Thursday 21 January 2010

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Socdaal Ku Soo Maray Deegaamo ka Ka Tirsan Gobolka Oodweyne 20081215


Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Socdaal Ku Soo Maray Deegaamo ka Ka Tirsan Gobolka Oodweyne
Oodewyne (Bederwanaag) December 15, 2008 - Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mdne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wefti balladhan uu hogaaminayo ayaa maanta social ku soo gaadhay deegaamo ka tirsan Gobolka Oodweyne ee ay hawlaha diiwaan-gelintu.

Weftigan Xxisbiga Kulmiye ee uu horkacayo Mdne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisa ku weheliya Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga Mdne Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Dr.Cabdi Aw Daahir, Cabdilaahi Ismaaciil Bidhaan iyo Cali Tamaandho.


Weftigu markii ay gaadheen Oodweyne waxa halkaa ku soo dhoweeyay Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf “Waabeeyo“, Xildhibaan Jaamac Yuusuf Aadan oo labaduna ka tirsan Golaha Wakiilada iyo masuuliyiin ka tirsan Gobolka Oodweyne, Odayaal iyo Wax-gardadka deegaanka, Kormeerayaasha diiwaangelint iyo hawlwadeeno kale. Guoomiyiuhu intii uu socdaalka ku jiray waxa uu Mas'uuliyiin badan ka dhagaystay warbixino la xidhiidha hawlaha diiwaangelinta iyo sidii ay reer Oodweyne si mug leh ay uga qayb qaadan lahaayeen diiwaangelinta.


Weftiga waxa si aad ah u soo dhaweeyay dadweynaha ku dhaqan gobolka Oodweyne, gaar ahaana degmooyinka Oodwyne, Bali Cali Faarax, Gorayo-Xun, Boodhley, Xaaxi, Cadow Yuurura iyo tuulooyin kale ee ku gadaaman. Waftigu intii uu deegaanadaa booqanayay waxa uu u kuurgalay sida ay u socoto hawlaha diiwaangelintu iyo sugida nabadgelyada.


Kormeerka weftiga ka dib odayaasha deegaamadaasi ayaa faagaarayaal ugu waramay xaalada iyo duruuraha gobolka, kuwaas oo cabasho iyo dayro ka muujiyay wax-qabad la’aanta xukuumada maanta talada dalka haysa isla markaana dareenkooda ku muujiyay in loo baahan yahay in isbedel siyaasadeed ka dhaco dalka.


Weftiga oo caawa dib ugu soo laabtaqy magaalada Burco, ayaa sheegay in ay beri socdaalo ugu kicitimi doonaan deegaamo kale oo ku yaala gobolka Togdheer sida Xaaji Saalax,Waraabeeye,Bisiqa,Duruqsi,Bali Dhiig iyo meelo kale oo ka mid ah deegaamada ay hawsha diiwaan-gelintu ka scooto.

Bederwanaag News Online

Abdirizaaq Axmad Wacays

aahmed@bederwanaag.com

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete