Friday 22 January 2010

Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo loo Gudbiyay Badheedhaha Dambiyo uu gaystay Maxamed Cali Samatar


Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo loo Gudbiyay Badheedhaha Dambiyo uu gaystay Maxamed Cali Samatar
Qareeno ugu awooda badan Maraykanka oo u doodaya oo si wada jira ah u gudbiyey dambiyada Cali Samatar iyo maxkamadda oo dhawaan u fadhiisan doonta dhegaysiga kiiskan


Washington (Jam) – Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ururka Caalamiga ah ee Caddaaladda iyo Masuuliyadda (Center for Justice and Accountability ‘CJA’) Ms. Pamela Merchant, ayaa war ay shalay siisay saxaafadda dalka Maraykanka ku xaqiijisay in garyaqaano caalami ah oo ka kala socda ururkeeda CJA, xarunta garyaqaanada caalamiga ah ee lagu magacaabo Akin Gump Strauss Hauer & Feld iyo Isbahaysiga qareenada Maraykanka ee Cooley Godward Kronish ay si wadajir ah ugu gudbiyeen Maxkamada Sare ee dalka Maraykanka badheedhahooda dacwada lidka ku ah General Maxamed Cali Samatar, taasi oo la xidhiidha dambiyo aadaminimo iyo xadgudubyo baahsan oo dhinaca xuquuqda aadamiga ah oo uu ka gaystay dalka Somaliland sanadihii sideetamaadkii, markaasi oo uu General Samatar ahaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo madaxwayne-ku-xigeenka dawladii Maxamed Siyaad Barre ee dalka Somaliya.

Agaasimaha Xarunta Caddaaladda iyo Dabo-galka (CJA) oo arrintan faahfaahinaysa, waxay tidhi; “Dacwadan waxa ay Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanku go’aan ka gaadhi doontaa madaxda wadamada adduunka ee markii ay talada dalalkooda hayeen amray jidh-dil, kufsi, qudh-gooyo dad rayid ah oo aan dambiyo galin – in marka lagala wareego taladii dalalkooda ay u doortaan dalka Maraykanka meeshii ay noloshooda inta ka hadhsan ay ku qaadan lahaayeen, iyagoo diidan in ay u hoggaansamaan shuruucda dalka Maraykanka iyo in ay ogolaadaan masuuliyada ficiladii ay sameeyeen.”

Warka agaasimaha CJA Ms. Pamela Merchant ayey siisay warbaahinta Maraykanka, gaar ahaan wargeyska The Huffington Post, waxa uu iosaga oo faahfaahsan u qornaa sida; “General Samatar oo hada kuna nool magaalada Fairfax ee Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in uu isagu maamulayay, isla markaana masuulka ugu sareeyana uu ahaa Gaashaandhigga xukuumad iyadu ku kacaday jidh-dil baahsan, xadhig sharci-darro ah, qudh-gooyo wadareedyo rayidka dalka Soomaaliya loo gaysanayayay sannadadihii siddeetamaadkii (1980). Macalimiin, arday iyo reer-guuraa, ayaa xukuumaddii General Samatar ay qudha ka goysay, kadib markii ku eedaysay in ay taageersan yihiin mucaaradka.

General Maxamed Cali Samatar markaasi waxau uu ahaa taliyaha ciidankii xooga dalka Somaaliya oo u gaystay weeraro aan kala sooc lahayn dadka rayidka, shaqsi ahaan General Samatar waxa uu maamulayay badhtamihii sanadkii 1988 garaacistii dhinaca hawada ee diyaaradaha dagaalka ee dalka Somaaliya iyo duqayn culus oo dhinaca madaafiicda goobta ah oo ciidanka xooga dalka Soomaaliya ku qaadeen magaalo madaxdii labaad iyo magaaladii labaad ee ugu balaadhnayd dalka Soomaaliya, iyagoo in ka badan 5,000 oo ruux oo rayidkii deganaa magaalada qudha kaga jaray weeraradaasi.

Kadib markii ay dhacday dawladii Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991, General Ali Samatar waxa uu u qaxay Europe kadibna waxa uu u sii gudbay dalka Maraykanka. Waxanu isagu ka mid yahay qaar badan oo ka mid ah madaxdii hore ee dawladaha wadamada adduunka qaarkood oo gaystay xadgudubyo aadami iyo dambiyo dagaal, kuwaasi oo hadda six or ah ugu nool dalka Maraykanka sidii muwaadin Maraykan ah oo kale.

Dhawr wiig kadib, Maxkamada Sare ee dalka Maraykanku waxay u fadhiisan doontaa dhegaysiga doodaha dacwadan, kadibna waxay go’aan ka gaadhi doontaa madaxda wadamada adduunka sida General Maxamed Cali Samatar oo kale – ee u yimi dalka Maraykanka in ay degaan kuna raaxaystaan faa’iidada ah in ay ku noolaadaan Ameerika – in ay ka sareeyaan qaanuunka taasi oo dalkan dimuquraadiga ah ee Maraykanka aanu awood u heli karin ruux kasta oo kale. Dacwadan lidka ku ah General Samatar waa dacwadii xuquuqda aadamiga ah tii ugu horaysay nooceeda ee loo gudbiyo maxkamad taasi oo la xidhiidha xadgudubyadii ay gaystay xukuumadii kali taliye Siyaad Barre.

Dacwadan ayaa waxa dhibanayaal ka ah shan ruux, go’aan kasta oo lid ku ah General Samatar wuxuu noqon doona mid u keena caddaaladdii ay aadka ugu baahnaayeen dhibanayaashan laftigoodu iyo dadka ka samato-baxay xadgudubyada noocan oo kale ah ee dunida cidhifyadeeda ku nool, hubaal waxa kale oo ay dacwadani fariin u diraysaa dambiilayaasha dagaalada ee isku daya in ay ka helaan dalka Maraykanka gabood ay ku badbaadaan.





Jamhuuriya Online

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete