Thursday 21 January 2010

Taageerayaasha KULMIYE ee Burco oo isu soo Bax Ballaadhan ku Ayiday Mowqifka Hoggaanka Xisbigoodu ka 20090305



Taageerayaasha KULMIYE ee Burco oo isu soo Bax Ballaadhan ku Ayiday Mowqifka Hoggaanka Xisbigoodu ka
Published: Mar 05 2009 - 07 38
Mar 05 2009 (Somaliland Net) - Burco - Taageerayaasha xisbiga mucaaradka KULMIYE ee Gobolka Togdheer, ayaa shalay isugu soo baxay bannaanbax ballaadhan oo ay ku taageerayeen mowqifka hoggaanka xisbigoodu iska taagay muddaynta cusub ee doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha.
Bannaanbaxa lagu taageeray mowqifka KULMIYE ee dib-u-dhaca doorashada oo lagu qabtay barxada xafiiskooda magaalada Burco, ayaa waxa ka qaybgalay boqollaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan Gobolka Togdheer.

Dr. Cabdi Aw-Daahir Cali oo ka tirsan guddiga fulinta ee KULMIYE, ayaa hadal dheer oo uu halkaa ka jeediyey, waxa uu ku sheegay in taageerayaasha xisbigooda ee Gobolka Togdheer ay si weyn u taageersan yihiin mowqifka KULMIYE iska taagay muddo-kordhinta xukuumadda ee xilligan.

“Waxa la yidhi, doorashadu waxa la qabanayaa 31 May, wakhtigiina waxa uu ku egyahay 6 April, markaa wixii wakhtigaa ka dambeeyaa waxay ka dhigan tahay baylood la yidhi diyaarad kaxee oo Sucuudiga gee oo shidaalkana loogu talogalay halkaa oo markuu Yemen marayey yidhi, London ayaan tegayaa, shidaalna ku shubi maayo oo soo qarxi mayso, sidaa daraadeed mowqifka xisbiga KULMIYE-na waa kaa Hargeysa ka soo baxay oo aynu taageersanahay.”

Waxa kale oo Dr. Cabdi Aw Daahir xusay haddii ay ku guulaystaan doorashada in arrimaha wax ka qaban doonaan ay ugu horreyn doonto beddellaadda lacagaha giinbaarta ah ee laga isticmaalo gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer, isla markaana ganacsiga xoolaha ee kootada lagaga dhigayna ay ka qaadi doonaan oo ku beddeli doonaan ganacsi xor ah oo aan cidna u xidhnayn “Lacagta 2% ah ee loogu talagalay horumarinta gobollada Sool iyo Sanaag/barina noqo maayaan kuwo ku xerooda Madaxtooyada ee waxaanu wax ugu qaban doonaa dadkii loogu talagalay.

Ciidammada Qaranka ee heeganka ugu jira ilaalinta waddanka ee aan qaadan mushahar ku filan ay siin doonaan mushahar ku filaada iyaga iyo reerahooda, waxaanuna dalka ka hirgelin doonaa bangiyo ganacsi oo madaxbannaan,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir Cali.

Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Awal/bari, horena u ahaa Guddoomiyaha UDUB ee Togdheer oo dhowaan ku biiray KULMIYE, ayaa isaguna in ganacsigii xoolahu yahay mid kooto loogu xidhay ganacsade Sucuudi ah, isla markaana Berbera noqotay meel laga guuray, “Haddaad aragtaad magaaladii Berbera ee muddooyinka qaar u muuqan jirtay caasimadaha dunida hadda waa cidla’, kadib markii loo xawilay ee loo xidhay dekedda Jabuuti. KULMIYE nabadgelyada waxba uma dhimayo oo iyaga ayaa cid kasta ka jecel, haseyeeshee muhiimadda aynu maanta isugu soo baxay waxay tahay inaynu muujino sidaynu u taageersan nahay mowwqifka xisbigu iska taagay dib-u-dhigista doorashooyinka Madaxtooyada,” ayuu yidhi Awal-bari.

Isku soo baxan oo ahaa mid ay si weyn u soo abaabuleen musuuliyiinta KULMIYE ee Burco, ayaa ciidanka boolisku waxay xidheen muddo saacado ah Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Togdheer Mr Sahal Maxamed, kuwaasoo ku hayay Saldhigga Dhexe ee Booliska Burco, balse la sii daayay markii dambe, tallaabadaas oo ay ku sababeeyeen in isu soo baxani yahay mid aan wax sharci ah looga soo qaadan masuuliyiinta gobolka iyo Booliska.

Mr.Sahal ayaa sheegay in aanay fasax cidna uga qaadanayn barxadda xafiiskooda hortiisa, laakiinse sharciga waxa loo samystay marka loo baahdo in khayriyada xisbiyadu ka hadlaan.

Mar la weydiiyey in maamulka weydiisteen wax oggolaansho ah oo ku saabsan isu soo baxa taageerayaasha KULMIYE, waxa uu ku jawaabay, “Xalay [habeen hore] fiidkii ayaanu ku wargelinay in aanu berri leenahay isku soo bax maamulka Gobolka, isla markaan waxaan ku idhi sidaa ula soco maadama oo aad tahay gudodomiyhii Gobolka, waanu naga aqbalay, balse xalay goor dambe ayuu ila soo hadlay maamulka gobolka waxaanu igu yidhi, markii aanu eegnay xeer-hoosaadka, runtii anigu ma garanayo xeer-hoosaad halkan yaal ee sida aan qabo waxa uu la hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo madaxweyne Rayaale, waxaanu dib iigula soo noqday go’aan ah in aan berri la qaban Karin isku soo baxayaga, intaas ayaanuna isku af-dhaafanay oo saaka aniga oo jooga goobta la ii keenay boolis, kadibna laygu yidhi, waad xidhan tahay guddoomiye, dabadeedna saacado ayaan xidhnaa.”

“Waxaannu u adkaysan weynay cabashada ka soo yeedhaysa taageerayaasha xisbiga, iyaga oo telefoonno inta badan nagu dawakhiyey. Markaa waxaanu iidinku yeedhay in aanu halkan idiinku sheegno, sida aad ka waryhaysaan hoggaanka guud ee xisbiga go’aankii uu gaadhay ayeynu taageeraynaa. Marka koowaad waxaanu leenahay ma oggolin wax korodhsiimo ah, doorashadiina diyaar ayaanu u nahay ee ha la qabto,” ayuu yidhi Mr. Sahal.

Sidoo kale isu soo baxan ayaa waxa ka hadlay cuqaal iyo waxgarad, kuwaasoo dhamaantood tilmaamay inay si weyn u taageesan yihiin mowqifka xisbiga ee ku wajahan dib-u-dhigga doorashada

jumhuriya

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete