Friday 22 January 2010

Hadii uu Rayaale daacad u yahay Somalilandnimada maanta kamuu shaqeysteen dalka iyo dadka : saylici






Hargeysa - Murashaxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo uu aaminsan yahay nidaamka fadaraalka.


Md. Saylici waxa uu si kulul u cambaareeyey hadalkaasi ka soo yeedhay Rayaale oo uu ku tilmaamay mid xaasidno ka keentay, isla markaana cid waliba ogtahay in Axmed Siilaanyo uga lexejeclo badan yahay dalka iyo dadkaba.


“Dadweynaha reer Somaliland waxaan u sheegayaa in ninka Ilaahey gacanta u galiyay taladii ummada uu yahay nin hinaase xun oo mar walba xasad dheeraad ahi ka buuxo kana xumaada Guusha ragga uga aqoonta iyo kartida badan dalkan iyo dadkani caalamka ka kasbadaan, waxaanan si adag u dhaleecaynayaa hadalka uu marmarinayo Guddoomiye Siilaanyo oo si martabad caalami ah loogu soo dhaweeyay wadanka Mareykanka, taasoo ay muuqato in Axmed Siilaanyo wareysiga uu sheegayo uu kaga waramayey taariikh hore haseyeeshee, aanay marnaba noqon karin mawqif uu aminsan yahay, waxaanan leeyahay sida cadceeda ayey muuqataa inuu Axmed Siilaanyo, isaga uga lexejeclo badan yahay dalkan iyo dadkan oo uu u soo halgamey isna uu joogay halkii lagu go’aamiyay gooni isutaaga, markaas oo Rayaale ka mid ahaa raggii dalka laga qabsaday ee qoxootiga ku ahaa Laaascaanood,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici oo u waramayey shabadka Interka ah oo la yidhaa HornPress, waxaannu intaa raaciyey, “Xaqiiqdiina hadii uu Rayaale daacad u yahay Somalilandnimada maanta kamuu shaqeysteen dalka iyo dadka ee wuu u shaqeyn lahaa, waxayna taasi muujineysaa halka uu ka taagan yahay umada.”


Jamhuuriya

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete