Monday 25 January 2010

BURCO: Agaasimaha Guud ee Maaliyadda oo Amray in Cashuur laga Qaado Dugsiyada iyo Maamulayaasha oo Ganafka ku Dhuftay 20100125


BURCO: Agaasimaha Guud ee Maaliyadda oo Amray in Cashuur laga Qaado Dugsiyada iyo Maamulayaasha oo Ganafka ku Dhuftay


Burco (Jam)- Maamulayaasha dugsiyada Waxbarshada Gobolka Togdheer ayaa ganafka ku dhuftay hadal kasoo yeedhay Agaasimaha guud ee Wasaradda Maliyadda Mr. Axmed Daa’uud, kaasoo uu ku sheegay in cashuur laga qaado dugsiyada waxbarshada kuwa gaarka looleeyahay iyo kuwa dawladda ee Gobolka Togdheer.


Qaar ka mid ah maamulayaashaa dugsiyada, ayaa waragayska Jamhuuriya u xaqiijiyay inay dedefeyeen dalab ka soo yeedhaya Agaasimaha Guud oo uu ku doonayay in lacag laga qaado dugsiyada waxbarshada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladaba.


Maamulayaashani waxay intaa ku dareen in tallabadani ay u arkaan mid laga xishoodo, madaama waxbarshadu u baahan tahay gacan qabasho iyo dhiirrigalin, iyagoo xusay in gaadhsiiyeen arintan guddoonka waxbarshada Gobolka Togdheer oo iyagu ku tilmaamay arrin khaldan oo aan la qaadan karin.


Waxgaradka iyo aqoonyahanka ayaa si u cambaareeyay tallaabadan Agaasimaha Guud Maaliyadda iyagoo sheegay inuu muddooyinkan dambe magaalada Burco ka waday siduu uga dhallin xasilooni-darro, isla markaana hore isku dayay inuu kala qaybiyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda Burco, balse laga diiday.


Waalidiinta ardayada dugsiyada ayaa iyagu dareen cadho leh ka muujiyay cashuurtana agaasimuhu ka rabo dugsiyada waxbarshada,”Hooyo dawlada miyaanay is-qaban, kii adhigeena lahaa waa afar kilo ayay nu ogayn, ka yidhi dugsiyadii lacag ha laga qaado ayay arkaynaa, lkuwani dawlad maahee waa xoogsato is urursata.” Sidaa waxa tidhi Cibaado Geelle Warsame oo kamid waalidiinta ardayada.


Sidoo kale, Cabdilaahi Cilmi Bullaale oo ka mid ah waalidiinta oo arintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Agaasimuhu cashuur-doonis ka hayne uu rabay in mar kaliya mudaharaad iyo rabshado is-qabsadaan Burco oo sidii 1981 ardayadu mar kaliya ka soo dhaqaaqaan dugsiyadooda,oo ay isku bulato.”


Sida warar xogo-gaal ahai u xaqiijiyeen Jamhuuriya guddoonka Waxbarshada Gobolka ayaa la sheegay inuu arintan iska taagay meel adag, iyagoo sheegay iananay suurtagal ahayn in cashuur iyo liisamo loo sameeyo dugsiyada waxbarshada gobolka.


Amarradan ka soo yeedhay agaasimaha guud ayaa ah kuwo uu sii bixiyay badhtimihii bishan markii uu safarka ku yimi magaalada Burco, kuwaasoo ay fulinayaan Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyadda oo uu kaga tagay Magaalada ,iyagoo ku hawlan fulinta awaamiirta uu faraya Agaasimuhu.


Saraakiishan ayaa la sheegay inay qayb ka haayeen kooxo kormeer ku marayay Gobolada dalka, kuwaasoo hawlwadeenadii kale dib ugu laabteen gobolada ,haseyeeshee la sheegay kooxadani uu agaasimuhu si gaara u dhigtay Burco


Agaasimaha guud ee maaliyada ayaa isagu mudooyinkan ku hawlan xasirad ka abuurida magaalada, iyadoo la sheegay inuu wali u qarsoon yihiin dabino badan oo kale oo uu wali umaleegayo, agaasimaha guud oo ah astaan musuqmaasuq u taagan ayaa Bulshadu ku sifaysaa Mabuuta seko-sekaha Somaliland, ayaa dadweynaha degaanka togdheer si weyn ula socdaan qorshayaashiisa dhagaraysan.


Safarkii uu dhowaan ku yimi Agaasimaha Maaliyaddu magaalada Burco ayaa uu kala kulmay fadeexado is-barkan oo hadheeyay socdaalkiisa. Waa markii u horeysay ee lacag cashuureed iyo Liisan lagu soo rogo dugsiyada waxbarshada somalilanad, waxayna arrintani noqotay mid si weyn uga yaabisay dadweynaha, kana hor yimaaddeen





Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete