyo waxa uu ka leeyahay haddii Xukuumadu kulla socoto go’aankaasi oo uu yidhi. “Haddii ay xukuumaddu kulla socoto waa ayaan darro laakiin, waxaan maqlayaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa war kalle soo saaray...waxaa uu ninkaasi ku hadlay ayaan wax lagu hadlaba ahayn, markaa haddii dawladu xilkas-tahay waa in kaasoo kalle talaabadda ku haboon laga qaado.”

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa dhawaan shir uu saxaafadda u qabtay waxaa uu ugu jeediyay qurba-jooga Somaliland in aanay u dhegtaagin hadalka mucaaradka, islamarkaana aanay dhaqaale ku bixin sida uu hadalka u dhigay kala qaybin xisbiyada mucaaradka ahi bulshada ka dhex wadaan. Sidaa darteed, su’aal arrintaa laga weydiiyay Gudoomiyaha KULMIYE waxaa uu yidhi. “Dad-weynaha dibadu haddalkaa ka dhageysan maayaan.

Dad-weynaha dibadu Iyaga ayaa na soo dhaweynayay, iyagaa xiisaynayay oo na dhagaysanayay.

Dad-weynaha dibadda dalka wax ugu dhimani ma jiraane 100% waa ogyihiin. Cidda horumarkiisa iyo dimuquraadiyaddiisa waxba ka qaban-weyday waa og-yihiin, cidda sababtay dibu dhacyadda doorashooyinka waa og-yihiin, cidda dadka lugoynaysa waa ogyihiin. Markaa dadweynaha kama qarsoona taasi, ha taageerinana haddal maaha. Dadweynaha taageeradda aanu ka helay, sida ay noo garab istaageen iyo balan-qaadka aanu ka helay iyo sidda ay u danaynayaan dalka horumarkiisa guud ahaan iyo in uu is bedel yimaadaba waa mid aad iyo aad u weyn sababaha lanagu soo dhaweynayo ayay ka mid-tahay, dadkuna waxay aad iyo aad noogu guubaabinayeen in dalka aad mar horeba is bedel ka sameysaan ayay ahayd, aad ayay u deg-degsanayaan oo u jecelyihiin inay arkaan dalkii oo is bedel ku yimi.”Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha KULMIYE waxaa kalle oo la sii weydiiyay arrinta la xidhiidha doorashooyinka Isu soo dhawaanaya ee Baarlamaanka iyo arrinta dawladaha hoose oo ka mid ahayd qodobadii Madaxweyne Rayaale ku soo qaaday shirkiisa. Waxaana uu kaga jawaabay oo uu yidhi. “Walaahi wuxuu uga dan leeyahay maan garran, dalkana kumma sugni oo qolyihii kalle waa joogaan. Laakiin, waxaan uun ognahay waxaa weeye, markii horana waxyaabaha loo soo hormariyay doorashadda Madaxweynaha ileyn mar walba isaga yaa dib u dhigayay doorashooyinka oo sababtooda lahaaye.

Waxayaabaha doorashadda madaxtooyada loo soo hormarinayay ee aan loogu qaldayn doorashooyinka kalle sababo ayaa jiray, sababihiina meesha kama ay bixin, Oo waxay ahayd in aan doorashadda madaxtooyadda lagu qaldin kuwa kalle, haddii lagu qaldana dabeecadii doorashadu lahayd oo dhan ayaa is bedelaysa, ujeedada uu ka leeyahayna waa taas.

Taana hore, ayaa go’aan looga qaatay oo meel la dhigay, oo meeshii ayuu yaalaa wax lagaga noqdaana ma jiraan. Mudnaantiina halkii ayay taalaa. Markaa, waxaanu anagu waxaanu u arkaynaa waxaan iyo qaskan lagula dhex jiro guurtida... inay waxaasoo dhami daaran-yihiin in la raadiyo sababo kalle oo mar kalle doorashadu dib ugu dhacdo ama si kalle isu bedesho,. Laakiin, anagu waxaanu ugu yeedhaynaa oo ummada ku guubaabinaynaa isagana aanu leenahay, doorashadaa madaxtooyadda wax lagu qasaa yay jirin sidii lagu balamay ha u dhacdo. Guurtida iyo arrimeheedana faraha halagala baxo, dalka xasiloonidiisana hala illaaliyo oo cidda laga ilaalinayaa ha ahaato maamulka maanta jira, xukuumaduna ha sugto inta Komishanku ku dhawaaqayo xiliga doorashadda, si xilkasnimo ahna hawshaas haloo daayo, Aflagaado iyo wax kalle looma baahnee, haddii ay tamar isku hayso hala hortimaado...”

Gudoomiye Siilaanyo isaga oo sii faah-faahinaya aflagaadada uu xusay waxaa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Aflagaadada waxaan uga jeednaa waxaa lanaga sheegayo ee dadka la aflagaadaynayo ee loogu hanjabayo ee Maxamed Xaashi ka mid ahaa arrimahaas oo dhami ka mid weeye.”

Gudoomiye Siilaanyo waxaa uu sheegay in socdaalkiisani wax badan u soo kordhiyay Somaliland, islamarkaana illaa hadda uu meel fiican u marayo. “Howlahayagu meel fiican ayay marayaan, gobollo kala duwana waanu soo maray. Bisha 8-deedii ayaanu nimi Maraykan, illaa intaana, Baarlamaanka dadbaanu ka arragnay, arrimaha dibadda waanu arragnay, shirar badan ayaanu qabanay oo doodo badan aanu ka galay, oo aqoon-yahano badan, madax badan iyo dad badan oo Somaliland daneeyaaba ay isugu yimaadeen. Xildhibaano Baarlamaanka ah ayaanu arragnay. Immikana Ohio ayaanu joognaa, shirkii ugu danbeeyay caawa (Xalay) ayaanu qabanaynaa, hawllo wanaagsan ayaanu qabanay dadkuna xoog ayay uga qayb-galayeen oo u daneynayeen shirarkayaga reer Somaliland iyo madaxda kalle ee aanu arkaynayba. Waxaanan u arragnaa in aanu Somaliland magac weyn u soo haynay oo ay u baahnaayeen socdaalkan dalka iyo dadkuba.”

Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha KULMIYE waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Qodobadda ugu waa weyn ee aanu kala hadalay (Maraykanka) waxaa ka mid ah in lanaga caawiyo horumarinta dalka iyo xoojinta nabadgelyadda, dimuquraadiyadda iyo ictiraafka intaba aad ayaanu ugala hadalay qadiyadeenana aad ayaa loo danaynayay, taasina xiisaha badan iyo su’aalaadka badan ee lanaga weydiinayay qadiyadeena ayay nooga muuqatay.”


Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete