Friday 29 January 2010

Axmed siilaanyo oo bbc-du ka wareysatay socdaalkiisii mareykanka

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Waxaanu Ka Wada Hadalnay Maraykanka Dimuquraadiyada Somaliland Ee Aad Moodo In Ay Sii Lumayso In aanu Dib Ugu Soo Dabaalno Oo Aanu Nidhi Wax Nagala Qabta iyo Arrimo Kale”. Guddoomiyaha Kulmiye Md. Axmed M. Maxamuud "Siilaanyo"








Hargaysa(Ramaas) Jan.28, 2010 - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in ay dalka Maraykanka uu kala hadlay sidii Somaliland dimuquraadiyadeeda loo taabo gelin lahaa.




Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii uga qabsoomay socdaal kiisa dalka Maraykanka uu ku joogay muddo bil ka badan.


Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo maanta u waramayay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, waxa kale oo uu kaga hadlay arrimaha ka jira mandaqada, gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyo sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinaca tababarada ciidamada kala duwan.


Guddoomiyaha oo la waydiiyay masuuliyiintii uu kala kulmay dawladda Maraykanka iyo arrimihii ay ka wada hadleen waxa uu yidhi “Dawladda Marayaykanka waxaanu iska aragnay State Department-ka, waxaanu iska aragnay rag badan oo ka tirsan Kongarayska Maraykanka oo ay ka mid yihiin Donald Payne, xildhibaano kale.

Waxaanu la kulanay wakiillo ka tirsan dawladda Maraykanka, waxaanu la kulanay dad badan oo daneeya xidhiidhka caalamiga ah iyo dad badan oo daneeya arrimaha dimuquraadiyadda iyo arrimaha Somaliland, Soomaaliya iyo mandaqada aynu ku nool nahay oo dhan ayaanu la kulanay. Arrimahaas oo aanu isleenahay magacii Somaliland aad ayaanu kor ugu qaadnay, waxaanuna uga waranay baahiyaha Somaliland iyo baahida ay u qabto Ictiraaf, baahida ay u qabto horumar dhaqaale oo laga caawiyo, sida ay diyaar ugu tahay in ay dunida wax la qabsato, oo arrimaha ka taagan Mandaqada, sida la dagaalanka budhcad badeeda, iyo arrimaha nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka ay kala shaqayso oo ay hormuud ka tahay, aad iyo aad ayaana arrintaa loo danaynayay, su’aalo badan ayaa nalaga waydiiyay, tallooyin badan ayaa laga soo jeediyay, shirar badan ayaanu ka galnay, aad ayaad halkaa moodaysay in aanu kor ugu qaadnay magacii ay Somaliland ku lahayd caalamka.”


S. Arrimahaasi waa kuwii aad idinku ka hadasheen, maxay iyagu idinkala hadleen oo ay idinla soo qaadeen?


Waxay nala soo qaadeen, horta xiise badan ayay u muujinayeen Somaliland oo ay naga warsanayeen waxa ay Somaliland damacsan tahay iyo waxa lala qaban karo.

Waxa kale oo ay na waydiinayeen arrimaha xasiloonida iyo budhcad badeeda waxa lagala qaban karo. Waxa kale oo ay na waydiinayeen Somaliland sida ay ugu tallaabsan karoto horumar ee ay dimuquraadiyadeeda u sugi karto ee ay u hanan karto iyo in ay u diyaar tahay in ay dunida wax la qabsato oo ay arrimaha caynkaas ah u diyaar yihiin.



S. Wax ay iyagu markaa idin yidhaahdeen waanu idinla qabanaynaa ama idinku aad tidhaahdeen waxaa nala qabta miyay jiraan?



Way jiraa, oo wax aanaan odhan nala qabta ma jirto, xaga dhaqaalaha iyo horumarka wax nalaga qabta ayaanu nidhi, waxaanu nidhi dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka wax nagala qabta oo nala socodsiiya, arrimaha la dagaalanka budhcad badeeda iyo xasiloonida iyo tababarada nagala hawl gala ayaanu nidhi. Iyaganu xiiso badan ayay u muujiyeen, markaa waxaas oo dhan waxaanu u aragnaa tallaabooyin horumar ah oo aanu mandaqada ugu soo jeedinay dareenkoodii, oo aanu mandaqada kor ugu qaadnay.



S. Ma waxaad kala hadlayseen uun xisbiga KULMIYE arrimihiisa u gaarka ah, mise waxaad kala hadlayseen Somaliland ahaan?


Waxaan u malaynayaa arrimihii aan hadda ka hadlayay oo dhan mar qudha xisbi maan soo qaadin, in aan anigu hadlayay oo guddoomiyaha xisbiga ah mooyaane waxaanu ku hadlaynay magaca Somaliland, haddaanu xisbi nahay xisbigu magaca Somaliland ayuu u hadlayay oo ay dee waajibna tahay. Dabcan arrimaha xisbina waanu ka hadlaynay iyo waxa aanu u taaganahay iyo in aanu dalka horumarkiisa u taaganahay iyo in aanu dalku halka uu marayo kor uga qaadno, horumarkiisa dhaqaale hanano, caddaaladiisa hanano, dimuquraadiyada aad moodo in ay ka sii yara lumayso ee ay ka sii yara fogaanayso aanu dib ugu soo dabaalno oo arrimaha aanu nidhi wax nagala qabta ay ka mid tahay, waxyaabahaas oo dhan ayaanu ka hadlaynay. Anagana magac iyo sharaf ayaa noogu jirta, laakiin waxaanu u hadlaynay waxa uu ahaa dadka iyo dalka.


S. Dhinaca kale, Minnesota ayaad tagtay, Columbus ayaad tagtay, Washington ayaad dadka la hadashay bulshada, maxaad kala hadashay, maxaase kaaga baxay dadkaasi?


Waxa dadkaasi iiga baxay, dad marka ugu horaysa aad u xiisaynaya aayaha dalka iyo Somaliland, si kulul oo aad iyo aad u heersare ah niyad u haya in dalkooda wax iska bedelo oo uu ictiraaf iyo horumar helo, aad u danaynaya ayaanu aragnay, dad taageero badan noola diyaar ah ayaanu aragnay, dad xisbigayaga taageersan baanu aragnay in ay jihiin, dad jecel in mandaqada wax iska bedelaan ayaanu aragnay oo aad xamaasad wayni u hayso. Oo warkii iyo guubaabadii aanu siinaynay aad u fahmay, niyad wanaagsan iyo qalbi furana oo heesihii qaranka ay aad u qaadayeen oo dad badan oo ka sii jeeday u soo jeesteen maanta aayaha Somaliland iyo mustaqbalkiisa, siyaasadiisa iyo horumarkiisaba.



S. Dadka Soomaalida iyagu ma ka soo qayb galeen meelaha aad kulamada ku qabanaysay, maxaase aad iyaga ku lahayd?


Meelo badan ayaa dadku ka soo qayb galayay, dadka ka soo qayb galayayna dad Somaliland ka soo jeeda ayay u badnaayeen, dadku Su’aalo ayay na waydiinayeen waanuna uga jawaabaynay, dabcan anagu arrimaha Somaliland ayaanu ka hadlaynay, dad badan ayaa dhagaysanayay oo xiisaynayay. Dad badan oo halkaasi joogay ayaa lahaa saacadaa laga bilaabo anagu xisbiga KULMIYE iyo Somalilandba waanu taageeraynaa.



S. Dhinaca Gobolka Sool, magaalada Holhol la yidhaahdo shir baa maalmahan ka socday, arrintaas maxaad kala socotaa?


Arrintaa dalka waan ka soo maqnaa oo warka waxbaa iigu dhiman oo wali si buuxda ulama socdo, laakiin Sool waa qayb ka mid ah Somaliland, waan ognahay in ay jiraan arrimo badan oo dad arragtiyo kala duwan ka qaba oo degaankii ahi jiraan, taana waxaan qabaa xidhiidhkii iyo sidii wada hadalku u socday uu wanaagsan yahay oo aan filayo in kolay iyo kolay mandaqadaa nabadgelyadeeda, xidhiidhkeeda iyo wada shaqaynteedu uu noqon doono mid la isku af-garto.




Ramaasnew Desk

Hargaysa

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete