Wednesday 27 January 2010

Xukuumadda Rayaale oo la Sheegay inay Qorshaynayso Mudaharaad ka Dhan ah Guddoomiyaha KULMIYE

(Dhinaca midig ee u codee siilaanyo, Faysal, Rayaale mid uun)




(Dhinaca midig ee u codee siilaanyo, faysal, Rayaale)

Xukuumadda Rayaale oo la Sheegay inay Qorshaynayso Mudaharaad ka Dhan ah Guddoomiyaha KULMIYE
KULMIYE oo Qaabilay Masuuliyiin iyo Taageerayaal ka Goostay UDUB



Hargeysa (Jam)-Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay inay ku hawlantahay mudaharaad ay doonayso inay kaga hortago Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo oo toddobaadka la filayo inuu dalka dib ugu soo laabto, kadib socdaalkiisa dalka Maraykanka uu ku joogo.

Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka gobollada galbeed ee KULMIYE Md. Baashe Cabdi Gabboobe, ayaa sheegay inay balaf ku hayaan in xukuumaddu abaabulayso mudaharaad ay kala hortagto Guddoomiye Axmed Siilaanyo marka uu dalka ku soo noqdo, taas oo uu uga digay haddii ay samayso.

Md. Baashe Cabdi Gabboobe oo shalay ka hadlay xaflad xisbigoodu hudheelka Summer Time ee magaaladda Hargeysa ugu qabtay masuuliyiin iyo taageerayaal xisbiga UDUB ka soo baxay, waxa uu sheegay inay layaab tahay xukuumadda oo hore u diidi jiray mudahaarada dastuurku fasaxay inay iyada laftoodu ku kacdo, arrintaas ay sabab u tahay iyadoo khalkhal iyo jahawareer ka qaaday socdaalka Guddoomiye Siilaanyo ku marayo dalka Maraykanka.

“Arrin kale ayaan uga digayaa xukuumadda iyo qolada UDUB, waxaynu ognahay in Guddoomiyaha KULMIYE socdaal ugu maqan yahay dalka Maraykanka oo uu la kulmay masuuliyiin dawladda ka tirsan oo danihii Somaliland ka soo dhaadhiciyey, xukuumadda Rayaale hinaasihii ay ka qaaday waynu maqlaynaa oo maalin walba wasiir baa hadla oo haddana mid kale ayaa buriya, waa madax wareerkii ay ka qaaday. Iminka Guddoomiyihii wuu soo socdaa, xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisuna way u diyaargaroobayaan, laakiin waxaan maqlay waxay abaabulaysaa xukuumadda UDUB mudaharaad ku lid ah Guddoomiyaha KULMIYE, waayo dawakhaadan ay qaaday wax walba waxaan u malaynayaa inay u gaysan doonto, dawladdii na odhan jirtay mudaharaadkii dastuurku oggolaa waa mamnuuc, ayaa iminka la ina leeyahay iyadii baa abaabulaysa mudaharaad, waa nasiib-darro, laakiin waxaan leeyhaya UDUB-bay daad baa meesha maraya ee yaanu idinqaadine ha ku soo lugo’ina,” ayuu yidhi Md. Baashe Cabdi Gabboobe.

Waxa kale oo Gudoomiyaha Ololaha gobollada galbeed ee xisbiga KULMIYE Md. Baashe Cabdi Gaboobe uu erayo soo dhaweyn ah u qaabilay dadkaas ku soo biiray, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin laf-dhabartii xisbiga UDUB.

“Waxaan u arkaa taageerayaashan nagu soo biiray inay yihiin laf-dhabartii uu ka dhaqaaqayey xisbiga UDUB oo diiday dhibaatada, dib-u-dhaca iyo horumar la’aanta uu ku hayo dalka xisbiga UDUB, isla markaana waxay doonayaan inay ka qaybqaataan isbeddelka la filayo inuu dalka ka dhaco ee uu hormuud ka yahay xisbiga KULMIYE, gacmo-furana waanu ku soo dhoweynaynaa,” ayuu yidhi Baashe Cabdi, waxaannu intaa raaciyey, “Waxaan idin ballanqaadaynaa wixii aad ka weydeen xisbiga UDUB in aad KULMIYE ka helaysaan, xisbigana taageerayaashii hore iyo kuwiinan cusubi waxaad ku leedihiin xuquuq isku mid ah.”

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ku tilmaamay taageerayaasha ku soo biiray dad ay tabayeen oo qiimo weyn u yeelan doona xisbigooda, isla markaana ay taageerayaashani ahaayeen qaar kaalin muuqata kaga jiray xisbiga UDUB oo ay ahaayeen masuuliyiin xilal ka hayey qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Hargeysa.

“Ciil uun baanan caawa kaga dhimanayn xisbigii, waxaan u malaynayaa ninka maqani waa Cismaan Waxar, saaxiib baanu nahaye waxaan leeyahay saaxiibadaa iska soo raac baa isna leeyahay waxba walaal meesha ma yaalaane,” ayuu yidhi Mr. Xamarji.

Muj. Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah masuuliyiinta KULMIYE oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumadda talada haysaa ay ku hawlan tahay carqalado cusub oo ay ku doonayso in doorashada muddada labada sanno ka badan qabsoomiwayday ay mar kale dib u dhacdo, isla markaana waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan arrimahaasi.

“Inagoo og in waqtigii doorashadu dhici lahayd laba sanno la soo dhaafay, maantana waxaynu arkaynaa in carqalado la doonayo in dib loogu sii dhigo doorashadu ay jiraan, waxaana u dambeeyey markaynu ka nimaadno aflagaadooyinka loo gaysanayey madaxdii dalkan soo xorraysay ee diyaarka u ah inay xukunkiisa qabtaan, waxa iyana meesha taala arrinta laga wado Golaha Guurtida. Waxaan dadweynaha gaadhsiinayaa in aynu dhammaanteen ka dhiifhino carqalada xukuumaddu ku wado dalka ee ay kaga talinayso burburkiisa iyo baaba’iisa innaga oo u igmanay dhismihiisa iyo horumarkiisa, oo arrintaa Guurtida laga wado aynu si cad haddii aynu nahay dadweynaha meel uga soo wadajeesto, waynu arkaynaa halka ay inagu wado xukuumaddaniye,” ayuu yidhi Axmed Muxumed Madar, waxaannu intaa raaciyey, “Xukuumaddu isheena ayey u dhacday, innagana waxay inaga ahayd xukuumaddiina taageera oo wanaajiya si ay dalka wax ugu qabato, waxaynu se ka dhaxalnay in aynu ka dhaxalno heerka aynu maanta marayno ee aynaan iskaga sheekaynayn, waxaannu leenahay inta aad dhibaato na gaadhsiiseen nagu filan ee wax dambe oo aannu idinka oggolaanaynaa ma jirto ee ku talogala, wixii Ilaahay idiinka qorayna dalkan ka qaadatee na dhaafa.”

Qaar ka mid ah xubnaha xilalka ka hayey UDUB ee ku soo biiray KULMIYE oo xafladaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababihii ku kelifay inay xisbigooda ka digo-rogtaan.

Gudoomiyihii hore ee Garabka Dhalinyarta degmada 26-ka June xisbiga UDUB Mr. Fu’aad Ibraahim Kooshin, ayaa sheegay in muddo sideed sannadood ah oo ay ka mid ahaayeen xisbiga UDUB, ku dadaaleen sidii ay umadda quluubtooda ugu soo jeedin lahaayeen xisbigaasi, isla markaana xukuumaddu u noqon lahayd mid waxqabad la taaban karo ka geysata baahiyaha taageerayaasha, hase ahaatee waxa uu sheegay aanay taasi dhicin.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Garabka Haweenka gobolka Hargeysa ee KULMIYE Marwo Layla Cismaan qaar ka mid ah xubnaha ku soo biiray oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyihii Degmada Maxamuud Haybe Xasan Axmed Caawiye, Guddoomiye-ku-xigeenkii Maxamuud Haybe Yuusuf Koosaar Xasan, Faadumo Aadan iyo Khadra Maxamed Mire, kuwaas oo sheegay in xisbigoodii uga soo baxeen markii ay arkeen in aannu wax horumar ah soo wadin.






Jamhuuriya Online

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete