Thursday 21 January 2010

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisii oo maanta socdaal ku maray Waraabeeye ilaa Balli-dhiig 20051215


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisii oo maanta socdaal ku maray Waraabeeye ilaa Balli-dhiig
December 15th, 2008 Comments Off

Qorilugud (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland, ee KULMIYE, Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho la xidhiidha kormeerka iyo dhiirrigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta kormeer ku maray deegaamo ay ka mid yihiin, Waraabeeye, Xaaji Saalax, Yucub-yabooh, Jaamac Qabar, Dhoqoshey, Dheryaley iyo Ballidhiig oo uu weftigu caawa u hoydey.

Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo oo ay booqashadiisa ku weheliyaan, Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax, Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ay ka mid yihiin, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga, waxa ay saaka subaxnimadii hore ka ambabaxeen magaalada Burco, iyada oo ay ahayd maalintii labaad ee ay kormeer ku marayaan deegaamada ka baxsan magaalada Burco, waxana uu weftigu maanta kormeerkiisa ku maray dhawr iyo labaatan goobood oo ay diiwaangelintu ka socoto, deegaamadaas ay kormeerka ku mareen.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxay u kuurgelayeen sida diiwaangelintu uga socoto deegaamadaas, waxayna dadweynaha uga warramayeen muhiimadda diiwaangelintu u leedahay dalka iyo dadka Somaliland iyo weliba doorasho si xor iyo xalaal ah dalka uga dhacda.

Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo, oo magaalada Burco gaadhey Sabtidii markii diiwaangelinta codbixiyayaashu ka bilaabantay gobolka Togdheer, waxa uu shalay soo kormeeray degmada Oodweyne, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Weftiga guddoomiyuhu wuxuu caawa fiidkii gaadhey degmada Balli-dhiig, waxaana u qorshaysan berrito inay sii wataan socdaalkooda, isla markaana ay soo maraan deegaamada loo yaqaanno Balliweyn ee koonfurbari ka xiga magaalada Burco, kadibna ay ku soo hoydaan magaalada Burco.

Gobolka Togdheer, oo diiwaangelinta codbixiyayaashu ka socoto maalintii Saddexaad ayaa la sheegay in meelaha qaarkood ay weli cilado ka jiraan, isla markaana ay kala badan yihiin dadka iyo goobaha diiwaangelintu.

Sida uu ku soo warramayo weriye Liibaan Maaweel oo weftiga guddoomiyaha la socda, meelo badan oo ka mid ah deegaamada ay maanta kormeerka ku mareen ayaa waraaqaha lagu daabacayo ay ka sii go;ayeen, isla markaana ay hawlwadeennadu ka werwersan yihiin inay diiwaangelintu joogsato waraaqo la’aan darteed. Waxa kale oo uu sheegay in tuulada Dheryaley iyada maanta iyo shalay midna aanay diiwaangelintu ka socon, sababta oo ah matoorka dab-dhaliyaha ah oo ka xumaaday kooxda diiwaangelinta ee loo diray tuuladaas. Dadka ayaa safaf dhaadheer ku jira tuulooyinkaas oo dhan, waxaana taas sababay sida warku sheegay deegaamadaas oo xilligan barwaaqo ah, taasina ay dadka xoola-dhaqatada ah u saamaxdey inay fursad u haystaan inay isdiiwaangeliyaan.

Dhinaca kale, Koox wasiirro ah oo ay ka mid yihiin, Wasiirrada Duulista Hawada, mudane Cali Warancadde, Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Hawlaha Guud, Siciid Sulub ayaa iyaguna maanta tegey degmada Oodweyne, waxaana la filayaa inay u socdaan olole siyaasadeed oo daba jooga socdaalkii shalay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisu ku tageen Oodweyne.



C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

2 comments:

  1. Hello aad la raadinayay qaab amaah ah ee ganacsiga shakhsi dhan, waxaanu ku siin amaah ugu dulsaarka 3%, haddii aad danaynayso inaad nagala soo xidhiidh emailkan: amaah.credit.offer@gmail.com. aad amaah aan lagu wareejiyo si aad u toddobaad ka hor mar aad document waxaa ay ahayd heli aad ka si degdeg ah dib u dhac kasta oo ku jawaabaa ok la'aan. Codso amaah hadda.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete