Thursday 21 January 2010

Isu soo bixii Burco ee Xuska Aasaaska Jabhadda SNM (6/Abril/2009) iyo Wasiir lagu qayliyey 20090406




Isu soo bixii Burco ee Xuska Aasaaska Jabhadda SNM (6/Abril/2009) iyo Wasiir lagu qayliyey PDF | Print | E-mail
Monday, 06 April 2009
Burco/Sallaxleynews-Isu soo bax balaadhan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan dadweynaha ku nool magaaladan Burco ayaa saaka lagu qabtay xarunta xisbiga Kulmiye ee Gobolkan.
Isu soo baxan ayaa lagu xusaayey maalintii la aas aasay ururkii Dhaq-dhaqaaga Wadaniga Somaliyeed (SNM) 6 Abril sanadkii 1981 sidoo kalena waxay ahayd maalinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ku calaamadeeyey inaanu aqoonsan doonin maamulka madaxweyne Rayaale.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen madaxda kala duwan ee xisbiga kuna sugan G/Togdheer,waxa isugu ymid dadweyne aad u tiro badan oo sita Boodhadh iyo calamo ay ku qoran yihiin ereyo lid ku ah xukuumada dalka ka talisa.
Halku dhegyadaas ayey ka mid ahaayen:-
• Riyaale waa danbiile caadayste ah.
• Waxaan ubaahanahay isbedel cusub ee nabasdgelyo Rayaale.
• 6 Abril wixii ka danbeeye majirto Xukuumadi.
• 6 Abril ka dib bixin mayno Cashuur.

Masuuliyiin badan oo isugu jirta Xildhibaano Golaha Wakiilada, Gudiga horumarinta Gobolka Siyaasiyiin iyo Madax kaleba ayaa iyagu joogay isku im aatinkan, waxaanay qudbado u jediyey qaar ka mid ahi Bulshadii kala duwanayd ee tubnayd barxada iyo hareereha xafiiska kulmiye.

Dr. Cabdi Aw Daahir Cali wuxuu ka mid ahaa masuuliyiinta la hadashay dadweynaha, waxaanu ugu horeynba ka waramay dhibaatooyinkii uu xukunkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre kula kicijiray umada iyo waxyaalihii keenay in la aas aaso cid caabida.
Waxa kale oo uu ku dheeraada isbedeladii ka danbeeyey dawladaasi iyo sidii ay u oofiyeen waajibaadkoodi. Dr. cabdi waxaa ka mid ahaa hadaladiisi:- "sadex xukun ayaa isaga danbeeyey dawladii hore. markay SNM qabsatay dalka 2 sano ayey xukumaysay, waajib keedi way garatay oo waxay ku wareejisay shir beeleed. Dawladii shir-beeledka ahayd waxay haysay 1993ilaa 2003. sidoo kale iyana waxay xilkii ku wareejisay dawladii doorashada ku timid ee Daahir Riyaale Kaahin ka madaxda ahaa, taas oo wakhtigeedi ku dhamaaday 2008.Hadaba labadii qoloba waajibkoodi way fuliyeen, maamulka maantuna wuxuu marayaa markii sadexaad ee loo kordhiyo. Xisbiga Kulmiye nabadgelyo xumayn maayo, Askartani waa askartoodi, kelmaduu leeyahay xisbigu waxa weeyi waar dooraashadii aynu ku balanay hala qabto.
waxaan kusoo gebe-gebaynayaa maanta maalinteedi maaha, go'aankiina waynakii qaadanay. 6 Abril bay ku dhan tahay tii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu.

7Abril kumaan darin, maantase taladu gacantooday ku jirtaa, anigu waxaan odhan lahaa waxay ku jirtaa qodobadeenee hala tashado, kulmiyana ma diidana. waa inaan wada tashano, si fiican u wadahadalno, aayaha dalka eegno, idinkuna aad iska daysaan bambadaa aad tidhaahdeen waan idinku qarxinaynaa. anagu waxaanu nahay Bayloodka hagaaya, kaaso dulqaadanaya samraayana, ee rakaabka aan sidno aan badbaadino.
Taladuna waxay ka go'daa madxweyne rayaale ee hala tashado maanta.maanta maanta. maanta. maanta. maanta. maanta. maanta".

waxa kale oo ay madaxdii kala duwanayd ee goobtaas ku Sugnayd ay Bulshadii kala duwanayd ay u sheegeen inay nabadgelyada iyo Xasiloonida ilaaliyaan, iyagoo ku tilmaamay inay dan u tahay umada.

Dhanka kalena lagu mudaharaaday wasiirka wasaarada Warshadaha iyo ganacsiga md.Maxamed Saleebaan Maxamed oo ka soo qayb galay xuskaas, waxa uuna kala kulmay dhagax ciid iyo waliba cay dadweynihi gadoodsanaa ee halkaa ku sugnaa.
Wasiirku waxa uu ahaa masuulka keliya ee xukuumada ka joogay, weji gabax-na meesha kala kulmay dadka meesha joogay oo muuqday qaar taageero aad u baaladhan u haya xisbiga mucaardka ah ee kulmiye, dhinaca kale waxaa iyaguna.

Wasiirka waxa kala baxay meeshaas ciidamada nabadgelyada oo si aad ah u ilaalinaayey kulankan,oo iskuna dayey markii hore inay joojiyaanba soo baxan, balse mari waayey dadweynihii halkaa isugu yimid.

Ugu danbayn isu soo baxan ayaa ku dhamaaday si nabadgelyo ah, guud ahaan jawiga Burcana aad ayuu u degan yahay inkasta oo ay ciidamada amaanka oo aad u qalabaysani tuban yihii meel kasta oo magaalada ka mid ah

Reportedby:Saado Cabdilaahi Xasan
Sallaxleynews, Burco/S/land
Hooyo_one@hotmail.comThis e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete