Wednesday 20 January 2010

BURCO:SHIRKII XALAY IYO HESHIISKA WADAAGISTA XISBIGA KULMIYE20070619


BURCO:SHIRKII XALAY IYO HESHIISKA WADAAGISTA XISBIGA KULMIYE


Kulan la sheegay in heshiis lagu gaadhay ayaa xalay ku dhex maray hoteelka City palaza ee magaalada Burco xulufo ka soo jeeda beesha galbeedka Burco iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, saraakiil iyo odayaal ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ka soo jeeda beesha Bariga Burco.

In kasta oo kulankaas la sheegay in uu ahaa mid saxaafada aad looga fogeeyay, islamarkaana aanay jirin xogo si toos ah uga soo baxay oo saxaafadda la siiyay, haddana, sida ay tibaaxeen xogo aanu ka soo xiganay ilo xogogaal ah oo aad ugu dha-dhawaa kulankaasi, waxa la sheegay in ay ka qayb galeen dhowr iyo toban xubnood oo ay iska dhex doorteen xulafada mucaaradka ah ee beesha Galbeedka Burco, kuwaasoo qaarkood ay horeba uga tirsanaayeen xisbiga KULMIYE, sida Dr. Cabdi Aw Daahir. Balse, waxay ilahaasi tibaaxeen in badi xubnaha kale ka soo jeedeen mucaaradka Ururka Qaran ee Gobolka Togdheer iyo wufuud ka tagtay magaalada Hargaysa.

Dhanka bariga Burcana sida ay ilahaasi tibaaxeen waxa shirkaa ka fadhiyay dhowr iyo toban xubnood oo isugu jiray odayaal, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE. Sida ay tibaaxeen xogo aanu si dadban uga soo xiganay ilo lagu kalsoon-yahay, kulankaas waxa la sheegay in dhinaca Galbeedka Burco ay uga hadleen xubno la sheegay in ay ka mid ahaayeen Cabdi Burco, Dayr Maxamed Cilmi, Dr. Cabdi Aw Daahir, iyo Soodaani. Islamarkaana waxay ilahaasi tibaaxeen inay halkaa ka jeediyeen badheedhe cad oo lagu macneeyay inuu la xidhiidhay sal-balaadhinta iyo wadaagista xisbiga KULMIYE.

Xoguhu waxay intaa ku dareen in dhinaca kalena ay ka hadleen xubno la sheegay in ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Axmed Siilaanyo Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno kale. Islamarkaana waxay ilahaasi tibaaxeen in ay aqbalaad ku soo dhaweeyeen badheedhaha dhinaca kale, is af garad buuxana ay labada dhinac iskula gaadheen kulankaas. Hasa yeeshee lama sheegin nuxurka waxa kulankaas la iskula qaatay, balse waxay illo xogogaal ahi tibaaxeen in loo balamay kulan kale oo balaadhan oo labadaa dhinac iyo dhinacyo kaleba ay ka qayb geli doonaan, kaasoo la filayo in uu ku qabsoomo Hargaysa. "Ma jirin shir balaadhan oo dhacay, laakiin wuxuu ahaa kulan aanu ku sii sagootiyaynay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo maanta u anba baxaya dhinaca Hargaysa. Sidaa aawadeed xaflad casho sharaf ah ayuu kulanku ahaa." Sidaa waxa yidhi xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ka soo jeeda beesha galbeedka Burco.

Hasa yeeshee sida aanu ilo xogogaal ah ka soo xiganay kulankaasi waxa uu ahaa mid lagu tilmaamay in uu miisaankiisu cuslaa oo axdi buuxa ay labada dhinac iskula gaadheen. Laakiin, lama sheegin war si toos ah uga soo baxay oo kala qalaya jiritaanka xaqiiqooyinka kulankaas la xidhiidha.

Dhinaca kale waxa magaalada Burco wali ku sugan wasiirka howlaha guud Siciid Sulub Maxamed oo maalmahanba ku sugnaa halkaas iyo wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale oo isna Sabtidii doraad socdaal ku tagay Burco. Sida ay tibaaxeen xogo kala duwan oo naga soo gaadhay magaalada Burco, labada wasiirba waxa loo aanaynayaa inay halkaa u tageen arrimo la xidhiidha wax iska caabin siyaasadeed oo ku lug leh, cududa mucaaradka beesha ay ka soo jeedaan ee Galbeedka Burco oo haatan lagu tilmaamay inuu u egyahay awood ahaan mid barro saaraya muxaafid-nimadii hore xukuumada Udub ugu qabtay beeshaas.

Xogo aanu ka soo xiganay illo lagu kalsoonyahay oo ku dhow-dhow waftigaa wasiiradda ah, ayaa tibaaxay in labada wasiir oo hadafka guud isku ujeedo ahi, hadana aanay isku san banaanayn oo aanay lahayn siyaasad midaysan oo ay iskaga caabiyaan mucaaradka.

Isla markaana waxay ilahaasi tibaaxeen in shirar hoosaadyo gooni-gooni ah ay la kala leeyihiin labada wasiir ardaayo hoose oo ka tirsan beelaha Habar-yoonis ee ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan labadooduba. Inkasta oo ay xogahaasi jiraan hadana, wasiirka howlaha guud Siciid Sulub Maxamed wuxuu ku adkaystay in socdaalka uu halkaa ku joogaa uu la xidhiidho dhismaha wado caro kaawo ah oo xidhiidhinaysa Oodweyne iyo Hargaysa, taasoo ka soo jeeda balan qaad hore, balse la rumaysan-yahay in xiligan loogu talo galay kaanbaynka.

Sarkaal kale oo waftiga ka tirsan dowlada, ayaa isna ku dooday, in wasiirka Maaliyadu aanu halkaa u tegin kaanbayn balse uu u tagay arrimo la xidhiidha shaqada wasaaradiisa. Hase ahaatee xogo kale ayaa iyana taas ku tilmaamay af gobaadsi siyaasadeed, islamarkaana ku macneeyay qasdiga socdaalkiisa, mid la xidhiidha, ka hor taga awooda mucaaradka galbeedka Burco.

Guud ahaan marka la isu geeyo wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay magaalada Burco, waxa la rumaynayaa in ilaa hada xaalada mooshinada siyaasadeed ee ka socota deegaankaasi ay shabahayso mid guul darro ku ah xisbiga talada haya ee Udub.


Source: Wargeyska Ogaal

Date: 2007-06-19
Readed 781 Times

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete