Thursday 21 January 2010

Axsaabta Mucaaradka oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale 20100121



Axsaabta Mucaaradka oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale
January 21st, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ahna kusimaha Guddoomiyaha Muj. Muuse Biixi, ayaa sheegay in mar kasta oo uu Madaxweyne Rayaale hadlo uu hanjabaad jeediyo.

Guddoomiyaha oo shalay u waramay Telefishanka Universal, waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaalada amaan-darro ku soo kordhay mandaqada Geeska Afrika. “Waxa soo kordhay dagaalo Diineed oo waxa la isku dilayaa Kitaabkii Alle oo ka xoog badan dagaalkii qabiilka ahaa, waxa soo kordhay dhaqaale badan oo ragga Budhcad-baddeeda aha ayaa malaayiin doolar oo baad ah ka qaadaya dawladihii ugu awooda badnaa dunida, waxaana ka mid ah Maraykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Ingiriiska. Markaa bal sidii gacan maamul oo Afrikaan ah loogu soo celina lahaa waa arin u baahan qorshe,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in iskaashi laga sameeyo arrimaha ka taagan Soomaaliya iyo maamul-gobolleedka Waqooyi/bari Soomaaliya ee Puntland. “Somaliland waxay xad la waddaagtaa oo ganacsi ka dhaxeeyaa oo aan dayr ku kala xidhnayn meeshaa intaas oo dagaal ka socdaan. Nasiiib wanaag iyo dedaal badan oo aan samaynay ayaynu weli ku nabdoonahay, waxaanse u malaynayaa in aynaan ku filaan karayn, balse waxayna u baahan tahay is kaashi badan oo gobolku sameeyo. Waxaad ka naxaysaa waxyaabaha ka socda Geeska, dagaalo way dhaaftay,” ayuu raaciyay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee KULMIYE, waxa uu ka hadlay sida uu u arko hadal dheer oo Madaxweyne Rayaale Salaasadii warbaahinta mariyay. “Markasta oo uu hadlayo (Madaxweynuhu) waa uu hanjabaa, taasina waxa ku tusinaysaa…Wuxuu ka hadlay laba qodob – odayaasha iyo Madaxdhaqmeedka wuu dedafeeyay, ganacsatadii wuu deedafeeyay, Mucaaridkana waxa uu ku eedeeyay inay cay dibaddaha la wareegayaan, inay Somaliland wax xun ka sheegaan, taasi ma dhacaysoo saddex qolo oo dibadaha u baxay oo aanay dawladdu ku jirin, waxa ay sheegeen in aan imika ka hor arrin Somaliland leedahay oo rasmi ah aanay soo gaadhin,” ayuu yidhi Muj. Muuse Biixi. Wuxuuna intaa raaciyay; “Komishankaa qaranku markii ay Kenya tageen, waxay sheegeen inay shir jaraa’id ku qabteen, markii ay ogaadeen inaan wax Somaliland ka hadlayaaba gaadhin dawladda (Kenya) iyo agteeda toona; labada Xisbi Mucaarid waxay shir kula yeesheen magaalada Bristol (magaalo Ingiriiska ku taala) qolo Yurubiyaan ah, qolodaasina qoraalkoodii ayaanu haynaa oo waxay yidhaahdeen; ‘waligayo wax sidaas nooga xog-warama Somaliland oo arrimaheeda iyo dhibaatooyinka idin haysta manaan arag.”

Dhinaca kale, Guddoomiye kuxigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna kusimaha Guddoomiyaha Aadam Maxamed Mire (Waqaf), ayaa ka hadlay sida uu u arko hadalkii uu doraad jeediyay Madaxweyne Rayaale. “Hadalkii Madaxweynaha laga sugayay isagoo muddo aamusnaa, waxa uu noqday mid wax kala fogaynaya oo xaalad aan loo baahnayn ayuu ka hadlay, kaasoo inuu wax sii shido mooyee aan wax hagaajinayn oo aanu ka hadal nabadgalyo-xumida ka jirta gobolka Sool iyo Saaxil oo iyadana ay xaalad xaga nabadgalyada ahi ka jirto,” ayuu yidhi Mr. Waqaf. Wuxuuna intaa raaciyay; “Waxaynu ognahay in laba qof si badheedha loogu dilay Wajaale, waxaanan leeyahay Ilaahay janadii haka waraabiyo. Waxaanu u arkaynaa xaalad nabadgalyada dhib wayn u keeni karta, iyadoo ay arimahaasi oo dhami jiraan, loona baahnaa inay Xukuumaddu ka hadasho sidii loo daawayn lahaa, haddana waxaad moodaa inay u tafoxaydatay inay wax ka sheegto Qurbajooga Somaliland oo ay tidhaahdo; ‘qaadhaanka aad bixinaysaan waxaad ku bixisaan Somaliland ma jirto, waxaanan leeyahay taas ma geyaan Qurbajoogu, waayo waxay kaalin wayn ka qaateen dib-u-dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.”

Guddoomiye kuxigeenka UCID waxa uu sheegay in socdaalada hoggaamiyeyaasha Mucaaradku haatan ku marayaan dalalka Yurub iyo wadanka Maraykanku uu la xidhiidho si loo buuxiyo Xukuumadda oo ka gaabisay inay adduunka ka dhaadhiciso jiritaanka Somaliland iyo waxay qabsatay.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete