Saturday 23 January 2010

Axmed Maxamed Siilanyo Oo La Kulmay Congresman Keith Ellison 20100123



Axmed Maxamed Siilanyo Oo La Kulmay Congresman Keith Ellison
January 23rd, 2010 Comments Off

(Somaliland.Org Washington DC USA) Goddoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Siilanyo wuxuu maanta oo taarikhdu tahay Jan 21, 2010 kula kulmay aqalaka Kongreska ee Mareykanka xildhibaan Keith Ellison oo ah xildhibaanka ka soo jeeda ah gobolka Minnesota, gobolkaas oo ah meel Soomaalidu aad ay u deggen yihiin.





Congresman Keith waa xildhibankii ugu horreyay ee Mareykan ah oo diinta Islaamka aaminsan, isla markaasna qeyb weyn ka qaata hawlaha iyo arrimaha ku saabsan Soomalida dalka Mareykanka deggan. Si wanaagasan oo qalbi furan ayuu Mr. Ellison ku qaabilay guddoomiyaha isagoo isla markaa tilmaamay inuu u heeggan yahay inuu Somaliland wax la qabto. Arrimihii guddoomiye Siilanyo kala hadlay xildhibaan Ellison waxaa ka mid ahaa in taggeero buuxda laga helo waddanka Mareykanka sidii dhaqaalaha iyo difaaca Soomaliland loo kobcin lahaa. Waxaa kaloo guddoomiyu carrabka ku dhutay in la xoogiyo geddisoctka dimoqraadiyadda Somaliland oo doorashada madaxtooyada la hantiyo si wanaagsan oo buuxdana Mareykanku iyo EU duba uga qeyb qaataan si lo helo doorasho xor oo xalaal ah.






Ballan culus ayuu Congressman Keith qaaday inuu dadal cusub hawshaas dhexda u xirto, waxayna ku af jareen shirkii kuna heeshiiyeen inay khabaar joogta ah iyo xidhiidh adag labada dhinacba laga sameeyo.

Somaliland.Org
Washington DC USA

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete